Soomaaliya: Maxay tahay shaqada 'ku-simaha madaxweynaha'?

Xigashada Sawirka, Golaha Shacabka
Laga soo billaabo tan iyo maalintii shalay ahayd waxaa Ku-sime Madaxweyne ka ah Soomaaliya, Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, taas oo timid markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, ay labaduba u safreen dibadda.
Dhacdadan oo ah mid taariikhi ah ayaa ka dhigan in ay tahay markii ugu horraysay ee Soomaaliya ay ku-sime madaxweyne ka noqoto hoggaamiye dumar ah.
Marar badan ayay rag kala duwan soo noqdeen ku-sime madaxweyne, xilkaas oo qaarkood ay hayeen muddo dhawr bil ah.
Mararka loo baahdo ku-sime madaxweyne
Ku-sime madaxweyne, ma aha shaqo joogto ah. Waa shaqo timaada xilliyo kooban oo duruufo gaar ah ay dhacaan. Sida iscasilaadda madaxweynaha, safar dibadda ah oo uu madaxweynuhu u baxo iyo xil-ka-qaadista sharciga ah ee madaxweynaha iyo waxyaabo sababi kara in uu bannaanaado booskii madaxweynaha.
Badanaana Soomaaliya waxay ku timaadaa kolka uu safro madaxweynuhu, maaddaama aysan badnayn iscasilaadda madaxweynaha iyo xil-ka-qaadistiisu.
Dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaliya wuxuu dhigayaa: "Haddii uu Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama caafimaad-darro ama sabab kasta oo kale darteed, uusan awoodin inuu guto xilkiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ayaa xilkiisa sii qabanaya ilaa inta uu Madaxweynuhu xilkiisa dib ugu soo noqonayo. Ku-xigeenka koowaad ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa si kumeel-gaar ah u haynaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka inta uu Guddoomiyaha Baarlamaanku sii hayo xilka Madaxweynennimo."

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Maxay tahay awoodaha uu leeyahay qofka shaqadan haya?
Inkastoo dastuurka Soomaaliya uu weli yahay mid qabyo-qoraal ah oo aan dhammaystirnayn, haddana waxaa la fahamsan yahay in shaqada ku-simuhu ay la hal-maasho howl kasta oo looga baahnaa booskaas uu ku-simaha ka yahay.
Maxamed Cumar Dalxa, oo soo noqday goddoomiye ku-xigeen baarlamaan, sidaas oo kalena soo qabtay xilkan, ahna qofkii ugu muddo dheeraa ee soo noqda ku-sime madaxweyne ayaa BBC-da u sheegay in xilkani uu yahay hab dastuuri ah, laakiin aanay jirin faahfaahin dheeraad ah oo uu dastuurku bixiyay.
"Howshani waa iska hab-raac, uma cadda sida xilka madaxweynaha ama guddoomiyaha baarlamaanka uu u qodobaysan yahay, laakiin waa iska habraac uun. Marka howsha uu qabanayo waa qofka shaqada ka maqan howhsii oday uu ka ahaa, in qofkan kale uu kumeel-gaar ka noqonayo inta uu ka soo noqonayo ama si kale loo buuxinayo," ayuu yidhi Dalxa oo muddo dheer xildhibaan ahaa.
Halkee ayuu ku shaqaynayaa qofka ku-simaha ah?
Ma hayno xog rasmi ah oo ku saabsan meesha ay hadda ku shaqeyso xildhibaan Sacdiya. Hase yeeshee, sida uu noo xaqiijiyay mas'uul horay ula soo shaqeeyay Madxtooyada Soomaaliya ma jiro xafiis gaar ah oo loogu talagalay qofka ku-simaha Madaxweynaha ah.
Sidaas si la mid ah waxaa la ogyahay in uusan qofkaas ku sii shaqeyn xafiiska madaxweynaha uu shaqada ku sii simayo. Waxay u badan tahay in ku-simaha uu ku sii shaqeeyo xafiiska guddoonka baarmaanka marka laga tusaale qaato sida horay u dhici jirtay.
Xilliyada uu madaxweynuhu safarka ku maqan yahay ma jirto shaqo sidaas u badan oo u taalla qofka ku-simaha ah, maaddaama ay suurtagal tahay in madaxweynuhu uu xogta dalka iyo shirarka ugu muhiimsanba geli karo isaga oo jooga dalka dibaddiisa.

Xigashada Sawirka, Sacdiya Yaasiin/facebook
Waa tuma Sacdiya oo taariikhda ku galeysa xilkan?
Sacdiya ayaa hore u samaysay taariikh markii loo doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas loo doorto.
Waxay wareegga labaad uga guulaysatay xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug), iyadoo heshay 137 cod, halka uu isna helay 107 cod.
Sacdiya waxay horay xildhibaan uga soo ahayd baarlamaankii kan ka horreeyay ee 10-aad, iyadoo si weyn loogu xusuusto mucaaradnimadeedii dowladdii Farmaajo. Waxay sidoo kale ka mid ahayd xildhibaannadii ugu firfircoonaa ee ugu doodaha kululaa baarlamaankii uu xilligiisu dhammaaday, haddii ay tahay dhanka u doodidda haweenka, mucaaradka iyo weliba saami-qaybsiga siyaasadda Soomaaliya oo ay dhaliili jirtay habka 4.5 iyo saamiga Aqalka sare ee beelaha.













