Colaadda Ukraine: Ma inuu raganimadiisa muujiya darteed ayuu Putin ugu duulay Ukraine?

Markii raysal wasaaraha UK Boris Johnson uu sheegay in haddii uu Madaxweyne Putin uu haweeney ahaan lahaa, uusan dagaal la geli lahayn Ukraine, ayaa wuxuu hadalkaas caro ka abuuray gudaha Ruushka. Tani ma ahayn wax cusub marka la eego sida uu madaxweynaha Ruushka u muujinayay inuu yahay 'nin rag ah'. Dhowr falanqeeye ayaa BBC-da laanta Ruushka u sheegay in waddaniyad iyo ragannimo ay wax weyn ka yihiin gudaha Ruushka ayna door ka qaateen taageerada badan ee loo hayay duullaanka.

"Haddii Putin uu haweeney ahaan lahaa, dabcan hadda maaha, balse haddii uu ahaan lahaa, dhabtii uma maleynayo inuu geli lahaa dagaal ragannimo oo waalli ah duullaan iyo rabshad sida uu hadda sameeyay," ayuu bishii June yiri Boris Johnson.

"Haddii aad dooneyso tusaale fiican oo ragannimada sunta ah, waa waxa uu haatan ka sameynayo Ukraine."

Erayada Johnson ayaa waxaa markii dambe ku waafaqay wasiirka gaashaandhigga UK Ben Wallace, oo sheegay in Putin uu ku jiro xanuunka ragannimada iyo muruq sheegashada.

Kaddib hadalkaas, safiirka UK ee Moscow ayaa waxaa u yeertay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka. Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin Dmitry Peskov ayaa sheegay in Johnson ay ahayd inuu ballan la yeesho aasaasihii psychoanalysis, oo ahaa dhaqtar neerfaha ah oo Austria u dhashay laguna magacaabo Sigmund Freud (1856-1939).

Ma Boris Johnson ayaa sababay in saraakiisha Ruushka ay si adag uga jawaab celiyaan hadalkiisa?

'Nin rag ah' iyo dhaqamadiisa nacaybka haweenka

Intii uu madaxweyne ahaaba, Vladimir Putin wuxuu dunida u muujinayay awooddiisa jir ahaaneed iyo geesinnimadiisa.

Wuxuu sameeyay waxyaabo badan oo qaarkood halis ahaa si uu u muujiyo geesinnimadiisa.

Balse sawirka ragannimada ee Putin ayaa wax lagu kaftamo ka noqday gudaha dalalka reer galbeedka. Shirkii ugu dambeeyay ee hoggaamiyeyaasha dalalka G7 qudhooda ayaa faallooyin yaab leh ka dhiibtay, iyadoo Johnson uu madaxdii ka soo qeyb gashay shirka u soo jeediyay inay jaakadaha iska siibaan si ay u muujiyaan "inay ka adag yihiin Putin".

Isku dayada Putin ee ahaa in loo arko sida nin difaacaya qiyamka dhaqameed iyo inuu yahay hoggaamiye adag ayaa meesha ka baxay waxaana lagu cambaareeyay inuu leeyahay waxa loo yaqaanno 'ragannimada sunta ah', oo lagu qeexo ad adeyg, awood sheegasho iyo nacayb dhanka haweenka ah.

Elizabeth Wood, oo ah taariikhyahannad ku takhasustay baaritaanka arrimaha jinsiga waxna ka dhigta Machadka Massachusetts Institute of Technology ee Mareykanka, ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka uu si joogto ah dumar uga dhigo cadowgiisa, sidaana uu hoos ugu dhigo haweenka.

"Kahor dagaalka dowladda Ruushka waxay si joogto ah Galbeedka ugu eedeyn jirtay 'dareen aan la xakameyn karin'. Wayna caddahay in eraygaas uu yahay mid aan habbooneyn oo dumarka loola jeedo," ayay tiri.

Putin ayaa kaftankii shirka G7 ka jawaabay isagoo sheegay in wax laga yaqyaqsoodo ay ahaan lahayd haddii hoggaamiyeyaasha Galbeedka ay iska bixiyaan shaararka wuxuuna ugu baaqay inay jimicsi sameeyaan.

Dadka u dhow dhow madaxweynaha Ruushka ayaa siyaasad taas la mid ah adeegsada si ay u caayaan dadka ka soo horjeeda.

Dhismaha dalka 'ragannimada cusub ee Ruushka'

Kuma koobna keliya Putin iyo saaxiibbadiis. Khubarro badan ayaa tilmaamay in awoodda Ruushka guud ahaan ay ku dhisan tahay fakradda ragannimada.

Xitaa iyadoo Putin uu bilaabayay isbeddelka 'nooc cusub oo ragannimada Ruushka ah', sumcadda Ruushka ayaa sidoo kale isbeddeshay, sida ay qabto Elena Gapova, oo wax ka dhigta Jaamacadda Western Michigan.

"Ruushka wuxuu doonayay inuu noqdo sida Putin," ayay tiri Gapova. "Waxaa Ruushka ka soo ifbaxday sida loogu baahan yahay in Ruushku cagahiisa isu taago iyadoo fekerka ragannimada ay u muuqatay mid ay sii xoojiyeen Putin iyo saaxiibbadiis. Isla mar ahaantaas sanadihii 2010, hannaanka dhismaha dalka ayaa socday. Xiriirka ka dhaxeeya mashruucan lagu aasaasayo dal xooggan iyo ragannimada ayaa ahaa mid muuqda."

Mar walba ninka ragga ah

Balse xitaa iyadoo la joogo meel ay rag keliya joogaan, weli Putin wuxuu u muuqdaa mid doonaya inuu noqdo ninka ragga ah. Sida ay qabto bare sare Elizabeth Wood, noocan ragannimada waxay Putin u noqotay qaab uu ku muujiyo awooddiisa.

"Dhan wuxuu muujiyaa sawirka qof macquul ah. "Dhanka kale wuxuu muujiyaa ad adeyg joogto ah."

Wood waxay dib u xusuusatay dhacdadii sanadkii 2000 markii Putin uu booqday magaalada Pikalyovo, halkaas oo dadka deegaanka ay ka dibad baxayeen warshad la xiray: "Putin ayaa ku duulay helikobtar wuxuuna canaantay qof walba! Wuxuu canaantay shaqaalaha iyo maamuleyaasha, balse gaar ahaan wuxuu canaantay [ganacsadaha Oleg] Deripaska."

Waxay is barbar dhigeysaa dhacdadan 13 sano kahor ahayd iyo mid dhowaan dhacday - bishii February sanadkan, mar uu socday shirka Golaha Ammaanka maalmo kahor duullaankii Ruushka ee Ukraine, Putin ayaa dadka ku dhex canaantay madaxa sirdoonka dibadda, Sergey Naryshkin. Naryshkin, waa sarkaal sirdoon oo tobnaan sano oo khibrad ah leh wuxuuna ka mid yahay dadka aadka ugu dhow Putin.

"Wuxuu si caro leh u dalbaday jawaab - haa ama maya. Taasina waxay muujisay inuu yahay ninka keliya xaalad walboo lagu jiro."

Balse weli, ka warran haddii Putin uu haweeney ahaan lahaa?

Dhammaan khubarrada aan la hadalnay ayaa hal arrin isku raacay: Hadalkii Johnson ee ahaa in haddii Putin uu naag ahaan lahaa uusan dagaal billaabi lahayn loo arko cunsuriyad.

"Erayada Johnson waa in loo qaataa mid tusaaleyn ah," ayay tiri Elena Gapova. "Waxaa jirta feker caado noqday oo ah in haweenku ay ka jilicsan yihiin kana naxariis badan yihiin ragga, balse tani waxaa sabab u ah xaqiiqda ah in inta badan aysan haweenku buuxin karin boosaskan oo ay dagaal ku geli karaan amaba ay go'aamo waaweyn qaadan karaan."

Waa dhab in Johnson uu adeegsaday erayo takoor ku ah haweenka kuwaasoo sheegaya in haweenku ay u fudddahay inay wada xaajood galaan amaba ay daciifnimo muujiyaan, balse wuxuu sidoo kale u adeegsaday si uu uga soo horjeesto ragannimada cunsuriyadda leh ee Putin, ayay tiri Marina Travkova oo cilmu-nafsiga ku takhasustay.