Doorashada Kenya: Haweenka Kenya ee ajaaniibta guursaday iyo caqabadaha ay kala kulmaan siyaasadda

Wavinya Ndeti waxay si joogta ah u wajaheysay cadaadis xoog leh sida in been laga sheegay heerkeeda waxbarshada iyo hadallo nacayb ku saleysan oo ku aadan guurkeeda xilli ay u tartameysa mid ka mid ah kuraasta gabarnatoorayaasha awoodda badan ee doorashada soo socoto ee dalka Kenya.

Haweenaydan 54 sano jirka ah ayaa BBC-da u sheegtay inay arrimahaasi ay ka dambeeyaan ragga kula jira tartanka iyo codbixiyayaal rag u badan oo diidan haweenka tartamayo.

Ms Ndeti waxay intaasi ku dartay in iskudayga ay ku dooneysa inay ku noqoto gabarnatooraha degmada Machakos oo u dhaw Nairobi ay ka kulantay caqabad xoog leh oo dadka dhaliishan ay aflagaado la daba joogaan, balse ay arrintaasi dhag jalaq u siinin.

" Mar alaale iyo marka ay weerar igu soo qaadaan, dhiirigelin ayayba ii tahay, maxaa yeelay waxaan ogsoonahay inaan waxa saxada sameynaya.

Sanaddii 2007-dii, Ms Ndeti waxa ay ka guuleystay 17 rag ah si ay u noqoto haweeneeydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto degmada Machakos.

Hadda waxay la tartameysaa seddax rag ah oo doonayo inay nqodaan gabarnatooraha Mackakos doorashada dhici doonta 9-ka bish Agoosto. Doorashada baarlamaaniga iyo tan madaxtinnimada ayaa sidoo kale isla xilligaasi la qaban doonaa.

Gabarnatoorayaasha ayaa maamula miisaaniyad ballaaran, waxayna hormuud u yihiin mashaariicada hormarineed ee degmooyinkooda.

Waa markii seddaxaad ee Ndeti ay isku dayda inay noqoto gabarnatoore. Haddii la doortana, waxay noqon doontaa haweenydii ugu horreysay ee xilkaasi looga doorta Machakos.

Waxay shahaadada koobaad iyo labaad ee jaamacadeed ka haysataa jaamacada ku yaalla dalka Ingiriiska, balse marar badan ayaa su'aalo la geliyay inay haystao shahaado sax ah ah iyo in kale.

Si ay u caddeyso inay qalinjbisay ayaa waxa ay mar shaacisay sawirradeeda xafladda qalin-jebinta.

Waxay guursatay nin haysta dhalashada Nigeria iyo Ingiriiska oo ay la kulantay intii ay jaamacadda ku jirtay.

Maadama ay nin ajnabi ah guursatay waxay kuwa ka soo horjeeda ku eedeeyeen inay tahay qof aan deegaanka ka soo jeedin, balse waxay ku doodeysaa inay tahay gabar u dhalatay Machakos.

Siyaasiyiinta kale ee dumarka ah ee loo weeraray guurka ay guursadeen ajaaniibta darteed waxaa ka mid ah Cecily Mbarire, oo u tartameysa inay gabarnatoore ka noqoto degmada Embu.

Ms Mbarire waxay ku dhalatay Embu oo dhinaca bari ee dalka ah, balse waxay guursatay nin Kenyan ah oo ka soo jeedo dhinaca galbeedka. Waxay maxkamadda mar la tiigsatay nin u soo diray fariin uu ugu hajbayay inuu dili doono.

Xildhibaanka laga soo doortay waqooyiga Suba Millie Odhiambo waxaa iyadana lagu dhaliilay inay guursatay nin u dhashay Zimbabwe.

Waxay marar badan dhaliil u soo jeedisay ragga weerarka ku ah haweenka, waxayna arrintaasi ku tilmaantay mid daciifnimo ah.

Siyaasiyiinta ragga ah ee guursada haweenka ajaaniibta ah lama kulmaan dhalleceyn ku aadan cidda ay u xusheen lamaane.

In ka badna 10 haween ah ayaa u tartamaya inay noqdaan gabarnatoorayaal, lix ka mid ah ayaa la sheegayaa inay ku jiraan murashaxiinta ugu cad cad.

Seddax ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa ku xigeenno ka dhigtay haween, taasoo lagu tilmaamay guul taariikhi ah.

Haweenkaasi waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee caddaaladda Martha Karua, oo madaxweyne ku xigeen noqon doonto hadii Raila Odinga uu doorashada uga adkaado William Ruto oo hadda ah madaxweyne ku xigeen.

Ms Karua t ayaa BBC-da u shegetay in takoorka lagu haya dumarka ay tahay mid ka mid ah caqabadihii ugu weynaa ee ay u soo joogtay soddonkii sano ee ay siyaasadda ku jirtay.

Waxay sheegtay in qaabka ugu wanaagsan ee ay ula tacaashana ay tahay inaysanba "dan ka gelin."

Waxay sheegtay in tirada haweenka ee murashaxiinta ay korodhay, balse aysan gaarsiisneyn meesha laga rabay maadama dumarka ay yihiin 50% shacabka, sida ku cad tirakoobkii la sameeyay sanaddii 2019-kii.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in 49% dadka isu diwanageliyay inay codeeyaan doorashadan ay yihiin dumar.

Mr Ruto ayaa ah murashax madaxweyne ee kaliga ah ee aan xulanin haweenay inay u noqoto madaxweyne ku xigeen haddii la doorto, balse wuxuu ballan qaaday inuu hubin doono in 50% shaqooyinka dowladda loo magacaabi doono haween.