Madaxweyne Trump oo hadal lala yaabay ka yiri feyraska corona

Xilli dalka Mareykanka uu markale kusoo laba kacleeyay feyraska corona ayaa madaxweynaha wadankaas, Donald Trump oo maalin kahor ka hadlayay xafladda maalinta Qaranka ee Mareykanka waxaa uu sheegay "in 99 boqolkiiba xanuunka corona uusan wax dhibaata ah lahayn".

Trump ayaa intaa raaciyay in dad gaaraya 40 milyan oo qof ay ka baareen xanuunka, "sidaasina ay ku ogaadeen in 99 boqolkiiba feyraska corona uu yahay mid aan wax dhibaata ah lahayn".

Hadalka madaxweyne Trump ayaa dadka dhaliila siyaasadihiisa waxay u arkeen in uu yahay mid aan xaqiiqda ku saleysneyn, dad bandanna ku dhiiragelinaya in aysan si dhab ah u qaadanin tallooyinka caafimmaad ee ay soo jeedinayaan khubarada caafimmaadka iyo khatarta xanuunka.

Waxaa kale oo uu sheegay in istaraatijiyadda ay xukuumadiisa kula tacaaleyso xanuunka ay tahay mid shaqeyneyso.

Haseyeeshee guddoomiyaha guddiga dawooyinka iyo cunnada ee dalkaas oo la hadlay telefishenka CNN ayaa ka gaabsaday in uu difaaco hadalka madaxweynaha.

Mr Stephen Hahn oo sidoo kale dowladda Mareykanka kala taliya arrimaha caafimmaadka ayaa sheegay in uu si buuxda u taageerayo tallooyinka caafimmaad ee ay soo jeedisay xarunta dhexe ee kahortagga cudurada ee Mareykanka,

Hey'adda caafimmaadka adduunka ee WHO ayaa horay u sheegtay in 20 boqolkiiba dadka uu ku dhaco xanuunkan ay u baahdaan qalabka neefta ka caawiya iyo in daryeel gaar ah la siiyo.

Trump waxaa kale oo uu sheegay inay ku dhaw yihiin inay ka adkaadaan xanuunkan, haseyeeshee jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka waxay sheegtay in inkabadan 2.8 milyan oo qof uu ku dhacay feyraska corona, halka dad gaaraya 130 kun oo qofna ay u dhinteen corona.

Gobollada Florida iyo Texas ayaa 24-kii saca ee lasoo dhaafay soo wariyay sare u kac tirada dadka uu ku dhacayo xanuunka corona, waxaana la sheegay in 20 kun oo qof uu ku dhacay saacadihii lasoo dhaafay.

Gobolka Texas, waxaa maalin kahor lasoo sheegay in dad gaaraya 8,258 oo qof uu ku dhacay xanuunka, halka gobollada kale ee North Carolina, South Carolina, Tennessee, Alaska, Missouri, Idaho iyo Alabama na ay diiwaangeliyeen sare u kac tirada kiisaska.