Ratko Mladic oo xabsi daain lagu xukumay

Xigashada Sawirka, Reuters
Taliyihii hore ee Serbiyiinta Bosnia Ratko Mladic ayaa lagu xukumay madaxaa ha ku furto ka dib markii lagu helay dambiyo xasuuq ah iyo dilal kale oo uu ka gaystay dagaalkii Bosnia ee sagaashamaadkii.
Waxa loo yaqaan "Hilibliha Bosnia" Mladic wuxu hogaamiyey xoogag intii uu socday xasuuqii muslimiinta Bosnia ee Srebrnica iyo go'doomintii Sarajevo.
Maxkamadda qaramada midoobay ee Hague ayaa ku heshay 10 ka mid ah 11 eedood.
Mladic 74 muu joogin maxkamada markii xukunka la akhriyayey, waxa la saaray isagoo ku qaylinaya xaakimiinta.
"Waa been. Wax kasta oo aad qolkan maxkamada ka tidhi waa been" ayuu yidhi.
Dilaacani wuxu yimid ka dib markii xaakimiintu diideen codsiga kooxdiisa oo doonayay in la hakiyo maxkamadaynta sababtoo ah Mladic oo dhiigu ku karay.
Mladic wuu beeniyey dhamaan eedaymaha looyarkiisuna wuxu yidhi racfaan buu ka qaadan doonaa.






