Maxaa ka jira 'codka sirta ah' ee laga faafiyay madaxweynaha Jabuuti?

Xigashada Sawirka, LUDOVIC MARIN
Ilo wareedyo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa BBC u xaqiijiyey in la filayo in maxkamad la soo taagayo taliyaha booliska dalkaasi Korneel Cabdullaahi Cabdi oo maalmahan ku jiray xabsi guri.
Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daray in Korneel Cabdullaahi laga saaray xabsi gurigii uu maalmahanba ku jiray isla markaana hadda lagu hayo xabsiga Gabbood.
Inkastoo aanan si rasmi ah loo caddeyn sababta loo xiray, haddana waxaa jira warar sheegaya in korneelka loo xiray sir laga faafiyay qoyska madaxweynaha Jabuuti.
Balse ilaa iyo haatan waxaan kala caddeyn cidda bixisay amarka lagu xiray taliyahan.
Sidoo kale wararka ay BBC-da heshay ayaa sheegaya in sidoo kale uu weli xiran yahay wasiirkii hore ee miisaaniyadda ee dalkaasi Jabuuti Boode Axmed Rooble.
Mas'uuliyiin ka mid ah xukuumadda jamhuuriyadda Jabuuti oo aan isku daynay in aan arrintan wax ka weydiinno ayeysan noo suuragalin in aan helno.
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay bilowday baaritaan ku aadan waxa lagu tilmaamay codad lagu baahiyay baraha bulshada oo ay ka dambeeyeen 'kooxo'
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in arrintani ay ku lug leeyihiin saraakiil ay kamid yihiin taliyaha guud ee booliska Jabuuti iyo wasiirkii hore ee miisaaniyadda dalkaas.
"Ka dib markii la xaqiijiyay faafinta codad la duubay oo ay soo saareen kooxo dambiilayaal ah kaas oo lagu baahiyay baraha bulshada, waxaa durbadiiba la biilabay baaritaan ku aadan arrintaas"
"Baaritaankii ugu horreeyay ee la sameeyay waxaa caddaatay in arrintani ay ku lug leeyihiin agaasimaha guud ee booliska qaranka iyo wasiirkii hore ee miisaaniyadda" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xeer ilaalinta Jabuuti.

Dowladda waxay sidoo kale sheegtay in sharciga la horgeyn doono cid kasta oo si toos ah ama si dadban uga qeyb qaadatay faafinta codka sirta ah.
"Marka la eegay halista kiiskan, waxaa loo furay gal dacwadeed, waxaana looo dhiibay garsoore gaar ah, waxaana la xiray qaar kamid ah dadkii loo heystay dambigan halka xeer ilaalinta ay dabagal ku sameyneyso eedeysanayaal kale"
Xafiiska xeer ilaaliayha Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay inay go'aan kasoo saari doonaan dhacdadan isla markaana ay dadka la wadaagi doonaan halka wax ay marayaan.
Dowladda wax faahfaahin ah kama aysan bixin waxa uu ku saabsan yahay codka lagu baahiyay baraha bulshada ee loo xiray saraakiisha.
Isku shaandheyn lagu sameeyay taliska ciidamada Jabuuti
Warqad kasoo baxday dowladda Jabuuti ayaa lagu shaaciyay isku shaandheyn lagu sameeyay saraakiisha taliska ciidaada ee dalkaas.

Xigashada Sawirka, Ismail Omar Guelleh
Ilaa sagaal taliye ayaa la magacaabay, kuwaasoo xilal kala duwan oo muhiim ah loo dhiibay.
Magacyada iyo xilalka saraakiisha ayaa warqadda ugu qornaa sidan:
- Samatar Xasan Faarax - Agaasimaha Guud ee Waxada Dambi Baadhista.
- Cabdullaahi Ibraahim Food - Madaxa Qaybta Baadhitaanta.
- Cabdiqaadir Cali Rooble - Af hayeenka ciidamada ahna u qaabilsanaha dhinaca baratakoolka iyo xiriirka dadweynaha.
- Cher Maxamed Aadan - Madaxa Saldhigga Balbala.
- Amiin Maxamed Axmed - Madaxa Saldhigga booliska ee badhtamaha Magaalada.
- Cabdirisaaq Aadan Muuse - Taliyaha Ciidanka Waddooyinka iyo u gar qaadidda gaadidka isku khaldama.
- Cabdullaahi Maxamed Ismaaciil - Madaxa Waaxda Ilaalinta Shidaalka ciidamada.
- Cumar Cabdullaahi Jaamac - Madaxa Saldhigga Booliska ee ku yaalla agagaarka Dekedda Dooraale
- Cismaan Cilmi Dalieh - Madaxa Saldhigga booliska ee deegaanka dhulka Canfarta











