Ayaan Kaaba oo ka hadashay arrimo ku saabsan heesaheeda laga daba dhacay

Qoraalka Codka, Abwaanad Ayaan Kaaba oo ka hadashay waayaheeda fanka

Abwaanad Ayaan Axmed Caydiid, oo ku magac dheer Ayaan Kaaba, ayaa wareysi ay siisay BBC-da ku sharraxday heesaha ay curisay iyo taariikhaha jacaylka ee ku hoos duugan.

Ayaan Kaaba oo ka mid ah curiyeyaasha loogu jecel yahay Soomaalida ayaa soo saartay heeso iyo gabayo badan oo ay ku cabireyso arrimaha bulshada, dhaqanka iyo jacaylka.

Si gaar ah waxay uga hadashay qisooyinka ay heesaheeda caan baxay ku saabsan yihiin. Sidoo kale maxay ka fikirkeeda uga hadashay shukaansiga dhex mara dadka masaafe ahaan aad u kala fog.