Hadalkii uu madaxweynaha Jabuuti ka yiri iskaashiga dalalka Geeska Afrika

Madaxweyne Ismaaciil Cimar Geelle ayaa ku taliyay in laga fiirsado waxa ay soo kordhinayaan isbadalladaas, loona kuur galo wixii faa'iidooyin ama khasaare ah ee ay wataan.
Isagoo u muuqday inuu si taxadar leh uga hadlayo mowduucaas ayuu sheegay in wax walba ay ku habboonyihiin turxaan bixin.
"Isbadallada hadda socda iyo kuwa imaan doonaba, waxaa loo baahanyahay in la is weydiiyo waxa ay dan inoo xambaarsanyihiin ama wixii dibindaabyo ku duugan" ayuu yiri madaxweyne Geelle.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in la tix galiyo ra'yiga dalalka kale.
"Waxaa wanaagsan in fiiro dheer loo yeesho waxa ay dunida kale rabto iyo sida ay dowladaha gobolku ula fal gali karaan isbadalladaas".
Madaxweynaha Jabuuti ayaa intaas ku daray: "Marka laga hadlayo isbadallada gobolka waa in la ilaaliyo ma huraannada umadeed ee aaney adduunyadu goynin, jiritaankana salka u ah, waan baahanahay looma bahalo cuno ayaa la yiri".
Hadalladan ayuu madaxweyne Geelle ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirka Madasha Aragti Wadaagga ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Jabuuti, kaasoo uu soo qaban qaabiyay machadka cilmi barista ee Heriteej.
Dhawaanahanba waxaa la isla dhex marayay natiijada ka dhalan karta go'aankii ay saddexda dal ee kala ah Soomaaliya, Itoobiya iyo Ertitrea ku gaareen iney sameystaan iskaashi dhinacyo kala duwan leh.
Ka dib markii ay kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, ra'iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Eritrea, qodobka ugu weyn ee laga hadlayay ayaa ahaa wadaagista ganacsiga gobolka geeska africa.
Balse dad fara badan waxay su'aal iska weydiinayeen sababta looga tagay Jabuuti oo iyadoo ka mid ah dalalka geeska Afrika aan qeyb ka ahayn heshiiskaasi.
Qaar ka mid ah dadka waxay dowladda Soomaaliya ku dhaliileen iney gacan bidixeysay Jabuuti.
Ra'uusul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay shirka Aragti Wadaagga ayaa BBC-da uga warramay waxa uu iskaashiga ka dhiganyahay iyo xiriirka Itoobiya.
"Horumarka Itoobiya annaguna wuxuu noo yahay horumar iyo faa'iido. Jaarkaaga adigu ma dooran kartid, Itoobiya Jaar baan nahay Ilaahay baa geeska Afrika inagu wada uumay. Madaxweyne Farmaajo hoggaamiye ayuu ka yahay ee hugun ma uusan raacin. Isagaa hormuud ka ah, isaga ayaa fikirka ay ku dhalatay lahaa. Marka waxan ay dadku leeyihiin 'Jabuuti baa ka maqan, Soomaali baa la liqayaa', wax jira oo xaqiiqo ah ma aha, waa qof raba inuu wax xun sheego, laakiin isdhex galkaas dhaqaale guul ayuu u yahay geeska Afrika oo dhan".
Cabiqawi Yuusuf, oo ah garyaqaan ka tirsan Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, oo la hadlay BBC-da ayaa qaba iney muhiim tahay in Soomaalidu ay is xog wareysato.
"Way fiicantahay in machadka Heriteej uu halkan isugu keenay dad badan oo Soomaali ah, oo wax garad ah, oo aqoon yahanno ah, si ay uga baaraan dagaan dhibaatooyinka deegaannada Soomaalidu dagan yihiin oo dhan ka jira, iyo sidii la isu fahmi lahaa oo la isu garabsan lahaa Soomaali ahaan".
Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee ka dhacay magaalada Jabuuti, oo looga hadlayay arrimaha gobolka geeska Arfika ayaa waxaa ka qeyb galay dad kor u dhaafaya 150 ruux.










