Maxaad kala socota qaabka loo beero gacmaha marka ay qofka ka go'aan?

Steven Gallagher

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Steven Gallagher

Aduunyada ayaa waxaa la gaaray dhinacyo kala duwan oo dhanka hormarka ah . Dhinacyada hormarka wayn laga sameeyay waxaa ka mid ah dhanka caafimaadka oo 30 sano u dambeysay hormaro badan lagu tallaabsaday.

Waxaa la soo saaray qalab casri ah oo dhanka caafimaadka ah, waxaa ka dib cilmi-baarisyo badan oo la sameeyay lagu guuleystay xal u helidda cuduro badan.

Dhinacyada hormarka muhiimka ah laga gaaray waxaa sidoo kale ka mid ah dhanka qalliinada lagu sameeyo bukaanada, gaar ahaan qallliin jirka qofka lagu qurxiyo, iyo dib u kabista xubnaha qofka bini'aadamka ka goay.

Waxaan qorimadeena maanta si gaar ah aan ugu eegeynaa qaabka loo talaalo gacmaha ama sida qofka loogu sameeyo gacmo macmal ah.

Qisada Steven Gallagher

Wuu qoslay markii ugu horeysay ee Steven Gallagher lagu yiri gacmaha waa laguu talaali karaa oo waxaa laguu galinayaa gacmo kale.

Balse shan bilood ka dib, waxa uu halis u galay in lagu sameeyo qalliin taas oo keentay in uu waxba qaban kari waayo. Qalliinkan ayaa noqonaya markii ugu horreysay. Hadda wuu ka xoroobay dhibaatadii haysatay oo wuxuu ku nool yahay nolol cusub oo caadi ah.

Steven Gallagher

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Steven Gallagher

Muxuu Steven ugu baahday qalliinkan?

Steven, oo 48 jir ah, waa aabbe leh saddex carruur ah, waxa uu 13 sano ka hor uu cuncun ka dareemay Sanka Dhabannada.

Markii uu muddo xaaladaasi ku jiray ayaa waxaa hadana xanuunntay gacantiisa midig.

Dhakhaatiirtu waxay markii hore u maleeyeen inuu qabo cudurka loo yaqaano lupus. Markii dambe waxaa laga helay cudur kale oo lagu magacaabo carpal tunnel syndrome ka dibna waxaa lagu sameeyay qalliin.

Laakiin markii xanuunka labadiisa gacmood uu dib u bilaabmay, waxa lagula taliyay inuu u tago dhakhtar kale oo takhasus u leh cudurada maqaarka iyo difaaca jirka.

Cudurka ayaa markii dambe waxaa uu dhibaato u gaystay gacmihiisa.

Steven waxa loo gudbiyay dhakhtar ku taqasusay Qalliinka gacmaha ee Glasgow Prof Andrew Hart, kaas oo marka hore kula taliyay in labada gacmood loo tallaalo.

Steven Gallagher waxaa uu markii hore diiday qalliinka balse markii uu la tashaday xaaskiisa ayuu aqbalay in qalliinka tallaalka gacmaha lagu sameeyo.

Dhakhtar Hart iyo Prof Simon labadaba way ku wargaliyeen Steven halista uu qalllinkan leeyahay.

Steven Gallagher waxaa uu sheegay in markii gacmaha loo tallaalay uu imika waxyaabo badan qabsan karo.

Steven waa qofkii ugu horeeyay aduunka ee labada gacmood loo beero xanuun la soo darsay dartii.

Qaliinkan oo qaatay 12 saacadood waxaa fuliyay 30 khubaro dhanka qalliinada ah.

Muxuu yahay qalliinka lagu tallaalo gacmaha macmalka

Qofka oo loo tallalo gacmaha waxaa la sameeyaa marka qofka laga jaro hal gacan amaba labada gacmood.

Waxaa gacanta qofka lagu tallaalay ay noqon kartaa mid qof kale ugu deeqay ama in qof dhintay laga soo jaro.

In kasta oo aan la dammaanad qaadin in wax waliba ay sdii hore ku noqonaya ayaa hadana waxa laga yaabaa inay qofka ka caawiso inaad dib u hesho xoogaa shaqada gacanta .

Marka laga hadlayo halista uu leeyahay qalliinkan noocan ah waxaa uu la halis yahay sida qalliinada kale ee lagu sameeyo jirka qofka marka lagu tallaalayo waxyabo macmal ah.