You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Howlaha ugu muhiimsan ee Xasan Sheekh horyaallo toddobaadyada soo socda
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud toddobaadyada ugu horreeya waxaa laga sugayaa howla muhiim ah oo gudashada waajibaadka loo igmaday laf dhabar u ah.
Waxaanna qormadan kooban ku eegeynaa qaar ka mid ah howlaha ugu muhiimsan ee horyaalla Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xil la wareegid iyo Caleema saarka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii May loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Soomaaliya kaddib marki cod aqlabiyad ah uu wareeggi seddexaad uga guuleystay madaxweynihi hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaana lagu wadaa 21-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah inuu xilka madxweynanimada uu si rasmi ah uu ula wareego una soo guuro Villa Somalia.
Xafladda ay labada madaxweyne xilka kula kala wareegayaan waxaa la filayaa iney ka soo qayb galaan guddoonka labada aqal, madaxda dowlad goboleedyada, xildhibaannada iyo qaar ka mid ah musharrixiinta u tartantay xilka madaxweynanimada balse doorashada looga guuleystay.
Intaa ka gadaalna waxaa dhici doonto xaflad madaxweyne Xasan Sheekh lagu caleema saarayo oo ay ka soo qayb galayaan madax iyo marti sharaf caalamka ka kala socota.
Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa howsha ku sii wadaa Hoteel Shabeel oo ku yaalla Muqdisho, kaas oo u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho. Halkaasoo horay uu uga sameynayay ololihiisii doorashada madaxweynaha.
Lama oga in qoysaskiisa ay halkaas u soo wada guureen iyo in kale, waxayna u muuqataa inuu halkaas sii joogi doono inta uu si rasmi ah ugu wareegayo madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha cusub waxaa la wareegay ciidanka koofiya-casta ee ilaaladaha madaxtooyada. Horay waxaa amnigiisa u sugayay ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya. Cutubka madaxda ilaalisa ee howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku soo biiray ilaaladiisa gaarka ah.
Sharciga Soomaaliya wuxuu dhigayaa in madaxweynaha la dhaariyo isla marka la doorto. Balse, muddada caleemo-saarka waxay ku xiran tahay go'aanka madaxweynaha markaas talada wareejinaya, isaga ayaa go'aan ka gaara laguna sharfaa.
Haddii aan taariikhda dib ugu noqonno Shariif Sheekh Axmed wuxuu 2012 xilka ku wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud labo toddobaad kaddib markii uu doorashada uga guuleystay.
Xasan Sheekh Maxamuudba toddobaad kaddib markii doorashada looga adkaaday ayuu xilka ku wareejiyay madaxweynihii beddelay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dalalka kale ee caalamka waxay leeyihiin shuruuc iyo xeerar u degsan oo ay ugu talagaleen kala guurka iyo xil kala wareegsiga.
Ra'isul wasaare uu soo magacaabo
Madaxweyne Xasan Sheekh marka u xilka si rasmi ah uuu wareego kaddib howlaha ugu horreeya oolaga filayo waxaa ka mid ah inuu soo magacaabo ra'isul wasaarihi xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sida uu dhigayo Qodobka 90 (d) ee dastuurka ku meel gaarka ee Soomaaliya wuxuu dhigayaa Madaxweynaha wuxuu magacaabayaa Wasiirka Koobaad (Ra'isul wasaaraha).
Madaxweynaha marka u Ra'isul wasaare soo magacaabana si codka kalsoonida loo siiyo waxaa uu hor geynayaa golaha Shacabka. Ra'isal wasaaraha marka magacaabistiisa uu baarlamaanka ansixiyo kaddib wuxu soo dhisayaa xukumadda Federaal ama golaha wasiirrada baarlamaanka codka kalsoonida ayuu qaadayaa.
Sida ku cad awood qaybsiga kurasta sarsare ee dalka Soomaaliya oo ku saleysan 4.5 waxaa la filayaa madaxweynaha inuu Ra'isul wasaare ka soo xulo beesha Daarood.
Magacaabidda shaqaalaha xafiiskiisa
Madaxweyne Xasan Sheekh waajibaadki shaqo ee loo igmaday si uu u guto toddobaadyada ugu horereya waxaa laga filayaa inuu soo magacaabo shaqaaalaha xafiiskiisa.
Xafiiska Madaxweynahana wuxuu yeelan doonaa shaqaala u gar ah madaxweynaha oo shaqooyinka madaxweynaha uu qabanayo gacan ka siiyo howla uu u dirana qabta.
Magacaabidda Taliyeyaasha ciidamada
Awooda dastuuriga ah uu leeyahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah inuu magacaabo Taliyeyaasha Ciidamada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda.
Sida uu qabo qodobka 90-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah xarafka (c). Taliyeyaashaasi oo isku jira Ciidamada Xoogga dalkaoo isugu jira cirka, dhulka iyo badda iyo booliska qaybahooda kala duwan.