Xamse Cabdi Barre: Siduu u wajihi doonaa arrimahan xasaasiga ah raysal wasaaraha cusub?

Xigashada Sawirka, Villa Soomaaliya
- Author, Muhyadin Roble
- Role, Tifaftire, BBC Somali
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ah xildhibaan laga soo doortay Jubbaland 30 maalin kadib markii uu ku guuleystay doorashada madaxweynenimada. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xamsa, oo la rumeysan yahay inay aqoon dheer oo shaqsi ah isu leeyihiin, in uu ku doortay kartida iyo waayo-aragnimo.
Kahor inta aan loo dooran xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waxa uu Xamse soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland intii u dhaxeysay 2019kii - 2020kii, guddigaas oo maamulay doorasho lagu murmay.
Haddaba, magacaabista kadib, maxay tahay tilaabooyinka xiga iyo arrimaha waa weyn ee horyaal raysal wasaaraha cusub.
Magacaabista kadib iyo ololeha codka kalsoonida ee Golaha Shacabka
Magacaabista Raysal wasaare Xamse Barre kadib, waxaa xigi doono howl adag oo u billaaban doonto madaxweynaha iyo raysal wasaaraha magacaaban. Waa howsha olole iyo kalsooni u raadinta raysal wasaaraha oo ay tahay in si deg deg ah loo horgeeyo Golaha Shacabka si ay u ansixiyaan. Ansixinta hore ee Raysal wasaaraha ma dhib badna sida laga bartay taariikhda hore, laakiin haddana waxa uu Raysal Wasaaraha cusub u baahan yahay in uu helo ugu yaraan 139 cod oo ka mid ah 275 xubin ee golaha shacabka.
Waxa fududeeya ansixinta wasiirka koowaad waa rajada dhinacyada oo dhan ay ka qabaan xubinnimada golaha wasiirada, iyo balamaha iyo danaha siyaasadeed ee kale. Laakiin mid marwalba si fudud lagu helo karo. Golaha Shacabka ee maanta waa mid ka kooban kudlooyin la rumeysan yahay inay aad ugu kala fog yihiin aragtiyaha iyo danahooda siyaasadeed.
Waxaa golaha wada fadhiyo xubnaha taabacsan madaxweynihii hore ee Soomaaliya, xubno ku xiran madaxweynaha Puntland, iyo kan Jubbaland, iyo xitaa kuwo la olog ah kuwa raacsan madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle. Sidaas si la mid ah, xildhibaanada qaar ayaa raacsan madaxweynaha Koonfur galbeed, oo mar loo maleeyo inay noqon karaan kudlada ugu xoogan ee dhinac u wada codeyn kara.
Taas kama dhigna in madaxweynaha iyo raysal wasaaraha magacaaban aysan heli karin tiro ku filan oo siisa codka kalsoonida. Se, waxaa lama-huraan ah inay si uun galaangal ugu yeeshaan xitaa xildhibaanada aan iyaga raacsaneyn, si ay u helaan cod aqlabiyad weyn oo lagu ansixiyo Raysal wasaaraha magacaaban. Waa imtixaanka ugu horreeya ee lagu tijaabinayo. Malaha, kan ugu fudud ee ugu horreeya, iyo tijaabada ugu horreysa ee sawir ka bixin karta sida ay u wada socdaan ama u kala socdaan xubnaha Golaha Shacabka.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Ansixinta Golaha Shacabka Kadib
Siyaasada laguma nasto. Kuma na sii jirto marka ay tahay tan Soomaaliya oo u abaabulneyn hanaan xisbi oo rasmi ah. Sidaas darteed, helidda kalsoonida Golaha Shacabka kadib, Raysal wasaaraha ayaa mar kale looga baahan yahay in uu kusoo dhiso xukuumad muddo sodon maalin ah.
Mar kale, xukuumada la dhisi doono waxay u baahan tahay olole iyo howl adag oo kalsooni looga dhex raadinayo baarlamaanka. Waa imtixaan kale oo sugaya madaxweynaha iyo rasal wasaaraha oo ay markan kusoo biireen xubnaha magacaaban ee Golaha Xukuumada, oo gudaha iyo dibedda baarlamaanka laga keeni karo.
Si la mid ah anisixinta Raysal wasaaraha ayaa haddana wasiirada magacaaban waxay u baahan yihiin inay helaan ugu yaraan 139 cod. Markan, waa imtixaan kale oo ka yaro adag kii hore, laakiin badi xukuumadaha koowaad si aqlabiyad leh ayaa loo ansixiyaa.
Ansixinta xukuumadda kadib, waxaa bilaabata shaqada rasmiga ah. Labo arrin oo Raysal wasaaraha magacaaban horyaal waa khilaafka siyaasadeed ee Gedo, iyo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya. Labadu ba waa arrimo uu si gaar ah xog ogaal ugu yahay.
Khilaafka siyaasadeed ee Gedo
Khilaaf baa ka dhex aloosnaa Jubbaland muddo dheer. Marka laga reebo Ceelwaaq, Gedo inteeda kale waxaa ka taliya maamul sheegtay inay ka madaxbanaan yihiin Jubbalanad. Waa maamul si dhow ula shaqeynayay dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.
Khilaafka waa uu sii kordhay kadib doorashadii lagu murmay ee 2019-kii, taas oo ay qabteen gudddiga doorashada Jubbaland ee uu guddoomiyaha u ahaa Xamse Cabdi Barre oo ah Raysal wasaaraha magacaaban, iyo intii ay socotay xulashada xildhibaanada cusub ee Soomaaliya, oo ay ahayd in Garbaharey lagu doorto. Arrinkaas oo hergeli waayay, iyada oo maamulka Jubbaland ay u rareen kuraastii Garbaharey taalay degmada Ceelwaaq.

Xigashada Sawirka, Facebook
Haddaba, waxaa loo arkaa in Xamse Cabdi Barre uu qeyb ka noqon karo xal-u-hellida khilaafka Gedo oo cuuryaamiyay habsami-u-howlgalka dowlad goboleedka Jubbaland. Dareenkan waxa uu ku dhisan yahay fahamka ah in uu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe, iyo rajada laga qabo in dowladda cusub inay hortebin deg deg siiso xal-u-hellida khilaafka Gedo, oo xitaa qeyb ahaan soo bilowday muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Laakiin si ay taasi u hirgasho, waxa uu ubaahan doonaa in uu marka hore ka fikiro sida uu ku kasban karo kalsoonida maamulka gadoodsan ee Gedo. Waa maamul u arki karayo in uusan dhex-dhexaad ka ahayn arrimaha Jubbaland, iyaga oo eegaya xiriirkii hore ee kala dhexeeyay Axmed Madoobe. Waxa kale oo u baahan doonaa siyaasad qaran oo ka sarreysa tan hoose ee reeraha iyo Jubbaland.
Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya
Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ma wanaagsaneyn dhowrkii sano ee u dambeeyay. Arrimo ka baxsan kiiska badda, oo u badan xiriirka Nayroobi iyo Kismaayo ayaa xumeeyay xiriirka labada dal. Dhowr jeer ayaa la kala qaatay safaaradaha, iyada oo Kenya ay hakisay duulimaadyada ku socda iyo kuwa ka yimaada Soomaaliya. Khaadkii Kenya ee Soomaaliya loo dhoofin jiray na muddo ba hakad ayuu ku jiraa, oo waxaa bedelay hareeriga Itoobiya. Sidaas oo ay tahay, waxaa laga filayaa in xiriirka Muqdisho iyo Nayroobi uu hagaajiyo.

Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY
Hagaajinta xiriirka labada dal kaalin weyn ayuu ku yeelan karaa raysal wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre oo muddo ku noolaa Kenya.Waxaa taa wehliya tuhunka ah in uu xiriir shaqo oo hadda wax ka tari kara hagaajinta xiriirka labada dal uu la yeeshay Kenya waqtigii uu ka shaqeynayay Juabaland. wuxuu se u baahan doonaa in uu helo hab iyo hanaan taxadar leh oo uga talaabsado imtixaanka xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, oo nabro cusub ay gaareen maalmihii ugu horreeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo weli la dhayayo dhaawacyadii soo gaaray xiriirka labada dhinac shantii sano ee hore.












