Xiisadda Ruushka iyo Ukraine: Biden oo muwaadiniinta Maraykankana ka dalbaday inay si degdeg ah uga baxaan Ukraine

Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Maraykanka ee weli jooga Ukraine in ay degdeg uga baxaan dalkaas.

Wuxuu sheegay in Ruushku ciidamo soo dhoobaya xadka uu dalkaa la leeyahay oo ay xiisaddu cakirantahay isaguna aanu doonayn inuu u diro ciidammo soo samatabixiya muwaadiniinta Maraykanka ah ee dalkaa jooga hadiiba ciidamadaa Ruushku dalkaa galaan.

Biden ayaa sheegay in Arrimuhu si degdeg ah ay isu baddeli karaan, waxa uuna hadalka madaxweynaha imaanaya kadib markii hogaamiyayaasha Estonia, Latvia iyo Lithuania ay ugu baaqeen xulafadooda NATO inay xoojiyaan taageerada militari ee bariga Yurub.

Ruushka ayaa si isdaba joog ah u beeninayay inuu jiro qorshe uu ku doonayo inuu weeraro Ukraine inkastoo in ka badan 100,000 oo askari ay ku xadka xadka ay la wadaagaan Ukraine.

Sidoo kale Ruushka ayaa uu bilaabay dhoolatus ciidan oo baaxad leh oo ay la samaynayso dalka ay jaarka yihiin ee Belarus, Ukrainna waxa ay ku eedaysay Ruushka in uu ka xannibay marinka badda madow.

Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dhaqangeliyaan "khadka cas" si loo hubiyo in Ukraine aysan ku biirin gaashaan buurta Nato.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku boorisay in muwaadiniinta reer Mareykan ee ku sugan Ukraine ay si degdeg ah uga baxaan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay la tacaalayaan ciidamada aadu tun weyn ayna xaaladda si dhakhsiya isu badeli karto.

Ra'iisal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa Khamiistii sheegay in Yurub ay wajahayso dhibaatadii ugu weyneyd ee dhanka amaanka muddo tobanaan sano ah waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la xasuusto sababaha reer Galbeedka ay u taageersan yihiin Ukraine.

"Poland iyo Ingiriisku aqbali maayaan duni dal xoog weyni u awood sheegto ama uu weeraro dalalka la deriska ah. Ma aqbalayno sababtuna waa in aan rumaysannahay in dhamaan dadkoo dhami ay xaq u leeyihiin in ay nabad ku noolaadaan oo ay doortaan cidda xukumaysa oo ay go'aan ka gaadhaan ururka ay doonayaan in ay xubin ka noqdaan ama ay doonayaan in ay ka baxaan. "

Reer Galbeedka ayaa ka cabsi qaba in dhoolatusku uu horudhac u noqdo duulaanka Ruushka. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay cadaadis nafsi ah.

Hase yeeshe Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov oo ka hadlayay ka dib wadahadal uu dhiggiisa Britain (Liz Truss) kula yeeshay magaalada Moscow, ayaa sheegay in reer galbeedku ay ku qanacsan yihiin inay dammaanad ka dalban karaan Ruushka, balse ma jirto cid siinaya Ruushka dammaanad qaadka cas ee uu doonayo. Waxa uu sheegay in aanu fahmi karin walaaca reer galbeedku ka qabaan dhoolatusyada milatari ee Ruushka.

"Waxaanu sidoo kale ka hadalnay xidhiidhka aanu la leenahay jamhuuriyadda Belarus oo uu ka mid yahay diyaargarowga iyo qabashada dhoola tuska oo bilaabmi doona maalmahan oo ah waxa London iyo dalalka reer galbeedka walaaca geliyey iyo sidoo kale xaaladda ciidamada Ruushka ah ee la geeyey dhulkayaga ee sida aan la fahmi karin walbahaarka iyo dareenka naxdinta leh ku abuurtay saaxiibadayada Ingiriiska ah iyo wakiilada reer Galbeedka."

Xiisadda hadda taagan ayaa timid siddeed sano kaddib markii Ruushku uu qabsaday jasiiradda Crimea ee koonfurta Ukraine. Wixii markaas ka dambeeyay, ciidamada Ukraine waxa ay taag la'aayen dagaal ay kula jireen fallaagada uu Ruushka taageero ee ku sugan deegaannada bari ee u dhow xudduudaha Ruushka.