Askarigii hore ee madaxweynaha noqday haddana maxbuuska noqday

1965

Xigashada Sawirka, AFP

Markii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Aljeeriya Ramtane Lamamra uu dhawaan ku dhawaaqay in dalkiisu u jaray xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa Morocco, kuna eedeeyay Rabat inay qaaday "falal colaadeed", waxaa si rasmi ah loo shaaciyay markii ugu horreysay in tirada askarta Aljeeriya ee ku dhintay dagaalkii ciidda ee labada dal sannadkii 1963 -kiiay gaartay 800 oo askari.

Dagaalkaasi wuxuu ka dhashay muran xuduudeed oo u dhexeeyay labada dal, iyadoo Morocco ay dalbatay gobollada Tindouf iyo Bechar, taasoo uu diiday madaxweynihii Aljeeriya Axmed Ben Bella.

Haddaba, horumarradii ugu dambeeyay ee xiriirka Aljeeriya iyo Marooko, oo kor u qaaday faylka kala duwanaanshaha taariikhiga ah iyo Dagaalkii Ciidda, ayaa iftiimiyay magaca Madaxweynihii hore ee Aljeeriya Ahmed Ben Bella

Waxa kale oo ay ahayd xilligii 1990kii Axmed Ben Bella, madaxweynihii ugu horreeyey ee Aljeeriya xorriyaddiisa ka dib, ka soo noqday musaafuris iskiis ah oo uu u ku maqnaa Faransiiska.

The Encyclopedia Britannica ayaa sheegaysa in Axmed Ben Bella uu ku dhashay December 25, 1916 magaalada Maghnia ee Aljeeriya, halkaas oo uu wax ku bartay.

Ben Bella wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii dagaalkii madaxbannaanida ee Aljeeriyaanku la galeen Faransiiska. Wuxuu ka mid yahay lixda hoggaamiye ee ugu waaweyn ee lagu xusay taariikhda Aljeeriya halgankii gobannimo doonka ee Faransiiska.

Ben Bella ayaa sidoo kale ahaa ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dalkaas, iyo madaxweynihii ugu horreeyay ee loo doorto Jamhuuriyadda Aljeeriya intii u dhexeysay 1963 -kii illaa 1965 -kii, wuxuuna dalkiisa u horseeday dhanka dhaqaalaha hantiwadaagga.

Ben Bella wuxuu ka soo jeeday qoys beeraley ah oo asal ahaan ka soo jeeda Morocco. Aabihiis wuxuu ahaa beeraley iyo ganacsade yar oo ku nool Maghnia, gobolka Oran. Halkaas ayuu si guul leh ugu dhammaystay waxbarashadiisii hore ee dugsiga Faransiiska wuxuuna waxbarashadiisii ka sii watay magaalada dariska la ah ee Tlemcen, halkaas oo uu kala kulmay midab takoor markii ugu horraysay sidoo kalena ku dhex milmay dhinacyadii dhaqdhaqaaqa qaran.

Waxaa loo diyaariyey ciidanka Faransiiska 1937, wuxuu ka shaqeeyey Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaa la guddoonsiiyey Croix de Guerre "Cross of War" 1940kii iyo Biladdii Milateriga 1944, waxaana loo dallacsiiyey darajada sarkaal.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Axmed Ben Bella

Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii uu ka qayb galay dagaalkii labaad ee adduunka isagoo sarkaal ka ahaa ciidanka Faransiiska, wuxuu bilaabay inuu ka xanaaqo xukunkii gumaysiga ee dalkiisa oo uu ka fallaagoobay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay dhacdooyinkii May 8, 1945, oo ay ku jireen inta badan Aljeeriya lagu dilay magaalooyinka Setif, Guelma iyo Kherrata oo ku yaalla bariga dalka oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Faransiiska.

Markii uu ku soo noqday Maghnia, Ben Bella wuxuu dib u bilaabay hawlihiisii wadaninimo, isaga oo diiday in uu ka cabsado la wareegitaanka beertiisa ee maamulka Faransiiska. Waxaa loo doortay jagada magaalada Maghnia 1947 -kii.

Laakiin ka dib markii guddoomiye Marcel Edmond Naiglin uu musuqmaasuqay doorashooyinkii 1948-kii, wuxuu lumiyay wax rajo ah oo ah inuu madaxbannaanida ku gaaro hab dimoqraadi ah, sidaa darteed wuxuu ka tagay magaalada Maghnia wuxuuna ku biiray dhaqdhaqaaqa dhulka hoostiisa ee Messali al-Hajj.

Bishii Abriil 1949, wuxuu abaabulay duulaan lagu qaaday xafiiska weyn ee boostada ee Oran si loo maalgeliyo dhaqdhaqaaqyadiisa kacaanka, isaga oo kor u qaaday saamayntiisa dadka reer Aljeeriya.

Waxaa la xiray 1950 waxaana lagu xiray meel u dhow Blida, laakiin wuxuu ku guuleystay inuu baxsado laba sano kadib.

Waxaa la xiray 1950 -kii kadib markii la weeraray xafiiska boostada weyn ee Oran si loo maalgeliyo dhaqdhaqaaqiisa kacaanka

Ben Bella wuxuu kaalin siyaasadeed oo muhiim ah ku lahaa hoggaaminta Jabhadda Xoreynta Qaranka, isla mar ahaantaana, wuxuu abaabulay shixnad hub ah oo loo diray Algeria.

Sannadkii 1956 -kii, wuxuu ka badbaaday laba isku day dil, midna wuxuu ka dhacay Qaahira midna Tripoli, Libya.

Isla sannadkaas, ayay xireen mas'uuliyiinta milatariga Faransiiska intii lagu guda jiray geeddi -socodka wada -xaajoodka shuruudaha nabadda ee ra'iisul wasaaraha Faransiiska Guy Molier.

Diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Faransiisku waxay afduubeen diyaaraddii Morocco ee ka soo qaaday Rabat kuna socotay Tunisia 22 -kii Oktoobar 1956 -kii, iyada iyo 4 kale oo la socday, Maxamed Boudiaf, Hocine Ait Ahmed, Rabah Bitat iyo Mustafa Lachraf.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Ben Bella wuxuu 6 sano ku qaatay qalcaddii Faransiiska intii lagu jiray dagaalkii xorriyadda Aljeeriya, dalabka sii -deyntiisuna wuxuu ka mid ahaa dalabyadii intii lagu jiray wadaxaajoodkii madax -bannaanida, oo ku dhammaaday Heshiisyadii Evian ee 196l Jabhadii Xoreynta iyo Faransiiska.

Muddo ka dib, xabsiyo kale oo dalkiisa gudihiisa iyo masaafurinba, wuxuu aasaasay xisbi loogu magac daray Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiga ee Aljeeriya, wuxuuna ka qaybgalay doorashooyinkii ka dhacay Algeria sannadkii 1991 -kii, natiijadiisiina waa la kansalay, taas oo uu xisbigii kale ku guuleystay boqolkiiba 2 codadkii la dhiibtay.

Inkastoo xisbigiisu uu liitay doorashooyinkiias, Ben Bella wuxuu ka soo horjeestay go'aanka lagu joojiyay, ka dibna wuxuu ka soo horjeestay in la kala diro Jabhaddii Badbaadinta Islaamka bishii Maarso 1992, oo ku guuleysatay doorashooyinkaas.

Ben Bella ayaa sidoo kale tixgaliyay in Golaha Sare ee Dawladda, oo la sameeyay ka dib markii la baajiyay doorashooyinkii iyo xil ka qaadistii Chadli Bendjedid, ay tahay mid aan sharci ahayn. Ka dib markii ay rabshado ka qarxeen Aljeeriya, wuxuu ka mid ahaa kuwa ku baaqayay dib u heshiisiin qaran, wuxuuna mar kale dalka ka baxay 1992kii oo uu tagay Switzerland.

Ben Bella wuxuu ahaa mid aad u soo jiidasho leh waxaana loo tixgeliyey mid ka mid ah astaamaha wadaninimada Carabta iyo dhaqdhaqaaqa gumeysi diidka ee caalamka.

Madaxweynihii hore ee Aljeeriya waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii waaweynaa ee ka soo shaqeeyay qaab-dhismeedka waddamada aan is-raacsanayn, sida hoggaamiyaha Cuba Fidel Castro, Madaxweynihii hore ee Masar Gamal Abdel Nasser, Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Jawaharlal Nehru iyo hoggaamiyaha Shiinaha Mao Zedong.