Ninka bilyan-dheerka ah ee hantidiisa ka arradnaa

Howard Hughes

Hal shey xusuusnoow, ma jiro qof aanan iibsan karin ama aan dumin karin haddii aan u baahdo. Waa ereyada uu ku hadli jiray nin taajir ah oo dhashay dalka Mareykanka oo xilli noolaa.

Ninkan oo uu magaciisu yahay Howard Hughes dunida uma aysan aqoon oo keli ah inuu ahaa ganacsade najaxay, cilmi baare iyo jilaa, waxaa sida oo kale loo yaqiinnay inuu yahay nin la yaab leh oo muddo 26 sano ku siman keligii noolaa oo weliba muddadaa aan guriga ka soo bixin.

Ninkan odayga oo maalqabeenka ah oo muddada dheer keligii nool marki dambe wuxuuu muuqday qof maanka looga jiro maadaamaa uu joojiyey timaha jirkiisa ku yaalla inuu iska jaro iyo isaga joogta ka dhigay inuu dhalooyin oo keli ah uu ku kaadiyo.

Maxay ahayd shekada ninkan?

Howard Hughes Jr wuxuu dhashay 1905-tii isaga oo dhaqaalaha ugu badan ka sameeyey baadigoobka iyo soo saaridda saliidda.

Yaraantiisina Aabbihii wuxuu ku soo dadaalay waxbarashadiisa isaga oo geeyey dugsiyo hoy ah oo kala duwan.

Wuxuuna Hughes, 1909-ki uu sameeyey mashiinta saliidda lagu qodo laguna soo saaro. Mashiinta u sameeyeyna isaga ayaa loogu magacdaray.

Shirkadaha waaweyn ee saliidda soo saarana waxay safaf dhaadheer u soo galeen mashiinta saliidda lagu soo saaro uu Hughes sameeyey oo markaa dunida ku cusbeyd. iibinta mashiinadaasina wuxuu ka sameeyey lacago aad u badan.

Howard dabeecad ahaan wuxuu ahaa mid xishood badan maqalkana uu ku adag yahay. Inta uu waxarashada ku jirayna ma jecleen inuu cidna uu la hadlo.

Ugu dambeyntina kelinimada daashatay si uu xal ugu helo wuxuu u weecday dhanka shaneemooyinka iyo diyaaradaha.

Da'diisu marki ay 14 jir gaartay aabbihii wuxuu ka qayb geliyey tartanka quusitaanka biyaha oo dhex marayey laba jaamacadood oo Mareykanka ku yaalla.

.
Qoraalka sawirka, .

Howard hooyadii waxay geeriyootay 2 sano kaddib, aabihiina 2 sano kaddib marki ay hooyadii geeriyootay. Howard oo ay xilligaa da'diisu ahayd 18 jir wuxuu dhexlay hanti aad u badan.

Maadaamaa aabbihiina uu ku jiray ganacsiga dhanka saliidda. Hase yeeshee Howard inti uu abbihii noolaa aad uma daneyneyn howlaha ganacsiga oo wuxuu isku howlay inuu masraxyada shaneemooyinka lagu soo bandhigo uu ka qayb qaato.

Marki dambana habka uu ruwaadaha u jilo waxay soo jiidatay shirkadda Hollywood oo filimmada sameysa.

Baab'inta hantidi uu dhaxlay

Howard marka uu ku biiray Hollywood wuxuu billaabay hantidi uu aabbihii ka dhaxlay inuu ku ciyaaro uuna baaba'iyo. Waxyaabihi ninkaasi uu xilligaa ku dhaqmayey waxaa buug dhan ka qoray qoraayaasha kala ah Peter Henry Brown iyo Pat Brosek.

Waxayna qoreen inuu lacagti dhaxalka ahayd oo uu waaliddiintii uga tageen inuu ku tamashleeyey oo uu billaabay inuu ku gato dhar, kabo iyo baabuur. Hal gaarina weligii ma iibsan oo wuxuu markiba iibsan jiray 6 gaari.

"Waxa uu iibsan jiray sanduuqyo ay ku jiraan saacado aad qaali u ah, dhrkana halki mar 20 shey ka yar ma iibsan jirin." Saamiyadi aabbihii uu shirkadaha kala duwan kulahaana wuxuu ku iibsaday 3.8 milyan oo doolar.

Waxaa uuna doonayey in uu howlaha shaleemada uu ku shubo dhammaan lacagtii saamiyada aabbihii uu shirkadaha ku lahaa uu ku iibiyey.

.
Qoraalka sawirka, .

Filimki ugu horreeyey oo uu Howard magac iyo dhaqaalaba uu ka sameeyey wuxuu ahaa filimka magaciisu ahaa 'Agent's Hell'.

Waxa uu ahaa filim ka hadlaya dagaalkii koowaad ee aduunka, kaas oo dadkii ugu horeeyey lagu arkayey diyaarado duulaya, iyaga oo adeegsanaya diyaarado dagaal.

Waxaa la sheegay in ciidammadii dalal badan oo caalamka ka mid ah ay xilligaas lahaan jireen diyaarado iyo duuliye la mid ah kuwii filimkan loo adeegsaday.

Howard wuxuu inta badan qori jiray, wax ka beddelay, oo dib u qoray sheekooyinka filimaanta iyo ruwaayadaha masraxyada. Heshiiskii ugu yaabka badnaa uu la galay shirkadda Hollywood uu ka midka ahaa waxay ahayd inuu daruuraha arki karin.

Filimka Howard uu sameeyey waxaa ku baxday lacag dhan 40.4 milyan oo doolar. Lacagtaasi oo xilligaasi ahayd mid aad u badan.

Filimka 'Agent's Hell' uu Howard sameeyey wuxuu dhigay rekoor cusub oo dhanka Box Office-ka ah. Mar welibana wuxuu jeclaa filim kasta uu sameynayo inuu hal abuur hor leh uu ku kordhiyo.

Howard oo hiwaayad u lahaa hal abuurka 1935-kii wuxuu ku fakaray inuu sameeyo diyaaradda dunida ugu dheereysa, wuxuuna rabitaankiisa uu ka dhabeeyey 1938-kii.

Marka uu diyaaradda sameynteeda ku guuleystyana wuxuu ku dhaqaaqay dunida oo dhan inuu duullimaad ku soo maro wuxuna sameeyey duullimaad 3 maalmood socday oo ku duulay 19 saacadood.

Duullimaadkaa kaddibna wuxuu aasaasay shirkad diyaaradeed maadaamaa xilligaasi ka ganacsiga diyaaradaha iyo duullimaadyadooda uu dunida suuq wanaagsan ka lahaa.

Xilligi uu socday dagaalki labaad ee Adduunkana ciidamada badda MAreykanka wuxuu u naqshadeeyey markab gujis ah.

Muddo kaddibna waxaa Howard la soo deristay xaalad caafimaad oo dhinaca maskaxda ah wixi inta ka dambeeyeyna noolashiisa wuxuu ku qaatay keligii iyo weliba guri cidlo ah.

Sheekooyinka Howard Hughes waxaa fimim ahaan u jilay jilaaga caanka ah Leonardo DiCarpio.

.

Xigashada Sawirka, Warner Brothers Pictures

Qoraalka sawirka, .

Howard gacmahiisa daqiiqad walba wuu dhaqayey taasoo mararka qaar gacmihiisa ka keeneysay dhiig aan kala joogsi lahayn.

Sanadka marka uu ahaa 1946-kii Howard wuxuu galay shil diyaaradeed shilkaasi oo ahaa kii shanaad oo uu galo. Balse kan shanaad ma noqon mid uu ka badbaado oo waa uu ku dhaawacmay.

Dhaawac culus ayaana shilkaasi ka soo gaaray in mudda ayuuna dhkhtar yaallay oo dhaawaca laga dabiibayey.

1947-kii o lagu soo eedeeyey inuu dagaalada xilligaa dunida ka socday lacag uu ka sameeyey ayey aqalka sanedka u yeeren si uu eedda loo soo jeediyey uu sharraxaad ugu bixiyo, markaana ayaa Horard ugu dambeysay meel fagaara oo lagu oo muddo 26 sana ah xiriirka dadka wuu ka fogaaday oo keligii ayaa noolaa.

Laakiin ganacsigiisa ayaa sare u kacay. Laga soo bilaabo 1966 ilaa 1968 wuxuu iibsaday dhul, casinos iyo hoteello ku yaal Las Vegas, ee dalka Mareykanka. Sannadkii 1966-kii, shirkad uu lahaa waxay samaysay dayax gacmeedka Survivor 1 kaasoo ah dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee Maraykan ah oo ka degay dayaxa.

Ninkaasi 26 sano uu guriga ku jiray habeen iyo dharaar waa uu qaawanaa. Wuxuuna ku kaadshi jiray dhalo isaga oo aan muddadaa ciddiyaha iska jarin.

Cuntada uu aadka u jeclaa uu muddadaa quudan jirayna waxay ahayd Caanaha iyo Shokolaatada. Sida oo kale haweeney u

Marki dambana wuxuu u wareegay huteella dhowr ah isaga oo hab dhaqankiisi muddada dheer uu ku soo dhaqmayey aan waxba iuska baddalin.

Arrinta la yaabka leh uu sameyn jiray muddadaa waxay inuu qol mugdi ah uu dhex fadhiyo sawirradana uu daawado.

Howarda Hughes wuxuu shil diyaaradeed uu ku geeriyooday 1976-kii. Noolasha ninkaasi oo aan la garaneyn wax lagu tilmaamo balse loo badinayo inuu dhimirka uu wax ka qabay.