You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sawirro: Barafka iyo siduu u bilay meelo uu barriinsaday
Dalka Ingiriiska ayaa waxa sannadkan ku soo maray qabow aad u ba'an oo baraf aan muddo dheer la arag ayaa ka da'ay dalkaas.
Waxa se la yaab leh in taalooyin, dhir iyo dhismeyaal uu barafkaasi ku fadhiistay uu ku bilay qurux dheeraad ah oo uu ku dhaabay.
Waa kuwan sawirro qurux badan oo laga qaaday meelo badan oo ku yaal dalka Ingiriiska.
Waa muuqaal qurux badan oo laga qaaday baraf ku habsaday taallo ku taal London.
Baraf ka laalaada dhirta oo aad mooddo rucub lulata.
Sawirrada dhirta iyo barafka isku dhaabani kala daran.
Fallaadhaha cadceedoo casar gaaban joogtiyo baraf wada casuus badan.
Taallo kale oo London ku taal oo baraf shareeray.