Isla xisaabtan iyo Cafis: Keebaa la gudboon Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya

Waxaa deegaanka ku wada nool dad aanooyin badan kala tabanaya, waxaana la is weydiinayaa inay suuragal tahay in ururrada kala wato siyaasadaha kala duwan ay nabad ku wada noolaan doonaan mustaqbalka.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Muxumed Cumar oo dhawaan magaalada Jigjiga kula kulmay safiirka Mareykanka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay ku howlanyihiin la xisaabtanka mas'uuliyiintii hore iyo baaritaannada tacaddiyadii lagu eedeeyay iney geysteen.
"Dadkii dhibaatada geystay qaar badan oo ka mid ah waa la hayaa, qaar badan oo ka mid ahna waa lagu raad joogaa. Dadkii meeshan dhibaatada ka dhaceysay geystay qaarkood waxay u baxsadeen waddamada Mareykanka, Turkiga iyo meelo kala duwan, marka waa in la iska kaashado sidii dadkaas sharciga loo hor keeni lahaa" ayuu yiri madaxweyne Mustafe.
Hasa yeeshee dadka qaar ayaa soo jeedinaya in cafis oo keliya uu noqon karo xalka ugu habboon si bulshada gobolka ay meel uga soo wada jeedsaan.
'' Waxay ila tahay in la iscafiyo oo wixii hore la iska ilaawo, sababtoo ah boqol sano khaladaadkii dhacayay hadii la yiraahdo ha la isla xisaabtamo, wixii dambe ee la qabsan lahaana xisaabtan ayuu ku dhamaan,' marka waxaa ila qumman in dib u heshisiin la galo, madaama nidaam dhan uu dhibaatada geysanayay''. ayuu yiri Axmed-Raage oo ka soo jeeda Dowlad Deegaanka oo BBC-da la hadlay.

Xigashada Sawirka, SRTV
Safiirka Maraykanka ayaa booqashada Jigjiga kaddib sheegay inay gacan ka geysan doonaan la xisaabtanka dadka la tuhunsan yahay.
"Dawlad Deegaanka waxaaan gacan ka siinaynaa sidii loola loola xisaab tami lahaa muwaadiniinta Maraykanka ee lagu tuhmayo in ay tacaddiyada gaysteen intii ay deegaanka ku sugnaayeen" ayuu yiri Michael Raynor oo indhihiisa ku soo arkay xabsiga Jeel Ogaadeen.
Xariga mas'uuliyiintii hore
Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda xiran, maxkamadeyntiisana ay socotaa isaga oo ay ku weheliyaan masuuliyiin sarsare oo maamulkiisa ka mid ahaa.
Dawladda iyo shacabka ayuuna ka codsaday in la cafiyo, inkastoo aan dhag jalaq loo siin.
Ibraahim Dheere oo ah guddoomiyahii Jabhadii Xoreynta Soomaali Galbeed ayaa BBC-da u sheegay in waxa laga wada xisaabtamayo aysan aheyn dagaalkii dhex-maray Itoobiya iyo Jabahdda ONLF, balse ay tahay in laga wada xisaabtamo dhibaatooyinkii uu gaystay maamulkii hore ee Jigjiga.
''Khaladaadkii ay geysteen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF waa waxyabaha laga heshiiyay ee ku xusan heshiiska Asmara, balse marnaba suurtagal ma ahan in la cafiyo shakhsiyaadkii ka tirsanaa maamulkii Jigjiga ee dhibaatooyinka u geysatay dadka raydika ah'' ayuu yiri Ibraahim dheere.
Balse Axmed-Raage ayaa aaminsan in haddii ay noqoto in shakhsi lala xisaabtamo, ay horseedi karto dhibaatooyin kale, madaama Soomaalida ay yihiin dad hanaan qabiil wax ku saleeya.
Waddamada Rwanda iyo Koonfur Africa ayaa lagu xasuustaa in ay horumar la taaban karo ku gaareen hannaanka ku saabsan iscafinta, halka dalal kale oo qaar ay Afrika ka tirsanyihiinna hogaamiyeyaashii lagu eedeeyay iney tacaddiyada ka geysteen la dilay, kuwaas oo tusaale ahaan loogu soo qaadan karo madaxweynihii waddanka Liibiya Mucamar Qadaafi, oo dalkiisu galay qalalaase dilkiisa kaddib.
Isbaddalka maamulkii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli uu isbaddal guud ka dhacay waddanka Itoobiya, wixii ka dambeeyay markii uu xilka ra'iisul wasaaraha qabtay Dr Abiy Axmed.










