Elon Musk: Maxaa sababay in maalqabeenkii adduunka uu sheego inuu ka baxayo heshiiskii uu ku iibsanayay Twitter?

Xigashada Sawirka, Reuters
Elon Musk ayaa ku hanjabay inuu ka bixi doono heshiiskii $44 bilyan ee doolar oo uu kula wareegay barta Twitter-ka, isagoo ku eedeeyay shirkadda baraha bulshada inay "hor istaagtay" codsigiisa ah inuu wax badan ka ogaado saldhigga isticmaalka barta.
Warqad uu u gudbiyay maamulayaasha, ayuu Mr Musk ku sheegay inuu xaq u leeyahay inuu sameeyo cabbirkiisa cinwaanada spamka.
Warqadda ayaa si rasmi ah u shaacbixisay khilaaf soo jiitamayay toddobaadyo ka dib markii Mr Musk uu ku dhawaaqay in heshiiska uu "hakinayo" iyadoo la sugayo macluumaad dheeraad ah. Twitter ayaa difaacday qiyaasteeda.
Laakiin Mr Musk waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in cinwaanada been abuurka ahi ay ka dhigan yihiin saami aad uga badan in ka yar 5% isticmaalayaasha maalinlaha ah ee Twitter-ku baahiyo.
"Maadaama uu yahay milkiilaha mustaqbalka ee Twitter, Mr Musk waxa uu xaq ugu leeyahay xogta la codsaday si uu ugu diyaargaroobo la wareegidda ganacsiga barta Twitter-ka ee lahaanshaha iyo si loo fududeeyo maalgelintiisa macaamil ee ganacsi. Si uu labadaba u sameeyo, waa in uu leeyahay faham dhamaystiran oo sax ah oo ku saabsan asalka dhabta ah ee qaabka ganacsi ee Twitter-ka," qareen Mike Ringler ayaa sidaasi warqadda ku qoray.
"Iyada oo lagu saleynayo hab-dhaqanka Twitter-ka ilaa iyo hadda, iyo gaar ahaan waraaqihii ugu dambeeyay ee shirkadda, Mr Musk wuxuu aaminsan yahay in shirkadu ay si cad uga hortageyso oo ay carqaladeynayso xuquuqdiisa macluumaadka," ayaa lagu yiri warqadda.
Khilaafka ayaa dhaliyay shaki badan oo ku saabsan mustaqbalka la wareegidda, kaasoo maamulka Twitter uu ansixiyay bishii Abriil.
"Twitter waxay sii wadi doontaa inay Musk la wadaagto macluumaadka si ay u dhamaystirto wax kala iibsiga si waafaqsan shuruudaha heshiiska," ayay shirkaddu ku sheegtay hadal ay soo saartay.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in madaxa shirkadda Tesla laga yaabo in arrinta uu u isticmaalo si uu isugu dayo inuu dib uga xaajoodo qiimaha ama xitaa ka baxo heshiiska. Waxay sheegeen in go'aanka Mr Musk uu arrintan kaga hadlay uu yahay mid aan caadi ahayn, taasoo adkeynaysa in la ogaado inta uu le'eg yahay mowqifkiisa.
Guddiga maamula shirkadda Twitter ayaa bishii 25-kii April sheegay in shirkadda oggolaatay in bilyaneer Elon Musk uu kula wareego lacag dhan 44 bilyan oo dollar.
Musk oo ku dhashay magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa 14-kii bishii April isna soo bandhigay qorshe uu kula wareegayo shirkaddaas ka shaqeysa xiriirka bulshada, waxaana uu sheegay inay leedahay "awood ballaaran" oo uu dunida uga faa'iideyn doono.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxa uu ku baaqay isbedallo ballaaran oo ay kamid ahaayeen in meesha laga saaro xayiraadda macluumaadka iyo xiridda cinwaannada been abuurka ah.
Elon Musk ayaa ah ninka ugu taajirsan caalamka, sida ay shaacisay jariiradda Forbes, waxaana hantidiisa lagu qiyaasay 273.6 bilyan oo dollar. Waxa uu leeyahay shirkadda Tesla ee samaysa gawaarida korontada ku shaqeeya iyo shirkadda SpaceX ee sahminta hawada sare.
Twitter ayaa intii muddo ah xoogga saaraysay ka hortagga wararka been abuurka ah ee lagu faafiyo. Sanadkii la soo dhaafay, waxa ay qaadatay go'aankii ugu adkaa, kadib markii ay xayirtay cinwaanka Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump oo ay ku eedeysay "kicin rabshado."













