Ogaadeniya: ma matali karaa Soomaalida deegaanka?

Afhayeenka ONLF C/ Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani)
Qoraalka sawirka, Afhayeenka ONLF C/ Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani)

Dad badan ayaa waxay u arkaan Ururka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) inuu wato magac qabiil oo aan Soomaalida oo dhan matalin Karin, halka ay Jabhadduna leedahay Soomaalida deegaanka oo dhan ayaan u halgamayaa marka magaca qabiilka iney iska reebayaan iyo iney sidaa ku wadanayaan, wariyaha BBC-da ayaa wuxuu hordhigay su'aashaasi afhayeenka ONLF C/ Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani).

Mudane Caddaani mar uu suaashaasi ka jawaabayey waxaa uu yiri: "Laba bilood ka hor waxaan diyaarinnay isbahaysi Soomaaliyeed oo la yirahdo 'Isbahaysiga xorriyadda Soomaaliyeed (Somali Coalition for Freedom (SCF) )' kaa dadka Soomaaliyeed oo dhan ayuu u furan yahay ururka ONLF-na dadka oo dhan ayuu u furan yahay."

Ogaadeeniya sababta aan ula baxnay waxaa weeye ayuu yir: "dokumantiga keli ah ee Khariidadda dhulka soomaalida Itoobiya ku jira ee raad ku leh ee Talyaani iyo Ingiriiska, Ingiriiska iyo Itoobiya, Talyani iyo Itoobiya, Masaaridi iyo Turkiga, Turkiga iyo Ingiriiska dhex maray kulli Ogaadeeniya ayuu ku qoran yahay waa sababta aan u qaadannay magacaasi."

"Markasta oo dowladda laga doodayana sharci taariikhi ah iyo khariidad taariikhi ah iyo xuquuq aad lahaan jirtay baa loo doodaaye abtirkeyga ayaa Soomaali ah kaagana waa qabiil keli ah ma noqdo" ayuu yiri.

Ururka ONLF-na waa ururka keli ee Soomaali ah ee magac qabiil ka soo jeeda wata ee ugu fog xagga qabyaaladda 37 urur oo Soomaali ah oo 'S' watay oo 30-ki sana ee u dambeeyey Soomaali ka dhashay kulligood waxay ahaayeen ayuu yiri qabiil been sheegaya oo qabyaalad cad ku dhaqma.

Anagu magacan waxaan u qaadannay inaan kula halganno haysashada Itoobiya, inaan ku difaacno dadka Soomaalida dhulkooda iyo dadkooda, waana magaca keli ah ee taariikhda noo galay oo aan qaramada midoobayna ka diiwaan gelinnay.

Halka dowlad ee dhulkeenna taariikh ahaan Soomarayna wuxuu ahaa dowladda ay Talyaaniga ay ka sameeysay 1931-kii oo magaceedu ahaa 'Harar and Ogaden Governor'.

"Magaca Ogaadeen in la wato ogaadeenna dan ugama jirto qabiil kalana dan darra ugama jirto waxaana wanaagsan in waxa la isku haya ay dadku fahmaan" ayuu yiri.

ONLF iyo Itoobiya maxay ka wada hadleen?

Wadahadallada dhex maraya Ururka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) iyo dowladda Itoobiya wadahadallo hordhac ah ayaa wuxuu muddo bil ah uga socdaa magaalada Addis Ababa waxayna labada dhinaca ay isla gaadheen qodobbadan:

  • In la isku soo horfadhiisto wadahadallo ay Itoobiya iyo ONLF ay daacad ka yihiin
  • In laga wada hadlo waxa ay dadka Soomaaliyeed tabanayeen oo ay u dagaallamayeen ayna ku diiddanaayeen Itoobiya
  • Dhibaatooyinka shacabkaasi la gaarsiiyey iyo magdhawga ay leeyihiin
  • Xuquuqda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee ay leeyihiin
  • Xuquuqda haybta (identity) ee ay leeyihiin iyo
  • Arrima badan oo ay ka mid yihiin amniga, xuquuqul insaanka iwm…
Qoraalka Codka, Mucaaradka Itoobiya oo xaaladda dalkaasi uga arrinsanaya London

ONLF ma oggoshahay iney aqbasho dastuurka Itoobiya?

Marar badan oo ay ONLF iyo Itoobiya isku dayeen iney wadahadallo yeeshaan ayaa waxaa marwalba wadahadalladaasi horistaagayey Itoobiya oo shuruudda wadahadalka ku xirto iney ONLF aqbasho dastuurka dalka u yaalla, halka ay ONLF-na diideysay iney aqbasho dastuurka Itoobiya oo ay ku sheegi jirtay inuu dastuurka laftiisa uu qayb ka yahay dhibaatada haysata umadda Soomaaliyeed.

Mudane Caddaani mar uu arrintaasi ka hadlayey wuxuu sheegay "iney wadahadallada muddada bisha dhex marayey labada dhinac ay arrintan isku soo qaadeen balse halkaasi la isla soo dhaafay oo ay dowladda Itoobiya oggoshahay iney dastuurka dalka beddesho oo dib loogu noqdo. "

"Sida qodobka aaya ka talinta, qodobka awood qaybsiga, qodobka xuquuqda dhulka, qodobka nidaamka federaalka iyo awooddiisa, qodobka gobollada iyo awooddooda marka qodobbadaa iyo kuwa kalaba dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa" ayuu yiri.

Iyada oo ay dowladda Itoobiyana sheegtay ayuu yiri "dib u eegista dastuurka iney ka qayb qaadan doonaan jabahadaha soo dagaallamayey sida ONLF, OLF, GINBOT 7, TDP, xisbiyadi hore ee mucaradka ahaa ee gudaha dalka ka dhaqdhaqaaqayey, jaamacadaha iyo ururrada bulshada rayadka ah ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha si cusubna dastuurka loo diyaarinaya wacdiga dalkuna waa uu ka gudbay ayuu yri su'aashi uu la soo taagnaa taliskii hore ee ahayd qasab ku aqbala dastuurka"

Wadahadallada xiga maxay yihiin?

Mudane C/ Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani) Afhayeenka Ururka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa wuxuu sheegay "iney wadahadallada xiga ay noqon doonaan wadahaddalladi rasmiga ahaa oo ku saabsan aaya ka talinta, awood qaybsiga, magdhawga iyo xuquuqda siyaasadda ee Soomaalida."

Waxaana billaaban doona guddiya farsamo in la dhiso, ONLF-na ay dalka oo dhan xafiisyo ka furato, inaan shacabka Soomaaliyeedna mideeyno oo ay Jabhadda, Maamulka iyo Shacbkuba gacmaha isqabsadaan.

Sideey iskula jaanqaadayaan ONLF iyo Maamulka cusub ee deegaanka ka dhashay?

Mudane caddaani waxaa uu sheegay iney maamulka cusub ay si wanaagsan isula jaanqaadayaan wadahadallada ay yeesheenna ay si weyn isugu fahmeen.

Wuxuuna sheegay maamulka cusub ee deegaanka ka dhashay iney ka wadahadleen danta umadda soomaaliyeed ee deegaanka ay leedahayna ay isku sina u arkeen.

Wxayaabaha aan isla meel dhignayna waxaa ka mid ah ayuu yiri:

  • Xaqa ay Soomaalida ku dhax leeyihiin Itoobiya
  • Mideynta dadka Soomaaliyeed
  • Iskaashiga umadda Soomaaliyeed inuu daruuri yahay iyo
  • Waxa umadda Soomaaliyeed ka maqan oo aan isku si u aragnay
Xukumadda cusub ee deegaanka ka dhalatay
Qoraalka sawirka, Xukumadda cusub ee deegaanka ka dhalatay