Falanqayn: Maxay ku heshiiyeen ONLF iyo dawladda Itoobiya?

Wakiilladii labada dhinac ee ku kulmay Asmara

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Wakiilladii labada dhinac ee ku kulmay Asmara

Magaalada Asmara waxaa ku kulmay wakiillo ka kala socday dawladda Itoobiya iyo ururka ONLF. Waxay halkaa ku gaareen, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee ururka, is afgarad labada dhinac dhex maray oo la xiriira sidii ONLF ay hawlaheeda si nabdoon ugu sii wadan lahayd, iyo in la sii amba qaado wadahadallada labada dhinac.

Qormadan waxaan ku faaqidaynaa arrimaha ku gadaaman heshiiska u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF.

Maxaa lagu heshiiyey?

Qodobka ugu weyn wuxuu ahaa xabbad joojin, taasoo ay ONLF dhankeeda kaga dhawaaqday dhowr bilood ka hor, Itoobiyana ay sidaa kaga saartay "Liiska ururrada argagixisada ah".

Dadka qaar waxay u arkaan in uusan ahayn heshiis kama dambays ah oo labada dhinac dhex maray.

Kulan hore u dhex maray labada dhinac

Xigashada Sawirka, Horseed media

Qoraalka sawirka, Kulan hore u dhex maray labada dhinac

Xoghayaha arrimaha dibadda ee ONLF, Axmed-Yaasiin Sheekh Ibraahim, wuxuu BBC u sheegay in ay ku heshiiyeen in "ONLF ay hawlaheeda si nabdoon u sii wadato". Wuxuu intaa ku daray in la isku afgartay in wadahadallada la sii wado.

Arrin middaas u dhow waxaa qaba C/raxmaan Ismaaciil Cadami oo ka faallooda arrimaha gobolka. Wuxuu ku tilmaamay heshiiska "mid hordhac ah, sida in colaadda la joojiyo iyo in wadahadallada la sii wado".

Cabdiraxmaan wuxuu ku tilmaamay heshiiskaas mid aan la oran karin "waa heshiis rasmi ah".

ONLF ma u xuubsiiban kartaa xisbi/urur siyaasadeed?

Arrintan waa mid ka turjumaysa hamiga siyaasadeed ee ONLF, hase yeeshee way hirgali kartaa, caqabadna way ka hor imaan kartaa.

"Ururkan magac qabiil ayuu ku dhisan yahay, haddii uu xisbi siyaasadeed noqdo ayadoo magaceiisana uu yahay mid qabiil wuxuu noqonayaa xisbi qabiil" ayuu yiri Cadami.

Wuxuu aad ugu adkaystay Cadami in marka hore ay muhiim tahay in la helo magac ay Soomaalida kililka oo dhan u arkaan mid ka dhaxayn kara, oo "ugu yaraan ay magaca beddelaan haddii aysan siyaasadooda beddelayn, laguna beddelo magac ay Soomaalinimo ka dhadhamayso".

Wuxuu soo qaaday in awoodda iyo siyaasadda Itoobiya wax lagu qaybsado qowmiyado "miisaanka ururka Oromada ee OLF ama kan Amxaarada ee Ginbot7 oo kale yeelan maayaan marka ay la gorgortamayaan dawladda federaalka ee Itoobiya, sababtoo ah ninna wuxuu sitaa magaca qowmiyad lagu qiyaaso ilaa 35 malyan, Soomaalidana 4-5 malyan ayaa lagu qiyaasaa, markaa qabiil Soomaali ka sii tirsan dawladda federaalka ula miisaan noqon maayo ururradaas qowmiyadaha ku dhisan" ayuu yiri Cadami.

Isbeddellada ka socda Itoobiya ayaa loo arkaa inay qayb weyn ka qaateen heshiiska

Xigashada Sawirka, Fitsum Arega

Qoraalka sawirka, Isbeddellada ka socda Itoobiya ayaa loo arkaa inay qayb weyn ka qaateen heshiiska

Sidee u arkaan qabaa'ilka kale ee ku nool kililka?

ONLF waxay hore u sheegtay, sida muuqatana ay weli ku adkaysanaysaa, in mudnaanta koobaad la siiyo aaya-ka-tashiga, iyo in afti la qaado, si loo ogaado masiirka shacabka. Laakinse taasi ma qabo Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami.

"Arrinta masiirka qudheeda, qabiil ka mid ah qabaa'ilka Soomaalida Itoobiya ugama haysto ogolaansho qabaa'ilka kale inuu magacooda dawladda wadaxaajood kula galo".

Haddaba mar haddii uusan ONLF wakiil ka noqon karin Soomaalidii kale ma loo arki karaa wax iska maaweelo ah wadahadalka ay dawladda isla wadaan ee looga hadlayo in afti madaxbanaani laga qaado malaayiinta qof ee Soomaalida ah ee ku nool dawlad deegaanka? Mar kale Cadami.

"Ragga hadda dawladda Itoobiya gorgortanka kula jira hal qabiil ayey ka kooban yihiin. Mar haddii aysan qabaa'ilkii kale soo igman waxaan u arkaa inay tahay 'cadaadis iyo wax ku gooso' ayuu yiri Cadami.

Xalku muxuu yahay?

Cadami wuxuu qabaa in tanaasulaad badan hore loo sameeyey, haddeerna la samayn doono si heshiis loo gaaro.

"Dhanka kalena ONLF waxaa loo baahan yahay in ay la timaado ajende balaaran oo ay ku kasbanayso Soomaalida kale ee kililka la deggan, kuwaasoo aad u badan oo aan la yaraysan karin" ayuu sii raaciyey.

Inkastoo ay arrintu sidaa tahay, misna waxaa jira dad aad ugu hanweyn in cagta la saaray waddadii lagu soo afjarayey kacdoonnadii deegannadaas ka jiray.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan