Hindiya: Dahab la soo xaday oo Jiir laga helay

Booliska gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ayaa sheegay dahab la xaday oo qiimahiisu gaarayo $6,500 oo doolar iney jiir ka heleen.

Baaritaan ay sameeyeen booliska Mombai ayaa lagu ogaaday iney tiro jir ah ay jiiteen boorso uu ku jiray dahabkaasi, kaddib marki tixraac lagu sameeyey kaameera CCTV oo ku xirneed goobta uu falkaasi ka dhacay booliskuna baaritaankooda ka gungaareen laba maalmood kaddib.

Warbixintan oo laga soo xigtay BBC Marathi, ayaasheegeysa haweeney lagu magacaabo Sundri Palniwal ayaa dahabkeeda boorso ku diyaarsatay si ay meel amni ah ugu keydsato.

Isla boorsadana waxay ku sidday bac ay ku jiraan cunnooyin ay ugu tala gashay iney dadka waddooyinka ku dawarsada siiso. Sundri masaakiinta marka ay cuntada siineysay waxay sameysay khalad ay ku tala gelin.

"Cuntadi aan masaakinta u waday waxaan siiyey carruur dawarsaneysay oo aan la kulmay hase yeeshee, goobti aan raashiinka ku siinayey ayaan boorsadi uu dahabka iigu jiray uga tagay. Boorsada iney iga maqan tahayna waxaan ku soo xasuustay maadaamaa uu iigu jiray kiniin aan habeenki ku seexdo. Markiba bas ayaan soo raacay oo waxaan soo aaday halka aan u maleynayey iney boorsada iiga dhuntay." ayey tiri Sundri oo BBC Marathi u warrantay.

Hase yeeshee, Sundri Palniwal marki ay gaartay goobti ay carruurta joogeen cidla ayey ahayd oo carruurti goobti wey ka tageen. Wixi intaa ka dambeeyeyna waxay booliska ku wargelisay inuu dahab ka maqan yahay.

Baaritaanka ay booliska sameeyeen waxaa lagu ogaaday iney carruurti boorsadi tuureen, sidaana ay tiro jiir ah ku jiiteen oo ay godkooda la galeen.

Booliisku waxay sheegeen in muuqaallada CCTV-ga laga helay ay muujinayeen iney jiirku boorsada iyo bacdi ku jirtayba ay la galeen biyo mareen goobta ka dhawaa. Booliska marki ay baaritaankooda sii wadeen waxay heleen boorsadi uu dahabka ku jiray oo tuubba ay biyaha maraan dhex taalla.

Lamana soo sheegin booliska cid ay xatooyadaasi u soo xireen, iyada oo dhacdada noocan ah ay jiirku ficillada dadka ku dhaqmeen oo ka dhaca dalka Hindiya.

2013-kii raxan jiir ah ayaa lagu eedeeyey iney sababeen xaruunta Niyuukilarka ee Fukushima ee dalka Japan iney koronta la'aan noqoto.

Waxa la sheegay wakhtigaas in shirkaddu ka shakisay in jiir uu masuul ka yahay cilladda ku timid halka korontada xaruuntaasi laga shido.

Si la mid ah 2015-kii, jaranjarooyinka xaruun tareennada dhulka hoostiisa mara ee New York ayaa lagu arkay Piza waaweyn oo ay jiirka meesha uga tageen, arrinta hadal haynta keentayna ay ahayd Pizaha ay jiirku meesha uga tageen iney ahaayeen kuwa waaweyn.

Dalka Hindiyana hadda ka hor waxaa raxan jiir ah lagu soo eedeeyey kumannaan liitir oo khamri ah iney cabbeen.

2017-kina lacag caddaan ah oo gaaraysa 1.2 milyan oo Rupee, oo u dhiganta 17,600 oo doolar ayuu Jiir ku cunay bangi ku yaalla dalka Hindiya ka dib markii uu gudaha uu galay aaladda lacagta laga baxsado ee ATM.

Booliska Hindiya waxay sheegeen in Jiirka uu samaystay duleel yar, si uu gudaha ugu galo mashiinka bangiga ee lacagta lagu kaydiyo.

Sawirro muujinaya lacagaha uu Jiirka ku ruugay laanta bangiga dowladda uu ku leeyahay degmada Tinsukia ayaa si wayn baraha bulshada loogu faafiyay.

Xaqiiqduna waxay tahay noolasha doolliga ama jiirka iney sida dadka ay aad u adag tahay. Maadaamaa saameyn xooggan ay ku yeelatay hab noolaleedka aadanaha oo aan u saamaxeyn jiirka inuu ku sii noolaado.

Axmed Shafiiq oo ah cilmi baadhe u dhashay dalka Masar oo abaalmarin ku muteystay cilmi-baarista cinwaankiisu ahaa 'Agnobel', wuxuu sheegay dharka dunta Ploysterka ka sameyn iney taranka jiirka saameyso.

Sida laga soo xigtay Cilmi baaraha Harvard Ben Vermark wuxuu ku doodayaa xaaladaha qaar jiirku iney dadka ka firfircoon yihiin. Awoodna ay u leeyihiin markasta oo ay xaalad adag la kulmaan iney maskaxdooda si heer sare ah ay uga shaqeysiiyaan."

Saynisyahanno ka tirsan Jamacadda Harvard waxay sheegayaan jiirka ama doolligu inuu awood u leeyahay inuu kala garto luuqadaha, filimaanta iwm. Marka la eego macnaha cilmi baarista ee jiirka, khalad ma aha in la yiraahdo waxaa jiri doona isku dhacyo mustaqbalka dhex mara aadanaha iyo jiirka .