You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Sharci ahaan ma u waynayaa xildhibaannimada?
Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabbilsan arrimaha abaaraha iyo gargaarka, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markii ugu horreysay ka hadlay inuu sharci ahaan xildhibaannimada waynayo iyo in kale, ergaynimada darteed.
Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa BBC Somali siiyay wareysi uu arrimahaas ku sharraxayo.
Doodda sharciga
Dhowaanahan waxaa jirtay dood sharciga lagu lifaaqayo oo dadka qaar ay hadal-hayeen, taas oo la xiriirta inuu mudanaha xildhibaan sii ahaan karo iyadoo uu ku magacaaban yahay ergay.
Xildhibaan Cabdiraxmaan oo arrintaas ka jawaabaya wuxuu yiri: "Xil aan qabtay ayaanba jirinba! Xil waxaan u aqaannaa qofka marka la magacaabo, hay'ad uu u shaqo tago inay jirto."
Wuxuu intaa ku daray "taliye nabad-sugid oo hadda waxaa la magacaabay xildhibaan ah tusaale ahaan. Hay'ad ayuu u shaqo-tagay subixii oo uu xilkeeda la wareegay. Aniga cidda aan xilka kala wareegay yaa waaye? Hay'adda aan u shaqo-tagay waa tee? Intee ayay ka diiwaangashan tahay? Yaa shaqaale ka ah? Ma jirto!"
Wuxuu sheegay in shaqada uu hadda hayo ay tahay mid uusan mushaar ku qaadan oo uu ku tabarrrucay. Wuxuu aaminsan yahay in howshaas ay qeyb ka tahay waajibaadkiisa xildhibaannimo.
Xildhibaanka ayaa xusay shaqada uu madaxweynaha u xilsaaray in aysan waxba dhaamin tan guddiyada baarlamaanka ee mararka qaar loo diro muhiimado gaar ah. "Xildhibaanka muhiimaddiisa oo dhan waa inuu dadka u shaqeeyo. Wax kale maba ahaba - ama inuu ugu shaqeeyo inuu sharci-dejiyo ama xukuumadda uu dabagalo ama dadka inuu u [adeego]."
"Haddii ay u baahatana xildhibaannimada in aan uga tago si aan shaqadan u fuliyo diyaar ayaan u ahay," ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan.
Magacaabistiisa
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 24-kii May u magacaabay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu noqdo ergayga xiriiriya howlgalka arrimaha bani'aadannimada iyo gargaarka, inuu ka warqabo xaaladda dadka dhibaataysan, kaalmada caalamiga ah iyo kaalmada Soomaalida dhexdeeda. Sidoo kale, marka abaarta laga baxo kaddib, in uu ka shaqeeyo barnaamij cad oo dadkii ay saameysay ee xoolo beelay noloshooda iyo mustaqabalkooda sidii looga sii warqabi lahaa ah.
Madaxweynaha oo ka hadlayay magacaabistiisa wuxuu yiri: "Waa shaqo naftii-horennimo ah oo mudanaha uu ugu tabarrucay ummadda Soomaaliyeed, annaguna aan la garannay oo u garannay, wuuna naga aqbalay."
Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa BBC-dau sheegay in magacaabista ka hor ay isaga iyo madaxweynaha wadahadleen. "Markii loo baahday in la helo qof miisaan leh oo codkaan qaadi kara ayuu madaxweynuhu i yiri 'Cabdiraxmaanow howshaan ila qabo', sidaas ayaana keentay in aan aniga la qabto, wuuna ku mahadsan yahay inuu ixtiraamay in aan ahay qof u qalma in aan [xilkaan] bulshada Soomaaliyeed u matalo."
Ku aamusiin
Xildhibaanka wuxuu sanadihii la soo dhaafay caan ku ahaa inuu mucaarado dowladda. Mar aan waydiinnay in loo magacaabay si aysan taas u dhicin oo uu madaxweynaha uga ag-dhowaado, wuxuu ku jawaabay in shaqada uu hayo aysan la xiriirin arrimo siyaasadeed.
Wuxuu xusay in ay tahay shaqo ku kooban arrimo bani'aannimo iyo ka jawaabista xaalad taagan.
Muxuu dhigayaa qodobka 59-aad ee dastuurka?
Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha keeni kara in uu mudane waayo xilkiisa baarlamaanka.
Sidoo kale, isla qodobkaas gudihiisa ayaa lagu sharraxayaa tallaabada xigta iyo sida loo buuxin karo booskaas haddiiba ay dhacdo inuu xildhibaanku meesha ka baxo.
Qaybta hore ee qodobka 59-aad, oo qeexaysa sababaha xil-waayidda ayaa dhigaysa in ilaa lix qaab lagu lumin karo kursiga.
1- Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka ah waxaa lagu lumin karaa:
- Xubinta oo geeriyoota
- Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho-la'aaneed oo joogto ah
- Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado
- Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga, iyadoo aanay jirin sabab maangal ah
- Haddii ay xubintu aqbasho xil-dawladeed aan wasiir ka ahayn
- Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad sharciga
2- Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigay.
3- Sharciga doorashada ayaa caddaynaya hab-raaca loo marayo xulashada xubin-sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga billaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayo uu lumiyay ama ay lumisay xubinnimada baarlamaanka.
Abaarta Soomaaliya
Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag oo bani'aadannimo. Hay'adaha gargaarka waxay abaarta ku tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu darnaa ee uu dalko galo tobankii sano ee la soo dhaafay.
Abaartu waxay salka ku haysaa qalleyl ka dhashay afar xilli oo roobabku ay yaraayeen, meelaha qaarna aysan ka da'in. Xoolo badan ayaa u dhintay harraadka iyo daaq-la'aanta. Waxaa sidoo kale meesha ka baxay wax-soo-saarkii beeraha, taas oo sababtay barkakac inay cunto-yari galaan malaayiin qof.
Sidoo kale akhriso