Sawirradii isugu soo hadhay tartanka abaal marainta Portrait of Humanity

Greta Thunberg oo dad ugu khudbadaynaysa Montreal, Canada

Xigashada Sawirka, ERIC DEMERS

Qoraalka sawirka, Greta Thunberg oo dad ugu khudbadaynaysa Montreal, Canada

Labada boqol ee sawir ee sannadkan loo soo xulay tartanka abaal marinta Portrait of Humanity, waxa la qaaday xayiraadaha ka hor ujeedadooduna waxay ahayd in lagu soo bandhigo in ay jiraan wax ina mideeya oo ka badan waxa ina kala qaybiyaa.

Bishan Juun ayaa lagu soo saari doonaa buug ay daabaci doonto shirkadda Hoxton Mini Press.

Tartanka waxa agaasinta shirkadda 1854, waxaana ka soo qayb galay dad ka socda 36 dal.

Waa kuwan sawirro laga soo xulay kuwaas oo ay la socdaan erayo kooban oo ay ka yidhaahdeen dadkii sawirradaa qaaday.

Maxim, waxa ku qaaday London Vivek Vadoliya

Maxim iyo faras

Xigashada Sawirka, VIVEK VADOLIYA

Qoraalka sawirka, Maxim iyo faras

"Waa Maxim oo lix iyo toban jir ah waxaanu ku biiray aadiga Ebony ee fardaha Brixton, London shan sano iyo badh ka hor. Waxa la sheegaa in farduhu wax tar u leeyihiin caafimaadka dhimirka ee caruurta".

Dad dabbaalanaya, waxa sawirkan Birmingham ku waaqay Attillio fiumeralla.

.

Xigashada Sawirka, ATTILIO FIUMARELLA

Qoraalka sawirka, .

" 100 iyo dheeraad qof oo dabbaasha ayaa isugu yimi berkad madhan si ay uga mudaharaadaan in la xidho Moseley Road Baths oo markii ugu horraysay la furay 1907"

Ayeeyooyin qoob ka ciyaaraya, waxa ku qaaday New York City An Rong Xu

.

Xigashada Sawirka, AN RONG XU

Qoraalka sawirka, .

"Haweenkani waxay ka tirsan yihiin koox dadka da'da ahi leeyihiin oo qoob ka ciyaarka ah oo ku soo bandhiga xarunta jamciyadda Korean-American eek u aal Queens, New York.

Mar la wada mabsuud yahay, waxa ku qaaday Chennai,India Udayan Sankar pal

.

Xigashada Sawirka, UDAYAN SANKAR PAL

Qoraalka sawirka, .

Ayeyday oo sariirteeda ku fadhida, waxa Haren, the Netherlands ku qaaday Lidewij Mulder

.

Xigashada Sawirka, LIDEWIJ MULDER

Qoraalka sawirka, .

"Ayeyday waa 82 jir oo saaxiibbo ayaanu nahay"

Samada agteeda, waxa ku qaaday Tigray, Ethiopia, Mauro De Bettio

.

Xigashada Sawirka, MAURODEBETTIO

Qoraalka sawirka, .

"Keshi Assefa Hagos waa baadariga kaniisadda Abuna Yemata Guh, oo la odhan karo waa goob cibaado halka ugu fog ee dunida ku taal"

Iggy Pop, waxa Sydney, Australia ku qaaday Antoine Veling

.

Xigashada Sawirka, ANTOINE VELING

Qoraalka sawirka, .

"Xiddiga heesaha Punk, Iggy Pop oo bandhig faneed ku qabtay Sydney Opera House oo la sawiran taageerayaashiisa oo aad ugu faraxsan inuu masraxa inay kula jaasaan u ogaaladay"

Jason (They/ Them) waxa New York City ku qaaday Ross Landenberger

.

Xigashada Sawirka, ROSS LANDENBERGER

Qoraalka sawirka, .

"Waxan Jason isku barangay 2006-dii madal internet-ka ah oo ay ku sheekaystaan dadka xiiseeya ciyaaraha skateboarding"

Abdullah, waxa Bihac, Bosnia-Herzegovina ku qaaday Marko Risovic

.

Xigashada Sawirka, MARKO RISOVIC / KAMERADES FOR ETHNOVISION

Qoraalka sawirka, .

Abdullah oo asalkiisu yahay Afghani ayaa sawirkan lagaga qaaday wershad baaba'day oo laga dhigay xero ay u hoydaan kumanaan qaxooti ah.

Haweenay bir ah, waxa ku qaaday Dhaka, Bangladesh Kathryn MacPhee

.

Xigashada Sawirka, KATHRYN MACPHEE

Qoraalka sawirka, .

"Haweenaydani waxay ka mid tahay malaayiinta qof ee ay dirqiga ku noqotay in ay miyigii ka tagaan oo ay u gooraan magaalo madaxda u dhaw ee Bangladhes si ay shaqo uga helaan"

Amber, waxa ku qaaday Diepenbeek, Belgium Justine Tjallinks

.

Xigashada Sawirka, JUSTINE TJALLINKS

Qoraalka sawirka, .

"Gabadhan 13 Jirka ah waxa la yidhaa Amber Vanderweert, waxay qabtaa cudur la yidhaa progeria oo ah mid dhif ah oo qofka uu ku dhaco cimri dedejiya"