Dilka George Floyd ee Maraykanka: Waxyaabaha aad ku muteysan karta Mareykanka habddii aad madow tahay

Xigashada Sawirka, Reuters
Mudaharaadada gilgilay Maraykanka geeridii ninkii Marykanka-madow ahaa ee George Flyod, ee gacanta booliska ku baxay sababeen iyagoo ay socdaan, ayaa saxafiga reer Kenya ee Larry Madowo waxa uu maqaalkan ka qoray midab takoorka uu kala kulmay dalkaas.
Todobaadkii ugu horreeyey ee aan imid New York City xagaagii hore, waxa casuumad casho ah iigu fidiyey gurigooda oo ku yaal xaafadda dadka hodanka ah ee Upper West Side saaxiibaday.
Waxan sii qaaday khudrad hadyad ah oo waxan tegay dhismaha ay deganyihiin aniga oo bac laalaadinaya.
Waardiyihii kadinka fadhiyey wuxu iga furay albaab loo maro xagga dambe ee dhismaha oo la sii dhaafayo halka xashiishka lagu qubo oo ku geynaya wiish aad u wasakh badan oo aad raacayso.
Markaan fooqii u baxay ee aan ka dhaadhacay wiishkii, ayey albaabka iga furtay gabadhii aan martida u ahaa iyadoo argagaxsan, wajigeeduna is bedelay.
"Waardiyahayga cunsuriga ahi wuxu ku mooday in aad xamaal alaab ii sida tahay, markaas ayuu ku yidhi waxaad isticmaashaa wiishka alaabta lagu qaado" ayay tidhi iyada oo i raali gelinaysa.
Waxaan ka soo shaqeeyey waddamo isir takoorka ka jiraa kakanyahay sida Koonfur Afrika iyo Ingiriiska, dunidana meelo badan baan maray, laakiin weli waxaan la dhaygagsanahay in nin Maraykan ah oo waardiye ahi rumaysan waayo in dadka cadaanka ah ee hodanka ah sida saaxiibadday iyo saygeedu ay qof madow gurigooda ku casuumi karaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hirdidaa yar ee markiiba igu dhacday ayaa digniin hordhaca iga siisay in Maraykanku yahay dal fursado fiican ay dad badani ka heli karaan, laakiin aniga igu qiimayn kara midabka jidhkayga oo waxba yahay iga soo qaadi kara.
In aan dal Afrikaan ah oo aqlabiyadiisu tahay dad madow u dhashay macno kama samaynayso, dadka aniga ii eeg ee halkan ku nooli waxay maalin walba magan uga yihiin aadamenimadooda nidaam si joogto ah u takoora, tirtira oo ciqaaba.
Sideen ugu damqaday qof aanan garanayn? Maxaa i dareensiinaya xanuun aanan mudan, maadaama oo aan ahay qof Afrikaana oo haatan uun Maraykan yimid? Waa su'aalo aan is weydiiyey oo ah malaha halganka dadka Maraykanka-madow ah ku dhiidhiyeen ayuun baad iskaga jiib darsanaysaa.
Dabeetana waxaan arkay muuqaal fiidyoow ah oo uu soo duubay qof dibad baxayey oo jooga Long Beach, California oo uu si cad ugu sheegayo in aan dulmiga lala safan.
"Sida uu haboon ee dadka Afrikaanka ah ee Maraykanka joogaa u taageeri karaan Maraykanka-modow waxa weeyi in ay gartaan in aan la ina kala garanayn oo aynu isku mid nahay" ayuu yidhi.
'Ragga madow baa ugu badan inta la quudhsado'
Dad mudaharaadaya oo sita calamada dalal Afrikaan ah ama boodhadh ay ku qoranyihiin Afafka qaaradda lagaga hadlaa, ayaa lagu arkay meelo kala duwan oo Maraykanka ah.
"Dadka aan caddaanka ahayn gaar ahaan ragga madow ayaa ugu badan kuwa sida xun loola dhaqmo, la quudhsado ee laga mishiiqsado dunida oo dhan" ayey tidhi Jada Walker oo ilmaynaysa iyada oo dad iskugu soo baxay Dallas City Hall, Texas u khudbadanaysay.
Waxay is weydiisay waayaha sugaya wiilka ay habaryarta u tahay oo ah laba jir weliba laxaadkiisu dhiman yahay, waxa uu mudan doono marka uu kor.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadkii Afrikaanka ahaa ee adoomaha laga dhigtay kuwoodii ugu horreeyey goobtii ugu horraysay ee Maraykanka laga dejiyey waxay ahayd gobolka Virginia waagii Ingiriisku gumaysan jiray, 401 sano ka hor.
Sannadkii hore, ayaa dadkaa tafiirtoodii qaar ka mid ahi abaabuleen xuska dhaqdhaqaaqii la odhan jiray "Sannadkii Noqoshada" si ay ugu noqdaan dhulkii awowyaashood qarniyo hore ka hor laga soo qafaashay.
Xuskaa waxa ka mid ahaa badhigga la yidhaa Afrochella Festival oo lagu qabtay Ghana bishii Diisember ee kal hore, waxaana agaasimay Abdul Karim Abdullah
Abdul Karim wuxuu u arkaa badhiggaa Afrochella in uu yahay madal midayn karta dadka modow ee ku nool qurbaha maadaama oo ay sida muuqata wada mutaan dhibaatooyinka kuwan oo kale ah.
" Waxan la sheekaystay saaxiibaday oo madow ah oo ka yimid wadama Haiti, Benin, St Vincent iyo Grendines, waayo takoorkani kuma koobana dal qudha, nidaamka cusuriga ahi dhamaanteen wuu ina wada saameeyaa. Muddo dheer ayay igu qaadatay in aan helo luqad aan ku cabbiro caddaalad darradan. Marar badan baa boolisku i joojiyaan oo ay i baadhaan oo midabkayga ay igu takooraan. Markaa halgankan socdaa waa halgankaygii oo waan ku jiraa" ayuu yidhi Abdul Karim.
Ma aha mid caddaalad loogu doonayo Maraykanka-madow ee isaga oo kale ah, waase halgan lagu doonayo in qofka madoobi xaq u leeyahay inuu isaga oo bed qaba ku noolaan karo Maraykanka.










