You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dagaalka Ukraine: Maxay yihiin maxaabiista dagaal, sidayse tahay in loola dhaqmo?
Mustaqbalka ciidammadii difaacayay magaalada la hareereeyay ee Mariupol ayaa waxa ay astaan u aheyd sheekooyinka dagaalka Ukraine.
Dhacdooyinkii ugu dambeeyay, ayey mas'uuliyiinta Ruushka ku sheegeen in in ka badan 1,000 askari oo la qabtay, kuwaas oo ku xayirmay warshadda biraha farsamaysa ee Azovstal, la geeyay deegaanno ay gacanta ku hayaan fallaagada ay Moscow baritaarto.
Ku dhawaaqista Ruushka ee ah in maxaabiista dagaalka loola dhaqmi doono si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ayaa waxa ay bannaanka soo dhigtay sida ay u adag yihiin xeerarka lagu hago sida loola dhaqmo ciidammaa cadowga ee la qabto ama isa soo dhiiba xilliyada colaadda.
Tan iyo markii uu duullaanku bilowday, Ruushka iyo Ukraine ayaa waxa ay isku eedaynayeen in si wanaagsan aanay ula dhaqmin maxaabiista dagaalka. Matilda Bogner, madaxa howlgalka la socodka xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ee Ukraine, ayaa dhawaan waxa uu sheegay in ay jirto "xog la isku hallayn karo" oo muujinaysa in labada dhinacba ay galeen dambiyo noocaasi ah.
Ma jiraan xeerar rasmi ah oo lagu dhaqo maxaabiista dagaalka?
Haa. Maxaabiista dagaalka ayaa caadiyan waxaa lagu ilaaliyay heshiisyada caalamiga ah ee la galayay tan iyo 1929 ee Heshiiska Saddexaad ee Geneva, taas oo si gaar ah ula xiriirta sida loola dhaqmayo maxaabiista dagaalka, isdhaafsiga xogta ku saabsan dadkaasi iyo xuquuqda ah in saraakiil ka socota dalalka dhexdhexaadka ah ay booqdaan jeelasha dadkaas lagu hayo.
Heshiiska ayaa si wayn loo ballaariyay 1949 kaddib markii dhowr dal oo ka qeybqaatay Dagaalkii Labaad ee Adduunka lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen xeerarka ku jiray heshiiskaasi, tusaale ahaan, baahida loo qabo "in la dhowro sharafta shakhsiga" ee maxaabiista dagaalka.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 196 dal ayaa saxiixay Heshiiska Geneva, oo ay ku jiraan Ruushka iyo Ukraine.
Maxay tahay ilaalada ay helaan maxaabiista dagaalka?
Liisku waa uu dheeryahay waxaana ku jira xaqa in qofka uu helo dawo oo la dabiibo, cunto iyo meel uu seexdo, in aanan la jirdilin ama in aanan lagu talaxtegin howsha loo diro maxaabiista.
Heshiisku waxa uu qeexayaa in xariga aanan loo adeegsan hab dadka lagu ciqaabo, balse fursad uu u noqdo in loogaga hortago in colaadda laga qeybqaato. Taasina waa sababta ay heshiiska ugu jirto in maxaabiista dagaalka laga ilaaliyo "handadaadda, cayda iyo galaangalka dadweynaha."
Taasi waa sababta mas'uuliyiinta Ruushka iyo Ukraine ayaa waxaa lagu eedaynayay inay baahiyeen muuqaallo ku saabsan maxaabiis dagaal, kuwaas oo qaarkood ka qeybqaatayba shirar jaraa'id.
Sida ku qoran Heshiiska Geneva, maxaabiista dagaal ayaanan loo maxkamadayn karin inay colaadda ka qeybqaateen - walow xeerku uu dalalka u ogolaanayo inay maxkamadeeyaan maxaabiista dagaalka ee galay dambiyada dagaalka.
Heshiiska ayaa sidoo kale waxa uu go'aamiyay in maxaabiista dagaalka dib loogu celiyo dalkooda "iyadoon la daahinayn" markii ay colaadda dhammaato.
Yaa xaq u leh in maxbuus dagaal lagu tilmaamo?
Qeexitaanka maxaabiista dagaalka ee Heshiiska Geneva ayaanan ku koobayn oo kaliya xubnaha ciidammada qalabka-sida. Maleeshiyaadka iyo dadka rayidka ah ee aanan qeybta ka ahayn weerrarada milateriga ayaa sidoo kale ku jira xeerka heshiiska.
Waxaanse ku jirin calooshood u shaqeystayaasha - iyo meelaha qaar - kooxaha jawaasiista ah.
Kooxaha jawaasiista ah ayaa sikasta oo uu xaal ahaadaba, Heshiiska Geneva waxa uu sheegayaa in dadka loo qabto inay basaasiin yihiin "ay tahay in loola dhaqmo si bini'aadamnimo ah" sidoo kalana aanan laga xayuubin xuquuqda ay u leeyihiin inay helaan maxkamadayn cadaalad ah.
Waa maxay isdhaafsiga maxaabiista?
Isdhaafsiga maxaabiista ayaa ah heshiis dhexmara dhinacyada iska soo horjeeda iyagoo labada dhinac ay isdhaafsadaan kooxo ay kala haysteen. Taasi ma dhacdo inta dagaalka uu socdo oo kaliya, sanadihii uu jiray Dagaalkii Qaboobaa, tusaale ahaan, Mareykanka iyo Midowgii Sofiyeet ayaa gaaray dhowr heshiis oo noocaasi ah. Sidoo kale waxa ay arrimo noocaasi oo kale ah dhaceen inta ay socotay colaadda Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.
Walow isdhaafsiga maxaabiista lagu hagay Heshiiska Geneva, ayaa haddana waxa ay yihiin kuwo qadiimi ah. Waxaa jira heshiisyo noocaasi ah oo la gaaray qarnigii 18-aad.
Waxaa jiray dhowr dhacdo oo la xaqiijiyay oo Moscow iyo Kyiv isku dhaafsadeen maxaabiis dagaal, hasayeeshee baarlamaanka Ruushka ayaa haatan waxa uu ka wadaxaajoonayaan sharci la soo jeediyay oo ay suuragal tahay in lagu mamnuuco heshiisyada noocaasi oo kale ah.