Maxaa isku xidhay palm oil iyo xiisadda Kashmir?

Wax soo saarka saliidda Palm oil ee dalka Malaysia ayaa si lama filaana waxa u saameeyey muran dalkaa iyo India ay isku maandhaafeen arinta Kashmir.

Xidhiidhka labada dal wuu murugsanaa tan iyo dabayaaqadii Sebtember markii Ra'isal Wasaare Mahathir Mohamed yidhi India waxa ay "ku duushay oo qabsatay" gobolkaa ku yaal buuraleyda Himilaya.

Waa markii ay Delhi laashay sharcigii ismaamul hoosaadka qaybta ay maamusho ee Kashmir horaantii bishii Ogost, sidoo kale na la saaray xayiraadda isgaadhsiinta iyo culays kale oo saaran mudo afar bilood iyo dheeraad ah.

Hadalkaa ra'isal wasaaruhu kama degin Delhi waxaanay India joojisay ganacsigii weynaa ee labada dal u dhexeeyey ee ay saliidaa kagala soo degi jirtay waxaanay shacabka ku tirtirsiday in aanay iibsan saliida palm oil ee ay Malaysia soo saarto si "ay u muujiyaan in ay dalkooda u hiilinayaan", arintaas oo Mahathir ku sheegay "in ay tahay dagaal ganacsi".

Palm oil waa waxa ugu badan wax soo saarka beeraha ee ay Malaysia dibada u dhoofiso. Dunida oo dhanna aad baa looga isticmaalaa oo waxa loo adeegsadaa karinta cuntada iyo sidoo kale shidaalka bio-fuel-ka la yidhaa, iyo xitaa xamuuradda afka la marsado.

Baahida weyn ee India u qabto palm oil

India waa dalka koobaad ee ugu isticmaalka badan dunida saliida cuntada waxaanu sannadkii la soo degaa sagaal milyan iyo dheeraad tan oo palm oil ah oo badankeedu uga timaad Indonesia iyo Malaysia.

Intii u dhaxaysay Jeeniweri ilaa Oktoobar 2019 India waxay ahayd dalka koobaad ee palm oil ka iibsada Malaysia waxaanay sida xogta rasmiga ah ee waaxda ganacsiga Malaysia muujinaysay loo dhoofiyey 4 milyan oo tan.

Laakiin hadalkii Mahathir ka dib, ayaa agaasimaha fulinta ee iskaashatada saliidda India ee la yidhaa Solvent Extractors' Association of India, BV Mehta, sheegay in ay iskaashatadoodu u wareegtay Indonesia oo ay intii muddo ah aanay ka iibsanayn waxba Malaysia.

Danjiraha India u fadhiya Malaysia, Mridul Kumar, ayaa se beeniyey in ay qaadaceen palm oil-ka Malaysia "waa iskaashatada ee ma aha xukuumadda India" ayuu yidhi.

Laakiin safiirkii hore ee India u fadhiyi jiray Malaysia Vishnu Prakash ayaa sheegay in "dalkii India daan daansadaa aanu lib kala tagayn India".

Maxay India ka cadhootay ee Ra'isal Wasaaruhu yidhi?

Mahathir Mohamed waxa uu bishii Sebtember u sheegay Qaramada Midoobay in "iyada oo uu jiro qaraar Qaramada Midoobay ka soo saartay arinta Jammu iyo Kashmir uu hadana dalkaasi ku duulay oo qabsaday gobolkaas".

"Way jiri karaan sababo go'aankan loo cuskaday laakiin waa khaldanyihiin. Dhibaatada waa in lagu xaliyaa si nabad ah. India waa in ay Pakistan iska kaashadaan sidii dhibtan loo xalin lahaa. Laakiin in dhegaha laga furaysto Qaramada Midoobay waxay keeni kartaa in arintaa la caadaysto oo Qaramada Midoobay iyo sharcigba la tix gelin waayo" ayuu ku yidhi khudbaddii uu jeediyey.

India ayaa ku gacan saydhay hadlkaa Mahathir waxaanay tidhi "xaqiijo kuma salaysna" waxaana isla markiiba ay warbaahintu bilowday in ay odorosto in xukuumaddu ka fiirsanayso tallaabo ciqaab ah oo ay arintaa kaga fal celiso.

Ka dib ayaa waxa soo baxay war qoraal ah oo ay soo saartay iskaashatada Solvent Extractors' Association of India, waxaana lagu yidhi "iyadoo aad dantiina eegaysaan sidoo kalena taageero u muujinaysaan qarankiina, waxa haboon in aynaan wakhti xaadirkan Malaysia waxba ka soo iibsan".

Hadaba Malaysia walaac ma qabtaa?

Boqolaal kun oo beeralay reer Malaysia ah ayaa noloshoodu ku tiirsan tahay wax soo saarka palm oil, waxaanay xukuumaddu qirtay in go'aankaa iskaashatada reer India ''dhaawac weyn noqday".

Waxa iyaguna sidaa la qaba khubarada arimaha ganacsiga lafa gura.

"Hadii ay arintu noqoto qaadacaad rasmi ah, Malaysia saamayn taban bay ku yeelan doontaa mustaqbalka dhaw" ayuu yidhi James Chin.

Waxaanu intaa ku daray "laakiin waa inta ay xukuumadda Malaysia suuq cusub u helayso oo saamayntaasi waxay noqon doontaa mid kooban oo aan culays weyn oo siyaasadeed yeelan doonin".

Waana sababtaa waxa ay haatan Malaysia u raadinayso dalal Afrikaan ah oo ka iibsan kara palm oil, si ay u yarayso saamaynta uu yeelan karo suuqa India ee ka xidhmay iyo ka dalalka Midowga Yurub oo sheeay in ay damacsanyihiin in ay joojiyaan palm oil-ka loo adeegsado bio-fuel ahaanta sannadka 2030.