Sawirro : Dumarka Sucuudiga oo baranaya kaxeynta baabuurta
Iyadoo Dalka Sacuudiga uu 24-ta bishan June lagu wado inuu qaado xayiradda saaran haweenka ee baaburta wadidda ayaa shirkadda shidaalka ee Aramco waxay casharro dhanka baabur kaxaynta u fidinaysaa shaqaalaha haweenka ah ee shirkaddaasi ka howlgala.
Sawirqaade ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters Axmed Jadallah iyo weriye Rania Al Jamal ayaa ku biiray 200 dumar ah oo baabur kaxaynta ku baranaya xarunta shirkadda Aramco ee ku taalla magaalada Dhahraan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ardeyda halkan waxaa kamid ah Maria Al Faraj oo hadda cashar siinaysa macalimad lagu magacaabo Axlam Al-Soomaali.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa la baraya sida loo wado baaburta oo ay kamid tahay baddelidda saliidda iyo shaaggaga baaburta iyo muhiimadda uu leeyahay in la xirto suunka baaburta.

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters
In laga qaado xayiraadda saaran haweenka Sacuudiga waxay horumar u tahay haweenka dalkaasi, horraan waxay wajahi jireen xabsi iyo ganaax, waxaana baaburta ku kaxayn jiray ragga ka tirsan qoyska ama waxay kiraysan jireen baabuur gaar loo leeyahay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Amiira Cabdulqaadir waa Injineer waxay qorshaynaysaa in 24-ta bishan June ay baabuurkeeda ku wadi doonto hooyadeed.

Xigashada Sawirka, Reuters
Amiira Cabduqaadir waxay tiri "In aan baabur wado waxay ka dhigantahay in aan maamuli doono safarkayga"
Waxay sidoo kale tiri" waxaan u baahanahay in baabuurka aan ku qabsanno nolol maalmeedkeena, waan shaqaynaa, hooyooyin ayaanu nahay, waxaan u baahanahay in aan bannaanka u baxno si nolosheena ay isku baddasho.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dadka ka shaqeeyo shirkadda Aramco boqolkiiba waa 5 taasina waxay ka dhigantahay in 3,000 haween la baro baabur wadidda.

Xigashada Sawirka, Reuters
Inkastoo Sacuudiga lagu ammaanay go'aanka ah in haweenka loo fasaxa baabur wadidda ayaa haddana dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ay sheegayaan inay heleen farriimo hanjabaad ah.
Dadkan qaarkood waxaa xabsiga loo taxaabay bishii May waxaana lagu eedeeyay inay yihiin dambiilayal la shaqaynaya dalal shisheeye.
Sawirrada Ahmed Jadallah.










