Maxaa ka soo baxay shirkii dib u eegista dastuurka Soomaaliya?

Ergooyinka iyo madaxdii ka qayb gashay shirka

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Ergooyinka iyo madaxdii ka qayb gashay shirka

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka qaran ee dib u eegista dastuurka Soomaaliya, kaasoo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen ergo gaareysa saddex boqol oo ka kala yimid gobolada Soomaaliya ayaa waxaa la isku raacay in ugu dambeyn sannadka 2019-ka la soo gabagabeeyo dib u eegista dastuurka Soomaaliya.

Ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa sheegay in uu si rasmi ah u furanyahay dib u eegista dastuurka Soomaaliya, ayna jiraan qoddobo ay u baahanyihiin inay ka wada hadlaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada soomaaliya kajira, six al looga gaaro.

Qoddodba ay ku heshiiyaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada ayaa sidoo kale la sheegay in loo badeli doono qoddobo dastuuri ah.

Sidoo kale, ergada ka qeyb gashay shirka ayaa ku heshiiyay in marka la gaaro sannadka 2019-ka, la soo gabagabeyn doono sixitaanka, wax ku darka iyo wax ka bedelida qoddobada dastuurka.

Dib u eegista dastuurka ayaa qodobbada ugu waaweyn ee horyaalla waxaa ka mid ah qeybsiga kheyraadka dalka, hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya, maqaamka iyo sida ay noqoneyso caasimadda Muqdisho, iyo nooca federaal ee uu dalka qaadanayo madaama haatan Soomaaliya ay tahay dal federaal ah.

Dadargelinta qoddobada ka soo baxa dib u eegista dastuurka ayaa la sheegay in si loo ansixiyo dastuurka loo baahan yahay afti dadweyne, si Soomaaliya ay uga qabsoonto doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020-ka.