Cagaf-cagafta cabsida ku abuurtay Muslimiinta dalka India

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ikhtiraaca ama hindisaha cagaf-cagaftu ayaa soo billdowday qiyaastii 100 sano ka hor. Tan iyo markii la soo hindisay, cagaf-cagafyadu waxaa loo isticmaali jiray in lagu dhiso guryo, xafiisyo, waddooyin iyo kaabayaasha kale.
Haseyeeshee sannadidii la soo dhaafay, cagaf-cagafyadu waxay noqdeen aalad gacanta ugu jirta xisbiga waddaniyaddu ay madax-martay ee haya talada dalka Hindiya ee BJP. Cagaf-cagafyo ayaa loo adeegsaday in lagu dumiyo guryo, dukaamo iyo hanti ay leeyihiin dadyowga Muslimiinta ahi ee laga tirada badan yahay.
Tusaale ahaan gobolka siyaasad ahaanta aadka u muhiimka ahi ee Uttar Pradesh, waxaa aad ugu soo badanaya tirada cagaf-cagafyada.
Cagaf-cagafyadu waxay dhawaan aad loogu adeegsaday magaalada Prayagraj oo hore loo oran jiray Allahabad ee gobolkaasi Uttar Pradesh. Axaddii shalay ahayd, waxaa cagaf-cagaf lagu dumiyay guriga Jafeed Maxamed oo u dhaq-dhaqaaqa arrimaha siyaasadda. Waxaana la sheegay in gurigaasi si sharci darro ah loo dhisay. Si kastaba ha ahaatee, qoyska Jaafeed ayaa beeniyay eedeymahaasi.
Dadka dhaliila siyaasadda dowladda ayaa sheegaya in burburintani aysan wax lug ah ku laheyn dhismaha oo sharci darro ah, balse dhaliilaha badan ee Jafeed uu ku hayo dawladda ay tahay arrinta keentay in qoyskiisa la ciqaabo.
Maalin ka hor inta aan la dumin gurigiisa ayay Jafeed xireen ciidamada booliska, waxaana lagu eedeeyay in uu ahaa 'maskaxdii' ka dambeysay mudaaharaad rabshado wata oo ka dhacay magaalada Prayagraj, kuwaa oo looga soo horjeeday aflagaadadii loo geystay Nabi Muxammed (NNKH).
Cagaf-cagaftu ma waxay baabi'inaysaa sharciga?
Afhayeenkii hore ee BJP, Nupur Sharma ayaa dhawaan jeedisay hadal muranka dhaliyay oo ka dhan ah Nebi Muxammed (NNKH), kaa oo ka careysiiyay muslimiinta dalkaasi India. Sidaa darteed, waxaa maalintii Jimcaha ahayd magaalooyin badan oo dalkaasi ka mid ah ka dhacay dibadbaxyo ballaaran.
Xisbiga BJP ayaa xisbiga ka saartay Nupur Sharma. Haseyeeshee, dibadbaxayaasha ayaa dalbaday in la soo xiro.
Hogaamiyayaasha xisbiga BJP ayaa ku tilmaamay xariga Jafeed iyo dadka kale ee la midka ah kuwo "aan sharci-darro ahayn".
Falkan lagu burburinayo guryaha ee dalkaasi India ayaa lala mid dhigay burburinta Israel ay ku hayso guryaha reer Falastiin. Sidaa awgeedna, dowladda India waxaa lagu dhaliilayaa ficilladaasi burburinta ahi. Balse sidoo kale arrintan ayaa noqotay mid dunida oo dhan laga hadal hayo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka dhaliila dowladda ayaa sheegaya in tallaabada dowladdu ku burburineyso guryaha ay tahay mid dhaawaceysa sarreynta sharciga ee dalkaasi, sidaa awgeedna, qaar badan oo ka mid ah garsoorayaal hore iyo qareenno ayaa warqad ay arrintaasi kaga ashtakoonayaan u qoray maxkamada sare ee dalkaasi.
Waxay ku eedeeyeen dowladda in ay cabburineyso Muslimiinta isla markaana ay ku xad-gudbeyso xuquuqdooda.
Kapil Sibal oo ka mid ahaan jiray golaha wasiirrada ayaa maqaaluu ku qoray wargeyska Indian Express in adeegsiga cagaf-cagafyada lagu duminayo guryaha aysan wax xiriir ah la lahayn dhismo sharci-darro ah balse tahay qofka iyo shakhsiga loola danleeyahay.
"Cagaf-cagaftu waxay la xiriiraa waxa aan ka sheego fagaarayaasha siyaasadda, caqiidadayda, bulshadayda, diintayda, jiritaankayga, codkayga diidmada ahi," ayuu yiri Sibal.
Maxay maxkamaddu ka leedahay arrintan?
Dacwado ka dhan ah isticmaalka cagaf-cagafyada lagu duminayo hantida dadka ayaa sidoo kale loo gudbiyay maxkamadda sare ee dalkaasi, waxaana maxkamaddu ay sheegtay in ay habboontahay in loo isticmaalo si waafaqsan sharciga ee aysan noqon aargoosi.

Yogi Adityanath waa madaxa gobolka Uttar Pradesh, waxaana lagu naaneysaa "aabaha cagaf-cagafta".
cagaf-cagafyo ayaa aad loo soo dhoobay magaalooyin badan intii lagu jiray ololihii doorashada ee Yogi Adityanath. Kaddib markii uu ku guulaystey doorashadana, cagaf-cagafyo ayaa lagu soo bandhigay bannaanka hore ee golaha sharci baarlamaanka gobolkaasi.
Wariye lagu magacaabo Alok Joshi ayaa sheegaya in "Yogi Adityanath wuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee cagaf-cagaf u adeegsada in lagu dumiyo guryaha qof dambiilaha ah, waxaana kii ugu horreeyay uu ahaa Vikas Dubey, oo lagu eedeeyay in uu dilay siddeed askari, kaddibna waxaa loo adeegsaday cagaf-cagaf loo adeegsaday in lagu weeraro siyaasiga lagu magacaabo Mukhtaar Ansari.
Muuqaalo muujinaya hantidiisa oo la burburinayo ayaa laga daawaday TV-ga qaranka. Dabcan, dowladdu waxay ku heshay taageerada shacabka in ay si adag ula dhaqantay kooxaha iyo shakhsiyaadka dembiilayaasha ahi.
"Balse hadda cagaf-cagaftu waxa loo adeegsanayaa xeelad ka dhan ah dadka ka soo horjeeda iyo kuwa dhaleeceeya dawladda, gaar ahaan kuwa Muslimiinta," ayuu yiri Joshi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Yogi Adityanath waxa uu in muddo ah ku doodayay in isticmaalka cagaf-cagafyadu ay sii socon doonaan isla markaaan loo adeegsan doono dambiilayaasha iyo maafiyada.
Inkastoo dunida inteeda kale aad looga dhaleeceeyo isticmaalka cagaf-cagafyada lagu burburiyo hantida dadka, haddana Yogi Adityanath waxay u yihiin kuwo shacbiyad u soo jiida siyaasad ahaan. Sida uu sheegaya weriye Joshi, waxaaba suurtagal ah in ra'iisulwasaare Narendra Modi uu isna taageero arrintan.
Booqashadii uu bishii Diseembar ee sanadkii hore ku tagay gobolka Uttar Pradesh ayaa ra'iisulwasaare Narendra Modi wuxuu yiri, "Marka maafiyada la marinayo cagaf-cagafta, marka dhismayaal sharci-darro ah la duminayo, dadka dumiya xitaa waxaa ka soo gaaraya dhibaatooyin badan."
Cagaf-cagafyadu waxaa tan iyo xilligaasi loo istcimaalaa in lagu dumiyo hantida dadka lagu eedeeyay rabshadaha qowmiyadaha u dhaxeeya. Dhawaan, cagaf-cagafyo ayaa sidoo kale loo adeegsaday duminta hantida dadyowga Muslimiinta ahi ee magaalooyinka Madhya Pradesh iyo Delhi.











