Aragtida dadka ee guusha Xasan Sheekh Maxamuud

Doorashada Madaxweynaha Federaalka ee Soomaaliya oo xalay soo gabagabowday waxay ahayd mid ay natiijadeeda si weyn uga war sugayeen Soomaalida deegaannada kala duwan ku nool.

Goobaha ay dadku isugu yimaaddaan sida maqaaxiyaha, huteellada iyo goobaha kale waxaa la arkayey dad buux dhaafiyey oo si weyn ula socday codbixinta doorashada.

Dadka doorashada sida weyn ula socday oo musharixiin kala duwan kala taageersanaa haddana doorashadan waxay u muuqatay mid ay si weyn u daneynayeen si ka duwan doorashooyinki hore ee madaxtinimada.

Doorashadaasi oo ay u tartamayeen musharrixiin ka badan 30, wareeggi seddexaad ee ugu dambeeyey waxaa isugu soo haray Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Xasan Shekh Maxamuud .

Guushina waxay cod aqlabiyad ah ay ku raacday Xasan Shekh Maxamud oo noqday madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.

Magaalooyinka waaweyn ee sida weyn doorashada loogala socday waxaa ka mid ah Muqdisho, Jigjiga, Dhadhaab, Pretoria, iyo Minnesota.

Haddaba Soomaalida deegaannada kala duwan ku kala nool sida ayey u arkaan natiijada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ka soo baxday? Aan ku horreyno magaalada Muqdisho:

Muqdihso

Codbixinta doorashada markii ay dhammaatay oo natiijada ugu dambeysay lagu dhawaaqay waxaa waddooyinka magaalada Muqdisho isugu soo baxay shacab tira badan oo dareenkooda ku aaddan doorashada siyaabo kala duwan u cabbirayey.

"Hambayo kaddib, waxa koobaad uu madaxweynaha cusub inuu wax ka qabto aan u baahannahay iney noqoto lacagta Shillin Soomaaliga oo inteeda badan baaliyoowday aanna la kala saari karin lacagta saxda ah iyo tan been abuurka ah, tan labaadna waa dhanka caafimaadka aniga aragtideyda intaa ayaan ku soo gaabinayaa," ayuu yiri Cabdi Diiriya Guuleed oo Muqdisho Jooga.

Arrimaha ay qaar ka mid ah shacabka Muqdisho Fikirkooda ku cabbireen natiijada doorashada madaxweynaha kaddib waxaa ka mid ah arrinta aan xalka loo helin ee Somaliya iyo Somaliland.

"Mudane madaxweyne aniga ahaan talo ayaan kuu soo jeedinayaa taladaasi oo ah shaqada aad qabanayeso ee baaxadda leh iney ka mid ahaato dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo inaad dib u soo nooleysid wadahadalladi Soomaaliya iyo Somaliland. Marka mudana madaxweyne waxaan kaa codsaneynaa arrintaasi inaad ahmiyadda koobaad siisid, ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Qorane oo Muqdisho jooga.

Qaar ka mid ah dadkii fikirkooda dhiibtay waxyaabaha ay madaxweynaha ka dalbadeen waxaa ka mid ah in dhagxaanta tirada badan ee jidadka kala xiray oo isu socodka magaalada kala xiray, dhanka waxbarashada inuu wax ka qabto, fursada shaqo inuu ardayda jaamacadaha ka soo qalin jabiyey uu abuuro, doorasha qof iyo cod inuu dalka gaarsiiyo, dastuurkana uu dhammeystiro, iwm.

Jigjiga

Magaalada Jigjiga ee Deegaanka Soomaalida si ka duwan doorashooyinkii hore ee Soomaaliya ayaa looga dareemayey xamaasad xoog leh oo ay dadku u hayeen doorashada iyo waxa ka soo baxay.

Qaar ka kid ah shacabka magaalada Jigjiga oo natiijada Doorashada Fikirkooda ka dhiibtay waxay sheegeen iney madaxweynaha cusub ka rajeynayaan inuu soo dhiso dowlad loo dhan yahay oo Soomaali oo dhan ay iska dhex aragto.

"Magaalada Muqdisho si ka weyn baa looga daawanayey magaalada Jigjiga waxaanna taageersanaa mudane Xasan Sheekh Maxamuud Masha Allah labadii wareeg ee u dambeeyeyna wuu ku guuleystay waxaana leeyahay ummadda Soomaaliyeed Hiilkaan idiin soo baxay insha allah tareenkaa idiin soo baxay inaan wada raacnaan rajeynayaa," ayey tiri Nasteexa Maxamed Maxamuud oo Jigjiga Ku sugan.

"Xalaytoole doorashadi aad baan ula soconnay Jigjiga waxaa laga dareemayaa farxad iyo reynreyn ka duwan doorashooyinka hore ee Soomaaliya waxaanna aad u taageersanaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynihi hore ee Soomaaliya, haddana markaynu aragnay natiijada soo baxday iyo madaxweynaha Cusub waxaannu ku qanacnay natiijada soo baxday hal duco iyo hal talo ayaan u dirayaa madaxweynaha Cusub."

"Mudane ka dhabeeyso hadalkaagi ama halku dhiggaagi ahaa 'iscafis iyo Soomali wada heshiis ah caalamkana heshiis la ah' aadna soo dhisto xukumad loo dhan yahay oo ay cid kasta iska dhex arki karto waxaanna ilaahey kaaga baryayaa inuu ilaahey xilkaasi kuugu asturo," ayuu yiri Axmed Muuse Muxumed (Axmed Abqo) oo Jigjiga ku nool.

"Waxaan taageersanaa oo aan guushiisa sugeynay madaxweyn ahaxilkiisu dhammaaday ee Farmaajo sababta aan ku taageerayna wuxuu ahaa madaxweyna daacad ah ayuu ahaa oo dalka wax badan u soo qabtay sumcadda Soomaalidana so celiyey sababtaas ayaan ku taageerayey inaan guushiisa xalay aragno waa jecleen balse sorry ayaan leennahay, madaxweynaha la doortayana xilka allaha u fududeeyo ilaaheyna ha ka dhigo mid soomalai oo dhan iisu keena dhibaatada faraha badan ee hayssatana ka saaro," ayey tiri Jowhara Cabdirisaaq oo Jigjiga ku nool.

Nairobi

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxay ka mid tahay goobaha ay Soomaalida ku nooshahay oo natiijada doorashada sugayey.

Natiijada markii lagu dhawaaqay kaddibna waxaa waddooyinka waaweyn ee xaafadda Islii isugu soo baxay dad tira badan oo dabbaal dagayey. Walow ay jireen dad iyaguna natiijada ka careysan oo ku dhawaaqayey Xasan Shekh ma dooneyno.

Shacabka Kenya ee aan Soomaalida ahayn laftooda oo doorashada si aad ah ula socday waxay daneynayeen inuu dalka Somaaliya isbeddel ka dhaco maadaamaa khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Kenya u taagnaa tani iyo marki xilka madaxweynanimada Soomaaliya uu qabtay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxyaabaha ay sida aadka uga rajeynayaan madaxweynaha cusubna ay ka mid tahay qaadka kenya xayiraadda dowladdi hore ay saartay inuu ka qaado.

Dhadhaab

Soomalida ku nool xeroyinka qoxootiga ee dhadhaab ee dalka Kenya waxay ka mid yihiin dadka doorashada sida weyn ula socday oo natiijada ka soo baxdayna fikirkooda ka dhiibtay.

Waxayna dadka xerooyinka qoxootiga ku nool ay fikirkooda ku cabbireen waxa ay ka doonayaan madaxweynaha cusub ee la doortay:

"Madaxweynaha cusub waxaan ka filayaa inuu waddanka mideeyo dadka mucaaradka iyo dadka kale inuu isku keeno oo dalka nabad uu ka dhigo dadka qoxootiga joogana ay laabtaan. 30 sano ayaan qaxooti joognaa waxaan ka sii jecelnahay waddankeenna oo nabad ah inaan aragno oo aan u laabanno," Axmed Max'uud Axmed oo xerada qaxootiga dhagaxley ku sugan.

"Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya waxaan ka rajeynayaa inuu madaxweyne wanaagsan noqdo xeryaha qoxootiga aan ka soo baxno waddankeenna aan dhisinno dadka iisu keeno oo uu heshiiyo, dowladaha dersiakana la heshiiyo inuu noqdo, ayey tiri Cabdiiya Adan oo xeryaha qaxootiga Dhagaxleey ku nool.

"Muddo 32 sana ku dhow ayaan ku nool nahay xeryaha qoxootiga xagardheera mid wax nooqabtayna kuma jiro mid xeryaha qoxootiga hoos u soo fiiri kuma jiro dee nin walba isaga ayaa iisu daneyne annagu waxba nooma qabto waxna kuma qabno waxna ka fili meyno sida kuwi hore aanan waxba uga filan ayaan kuwanna waxba uga filaneyn...madaxduna intey wax no qaban lahaayeen iyagaa isku mashquulsan oo xil isku eryada," ayey tiri Boosteeya saalax Suudi oo ku nool xeryaha qaxootiga ee hagardheere.

Minnesota

Gobolka Minnesota wuxuu ka mid yahay deegaannada ka baxsan kuwa Soomaalida doorashada madaxweynanimada Soomaaliyana si weyn u daneynayey.

Intooda badanna waxay ahaayeen kuwo soo dhaweeyey madaxweynaha cusub Xasan Shekh Maxamuud iyaga madaxweynaha cusub iyo dalka Soomaaliyaba u rajeeyey horumar iyo nabadgalyo waarta.

Haddaba qaar ka mid ah dadki isugu soo baxay waddooyinka Minneapolis oo ayey BBC makarafoonka la dhex qaadday.

"Masha Allah aad baan u faraxsanahay jawigana wuxuu ahaa mid aan guul ka gaarnay haddeynu nahay umadda Soomaaliyeed waxaa shaqeeyey dareenka iyo dadnimada umadda Soomaaliyeed iyo horumarka la raba," ayuu yiri C/raxmaan Oorfane.

"Soomaaliya maadaamaa ay doorasha ka dhaceysay ayaan xalay iyo caawa halkan u fadhinnay Xasan Shekh ayaa qaatay taasaan u dabbal dageynaa madaxweyne kheyr qaba Allaha uga dhiga dalka iyo umadda Soomaaliyeedba meel walba o ay Soomaali joogtana Allaha mideeyo," Xamdi Axmed Cali oo Minneapolis joogta.

Waxayna Madaxweynaha cusub u rajeyneynaa inuu ilaahey xilka u fududeeyo waxaanna rajeynayaa inuu dalka horumarkiisa, amnigiisa, dib u heshiisiinta iyo iisu keenidda umadda Soomaaliyeed mid ka shaqeeyo inuu ilaahey ka dhigo.