Cabdiwali Gaas kadib waa sidee xaaladda madaxdii ku haray iskaashiga maamul goboleedyada?

Kadib markii magaalada Garowe lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland, meesha na uu ka baxay Cabdiweli Gaas oo horumuud ka ahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa waxaa la isweydiinayaa waxa ay noqon karto xaaladda madaxdii ku haray iskaashiga maamul goboleedyada.
Iskaashiga mamaul goboleedyada oo ay haatan ku hareen madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland ayaa dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu wiiqmay.
Maammul goboleedyada ayaa horey ugu dhawaaqay inay xiriirla u jareen dowladda federaalka ee Soomaaliya dhowr bilood ka hor maray ku Shireen magaalada Kismayo.
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo haatan ku sugan magaalada Dhusma Mareeb ayaa dhinacyada ka soo horjeeda waxay iyaguna ku sugan yihiin Cadaado, taasi oo laga dheehan karo inta uu la egyahay khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxda kale ee maamulkaasi oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenkiisa.
Waxay taasi horseeday khilaaf xoogeystay oo u dhaxeeya madaxweyne ku xigeenka mamaulkaasi iyo guddoomiyaha barlamaanka oo dhinac ah iyo madaxweyne Xaaf.

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Jubaland
Madaxweyne Axmed Maxamad Islan
Dhanka maamulka Jubaland ayaa maalmihii la soo dhaafay deegaano kamid ah Jubbooyinka iyo Gedo waxaa ka socday abaabul ciidan oo ay doonayaan inay kula wareegaan gobolka Jubada Dhexe.
Gobolkan oo ay gacanta ku heyso xarakada Al Shabaab ayaa muddooyinki dambe ahaa hadal heynta ugu weyn, iyadoo haatan laga yaabo inuu xuddun u noqdo loollanka u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Maamulka Jubbaland waxay billaabeen inay ciidamo badan ka daad gureeyaan magaalada Kismayo, kuwaasi oo la geeyay degmada Afmadow, si ay howlgal ugu qaadaan Jubbada Dhexe.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madobe, aya dhawaan guddoomiyaha gobolka Jubada Dhexe oo ay wali maamulaan Al Shabaab u magaacabay Haajir Bile Sugaal, taasi oo muujineysa in maamulka Jubaland ay daneynayaan gacan ku heynta gobolkaasi.
Magaalada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubada Dhexe oo ah magaalo madaxda maamulka Jubaland ayay wararku sheegayaan inay tahay ujeedada ugu weyn ee loo qaadayo howgalka.
Dhanka kale, ciidammada Dowladda Federaalka ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii howlgal looga sameyn lahaa gobolka Jubbada Dhexe.
''Waa waajib ciidan oo na saaran, gaar ahaan qeybta 43-aad oo aaggaasi ku beegan in aan sameyno howlgal lagu xoreynayo gobolka Jubbada Dhexe''.Sidaasi waxaa yiri Janaraal Bogmadow oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee miltaeriga Dowladda Federaalka.

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Jubaland
Maxaa magaalada Bu'aale loogu baratamayaa?
Xiriirka u dhaxeeya maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka oo aan wanaagsaneyn iyo doorashada Jubaland oo ku aaddan bisha 8aad ee sannadkan 2019-ka ayaa dadka qaar waxaa ay aaminsan yihiin in sababta ugu weyn ee howgalka loo qaadayao ay tahay sidii dhinac walba uu gacanta ugu dhigi lahaa magaalada Bu'aale, oo ah caasimadda sharciga ee Jubaland, lagana yaabo in lagu qabto doorashada Jubaland.
Maxay ku dambeyn doonaan
``Dowladda federaalka waxay faragelin ku sameesay doorashadii Baydhabo iyo barlamaanka oo ay gacanta ku dhigtay, waxwalba oo aan laga fiirsanin na waxaa ka dhasha cawaaqib xumo iyo rabashado, marka wax aan la filan karo oo aaan wanaagsaneyn ayaa ka iman kara Galmudug iyo Jubaland ``. Sidaasi wxaaa BBC-da u sheegay Profesar Cabdi Ismaacil Samatar.
Dhanka Puntland, wafdi ballaaran oo dowladda federaalka ayaa gaaray magaalada Garowe, halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hoggaaminayay wafdiga ballaaran ee Garowe tegay ayaa sheegay in Garowe ay u tageen in Madaxweynaha cusub ee Puntland u gudbiyaan salaan ay ka sideen madaxda sare ee dowladda.










