COVID-19: Maxaa u sabab ah in uu fayraska corona ku dhaco Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud?

Madaxweynaha ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga helay cudurka COVID-19 kaddib markii baaritaan lagu sameeyay.

Afhayeenka madaxweynaha, Cabdikariim Cali Kaar oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku dhacay cudurka safmarka ah balse ay xaaladdiisu wanaagsan tahay.

"Waxaa jirta in madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, laga helay [fayraska] COVID-19 maanta, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay. Xaaladda caafimaadka ee madaxweynuhu aad bay u wanaagsan tahay, calaamadihii COVID-19-kana ma laha," ayuu yiri.

Waxa uu intaas raaciyay in madaxweynaha uu maanta dalka dib ugu soo laabtay howlihiisana uu si caadi ah u wato.

Sida uu madaxweynaha ugu dhacay cudurka

Afhayeenku ma faahfaahin sida uu madaxweyne Xasan Sheekh ku qaaday cudurka. Laakiin waxaa la iswaydiin karaa sababta keentay in baaritaan caafimaad lagu sameeyo iyadoo aysan calaamado ka muuqan.

Safarka madaxweynaha ee Imaaraadka

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Saddexdii maalin ee ugu horraysay ee wafdiga madaxweynaha uu ku sugnaa waddanka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta waxaa loo karantiilay sababo la xiriira in cudurka laga helay xubno wafdigiisa ah.

Sida aan og nahay cudurka safmarka ah waxaa lagu kala qaadaa neefsiga, taabashada iyo ag joogga qof qaba cudurka.

Haddaba sida muuqata madaxweynaha ayaa macaamil toos ah la samaynayay xubnaha wafdigiisa ka hor baaritaanka caafimaad ee lagu ogaaday inay xanuunka qabaan.

Waxaa intaas sii dheer in madaxweynaha uu kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee Imaaraadka Carabta, xilli waddankaas uu faro ba'an ku hayo xanuunka.

Cabdikariim Cali Kaar

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Afhayeenka madaxtooyada, Cabdikariim Cali Kaar

Arbacadii ayay BBC-du ogaatay in labo xubnood oo ka tirsan wafdiga madaxweynaha u raacay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta laga helay calaamadaha COVID-19.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Waa safarkii ugu horreeyay ee uu ugu baxo dibadda tan iyo markii la doortay 15-kii bishii May ee sanadkan.

Booqashada wafdiga madaxewyne Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta labo maalin. Laakiin kulankii ugu horreeyay wuxuu dhiggiisa Imaaraadka la qaatay shalay oo Khamiis ahayd.

Heerka COVID-19 ee Imaaraadka ayaa kor uga kacay, iyadoo la diiwaangeliyo in ka badan 1,400 oo tiro maalinle ah. Tirada oo horay u ahayd 200 oo kiis maalintii waxay kordhaysay toddobaadkan.

Muddo intee dhan ayay qaadan kartaa inaad ka bogsato Corona?

Malaayiin qof ayaa ka bogsaday feyriska Corona guud ahaan caalamka.

Balse waxaa lagu kala duwan yahya waqtiga ay qaadanayso in uu qofa cudurka ka soo kabsado ama uu ka bogsado

Inta badan dadka waxa uu cudurka ugu dhacaa qaab sahlan oo calaamadaha ka soo muuqda ayaa sahlan yihiin islamarkana uusan u baahan dhakhtar iyo isbataal.

.
Qoraalka sawirka, .

Waxay qaadnaysaa in uu qofka noocaas ah ka soo kabsado toddobaadyo, bilooyiin iyo xitaa Sanado.

Dadka uu qaabka sahlan ugu dhacay ayaa waxay qaadataa in ay ka soo kabsadaan toddobaad am ka badan.

Qofka uu sida daran u haleelo cudurka ayaa waxay qaadataa xitaa inuu ka soo kabto in ka badan 1 sano.

Dhakhaatiirta xarunta daryeelka ka so kabasada cudurada ayaa ku talinaysa in dadka balwadda leh ay tahay inay joojiyaan.

Joojinta Sigaarka, cabbidda Khamriga, jimicsiga iyo in uu qofka miisaankiisu uu la socdo ayaa isbadal sameyn karta.

Dadka uu cudurka u haleelo qaabka sahlan ayaa waxaa ay iska joogi karaan guriyaha waxayna qaadan kartaa inay boqsadaan toddobaad iyo ka badan.

Balse toddobaad ka dib marka calaamadaha cudurka ay hoos u dhacaan waa iska caado in toddobaadyo uu qofka sii qufaco.

Waxaa sidoo kale jirta in dadka qaar marka ay cudurka ka soo kabsadaan ay wali dareemaan daal islmarkana xitaa in qofka uu dharka xirto iyo in uu howlaha yaryar qabsdo uu dareemo daal badan.

Dadka noocaas ah waxay u baahan yihiin in ay nastaan, ay cunaan cunto isu dheelitiran isalmarkana ay biyaha badsadan.

Dadka uu cudurka sida daran u haleelay ee isbataalada la dhigay islamarkana u baahdan in lagu xiro qalabka neefsashada waxaa marka ay cudurka ka soo kabsado ay wali dareemayaan dabardaro iyo neefsashada oo dhibta.

Dadka noocan ah waxay qaadan kartaa in ay cudurka ka soo kabsadaan 2 toddobaad iyo xitaa 8 toddobaad .