Maxay sababay gulufka ku wajahan magaalada Bu'aale?

Xigashada Sawirka, Xafiiska madaxweynaha ee Jubaland
Waxaa maalmihii la soo dhaafay deegaano kamid ah Jubbooyinka iyo Gedo ka socday abaabul ciidan oo ay kala wadaan maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gobolkan oo ay gacanta ku heyso xarakada Al Shabaab ayaa muddooyinki dambe ahaa hadal heynta ugu weyn, iyadoo haatan laga yaabo inuu xuddun u noqdo loollanka u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Maamulka Jubbaland waxay billaabeen inay ciidamo badan ka daad gureeyaan magaalada Kismayo, kuwaasi oo la geeyay degmada Afmadow, si ay howlgal ugu qaadaan Jubbada Dhexe.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madobe, aya dhawaan guddoomiyaha gobolka Jubada Dhexe oo ay wali maamulaan Al Shabaab u magaacabay Haajir Bile Sugaal, taasi oo muujineysa in maamulka Jubaland ay daneynayaan gacan ku heynta gobolkaasi.
Madaxweynaha maamulkaasi ayaa maalmihii lasoo dhaafay kormeerayay xarumaha ciidammada Draawiishta ee Juballand, waxaana saraakiisha ciidanka ee Jubaland ay shegeen inay diyaar u yihiin xoreynta Jubbada Dhexe.
"Waxaan cadeeneynaa howgalkaasi sidii uu u bilowday in uu ahaan doono ilaa iyo inta gacanta lagaga dhigayo degmooyinka maqan''. Sidaasi waxaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay Axmed Jaamac Salaad oo ah taliyaha hogaaminaya howgalka Jubbada Dhexe.
Magaalada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubada Dhexe oo ah magaalo madaxda maamulka Jubaland ayay wararku sheegayaan inay tahay ujeedada ugu weyn ee loo qaadayo howgalka.

Xigashada Sawirka, General Bogmadow oo ah taliyaha qeybta 43aad
Dhanka kale, ciidammada Dowladda Federaalka ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii howlgal looga sameyn lahaa gobolka Jubbada Dhexe.
''Waa waajib ciidan oo na saaran, gaar ahaan qeybta 43-aad oo aaggaasi ku beegan in aan sameyno howlgal lagu xoreynayo gobolka Jubbada Dhexe''.Sidaasi waxaa yiri Janaraal Bogmadow oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee miltaeriga Dowladda Federaalka.
Mar ay BBC-du wax ka weydiisay janaraalka qaabka la isku waafajinayo howlgalka ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubaland, madaama uusan wanaagsaneyn xiriirka u dhaxeeya maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka ayaa waxa uu sheegay in siyaasadda iyo qorshaha ciidan ay kala duwan yihiin, waajibkana uu yahay in la xoreeyo gobolkaasi oo ah mid muqadas.
Maxaa magaalada Bu'aale loogu baratamayaa?
Xiriirka u dhaxeeya maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka oo aan wanaagsaneyn iyo doorashada Jubaland oo ku aaddan bisha 8aad ee sannadkan 2019-ka ayaa dadka qaar waxaa ay aaminsan yihiin in sababta ugu weyn ee howgalka loo qaadayao ay tahay sidii dhinac walba uu gacanta ugu dhigi lahaa magaalada Bu'aale, oo ah caasimadda sharciga ee Jubaland, lagana yaabo in lagu qabto doorashada Jubaland.
''Waxaa muuqata in doorashada Jubaland la doonayo in lagu qabto Bu'aale, waxaana ayaan darro ah in madaxweyne Axmed Madobe muddo uu halkaasi ka talinayay, marka ay dowladda isku dhaceen na uu weerar ku qaado Bu'aale, si uu u sheegto, waana aragti gaaban, waxaa iyguna lamid ah Dowladda Federaalka oo maanta oo ay is hayaan Axmed Madobe ay weerar ku qadaan Bu'aale, si doorasho halkaasi loogu qabto, iyadu na waa argti gaaban''. Waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Profesar Cabdi Wahaab Sheekh Cabdisamad.
Cawaaqiibka ka dhalan kara

Xigashada Sawirka, Xafiiska madaxweynaha Jubaland
Labad dhinac ee doonaya in howgalka ay ka sameeyaan gobolka jubbada Dhexe ayaan shaki ku jirin inay ka mideesan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, hasa yeeshee, waxaa la isweydiinayaa sida loo wajahayo howlgalka Jubbada Dhexe iyo sida ay suurtagal u tahay in ciidamo isdiiddan ay sameeyaan howlgal aysan ku mideysneyn.
''Waxaa guul darro ah in dagaal aan loo mideysneyn la qaado, waxayna taasi dan ugu jirtaa Al Shabaab, waxaa ay muujineysa in dagaalka uu yahay mid siyaasadeysan oo hadafkiisu yahay guul ha lagu sheegto doorashada''. Sidaasi waxaa BBC-da ku yiri Janaraal Guubir oo ah khabiir ka faallooda arrimaha milateriga.
Janaraal Guubir ayaa intaa raaciyay in haddii labada ciidan ay isugu tagaan magaalada Bu'aale uu dagaal iyo khasaaro ka dhalan karo, isagoona sababta ku sheegay in ciidamo aan heshiis aheyn aysan meel wada joogi karin.
Bilihii ugu dambeeyay waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhexeeya maammul goboleedyada qaarkood, oo ay Jubaland ka mid tahay, iyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana taasi ay dhalisay hardan siyaasadeed oo ku aaddan doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan maammul goboleedyada.










