Haweenay arrin dhibaato ku ahayd hadda maalqabeen ku noqotay

Xigashada Sawirka, Skin Inc
Barnaamijka todobaad laha ah ee The Boss ee BBC-da ka baxa ayaa soo bandhiga taariikhda hoggaamiyeyaal kala duwan oo ganacsiga heer ka gaaray. Isbuucan waxay la hadleen Sabrina Tan, oo ah madaxa iyo aasaasaha shirkad iibisa alaabaha la isku qurxiyo ama lagu daryeelo jirka.
Sabrina Tan, ayaa ka tagtay shaqa tiknolojiyad ah oo ay muddo samaynaysay si ay u billowdo shirkaddeeda gaarka ah. Waxa ay sheegtay dhibaatooyin ay la kulantay oo dhanka jirkeeda ah ay u horseedeen inay billowdo ganacsigaan.
Howshan ayey Sabrina ku cusbayd marka guda galeysay.
Gabadhan ayaa ku soo kortay dalka Singapore, waxayna ka soo shaqaysay meelo ay ragga u badnaayeen ka dib markii ay Jaamacadda ka baxday.
"Waxaan ka mid ahaa gabadha faro ku tiriska ah ee ku jira kooxda," ayey tiri.
Sabrina ayaa waxa ay sheegtay in dumarka ay badanaa la kulanto ay ka cabsanayeen inay fikradahooda dadka la wadaagan, waxay dareeman inaysan howsha diyaar u ahayn.
"Waa go'aankii ugu weynaa ee aan qaato , markii aan billaabay ganacsiga qurxinta." Ayey tiri.
Go'aankan waxay qaadatay muddo 10 sano ah ka hor, shirkaddeeda ayaa alaabaha qurxinta jirka u dhoofisa Maraykanka, Ingiriiska iyo dalal kale oo ku yaalla qaaradda Aasiya.
Haweeneydan shirkaddeeda ayaa sanadkii samaysa faa'iido gaaraysa tobanaan milyan oo doollar.
Sabrina oo 45 sano jir ah ayaa sheegtay in hormarka ay ganacsigeeda ka gaartay ay dhiiragelinteeda ka heshay ganacsade lagu magacaabi jiray Steve Jobs .
"Waxaan rabay inaan sameeyo alaaba la isku qurxiyo oo loogu magacdaray shirkadda Apple," ayey tiri.

Xigashada Sawirka, Skin Inc
Maxaa u horseeday horumarkan ganacsi?
Gabadhan ayaa sheegtay in jirkeeda uu ahaa mid qaba xasaasiyad ayna saamayn ku yeelan jirtay isbadelka dhanka cimilada.
"Waxaan go'aansaday inaan samaysto alaabo gaar ah si aan isugu daaweeyo."
Sanadkii 2007-dii, waxa ay billowday qorshe ay baaritaan ku samaynayso, waxayna tagtay dalka Japan.
Sabrina waxay rabtay inay soo sahmiso macluumaadna kasoo hesho suuqyada ugu weyn ee iibiya alaabaha la isku qurxiyo.
"Waxaan billaabay inaan la hadlo saynisyahanno iyo khubarada sameeya shaybaarrada. Waxaan tagay dukaamada lagu iibiyo daawooyinka."
Safarka ay ku tagtay Jaban ayaa aad u dhiirri galiyey, waxa uuna siiyey kalsooni.
Seygeeda waxa uu sheegay inay taasi ahayd fikrad aad u wanaagsan.

Xigashada Sawirka, Skin Inc
Sanad ka dib waxay furtay dukaankeedii ugu horreeyey ee lagu iibiyo qalabka la isku qurxiyo.
Muddo sanado ah oo ay dadaal wadday ayaa horseeday in shirkadda ay gaarto heer sare.
Sabrina waxa ay xasuusataa heerarkii kala duwanaa ee uu ganacsigeeda soo maray iyo dhibaatooyinkii ay wajahday.
Shirkadda oo magaceedu yahay Skin Inc ayaa hadda ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee iibiya alaabaha la isku qurxiyo ee qaaradda Aasiya.

Xigashada Sawirka, Skin Inc
Shirkadda oo laga leeyahay Singapore ayaa alaabaheeda ku samaysa Jaban, waxa ay Interrnet-ka ku leedahay shabakad adduunka dhan wax looga iibsan karo.
"Haddaan Shiinaha nahay waxaan dhahnaa ma jirto gabadh foolxun, balse waxaa jirta haweenay caajisley ah," Ayey tiri Sabrina.
Balse tiknoolojiyadda ayaa xubin weyn ka qaadatay hormarka shirkaddan. Sabrina waxa ay tiknoolojiyadda ka caawisaa inay hormariso alaabaha cusub.
Shirkadda ayaa waxa ay shaqaale ku leedahay guud ahaan dalalka Singapore, Shiinaha iyo Maraykanka.
"Tiknoolojiyadda waxay mar walba kobcinaysaa qaabka aan u fikirno, markay dhibaato na soo wajahdo waxaan u raadinnaa xal."
Sharon Kwek, waxa ay ka faallootaa arrimaha ku saabsan qurxinta dumarka waxa ayna sheegtay in shirkadda Skin Inc ay xal u keenayso dadka wajaha dhibaatooyinka dhanka isbadelka ku imaanaya jirkooda.
"Xilligaas oo aanan aad loo aqoonsanayn dhibaatooyinkan ayey shirkaddan u istaagtay inay keento alaabo casri ah," ayey tiri.
Hadda waxa ay sheegtay Sabrina in maalintii ay ku mashquulsantahay shirar isbada joog ah, iyo sidii ay kor ugu sii qaadi lahayd shirkadeeda.










