Sucuudiga oo lagu eedeeyey inuu xidhay dumar u ololeeya xuquuqda haweenka

Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo ay soo baxayso faahfaahinta wararka sheegaya in laba dumara oo u ololeeya xuquuqda haweenka la xidhay, ayaa urur weyn oo u ololeeya xuquuqal insaanku waxa uu Sucuudiga ku eedeeyey in uu cadaadis aan hakad lahayn ku hayo dumarka u dhaqdhaqaaqaxa xuquuqda haweenka.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in Nawf Cabdicasiis iyo Mayaa Al-Sahrani horraantii bishan loo xidhay in ay si cad u sheegeen in ay u damqanayaan dhawr dumar ah oo magac leh oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo bishii May la xidhay.
Ururku waxa uu sheegay in sidoo kale xayiraado xagga socdaalka ah lagu soo rogay dhawr ka mid ah dadka Sucuudiga ah ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqal insaanka.
Haweenkaa la xidhay waxa lagu eedeeyey in ay xidhiidh tuhun leh la yeesheen cadow jooga dhul shisheeye. Haweenkaa xidhan qaar badan oo ka mid ah ayaa waxa ay ka qayb qaateen ololihii dumarku ku doonayeen in xaq u yeeshaan in ay gawaadhida kaxeeyaan.
Maalinta Axadda ah ayaanay haweenka Sucuudigu bilaabi doonaan in ay baabuurta dalka ku dhex wataan.










