Maxay ku timi cadhada Israel ee ku aaddan in Hitler yuhuudi ahaa?

Xigashada Sawirka, EPA
Israa'iil ayaa si cadho leh uga jawaabtay ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka uu sheegay in hoggaamiyihii Nazi-ga Adolf Hitler "uu lahaa dhiig Yuhuudeed".
Sergei Lavrov ayaa faalladan bixiyey si uu isugu dayo in uu qiil uga bixiyo sawirka Ruushka ee Ukraine ee "Naasi" inkasta oo uu madaxwaynuhu yahay Yuhuudi.
Wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil ayaa u yeedhatay safiirka Ruushka "si ay u caddeyso doorkeeda" waxayna ka dalbatay raaligelin.
Naasigii Jarmalka ayaa lix milyan oo Yuhuud ah ku dilay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Mr Lavrov ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay barnaamijka Zona Bianca ee TV-ga Talyaaniga Axadii, maalmo kaddib markii Israa'iil ay xustay maalinta xuska Holocaust, oo ka mid ah munaasabadaha ugu muhiimsan taariikhda Israa'iil.
Mar la weydiiyay sida uu Ruushku u sheegan karo in uu u dagaallamayo in uu "Nazify" Ukraine ka saaro, marka uu madaxweyne Volodymyr Zelensky laf ahaantiisa Yahuud yahay, Mr Lavrov waxa uu yiri: "Waan khaldami karaa, laakiin Hitler waxa kale oo uu lahaa dhiig Yahuud. Dadka Yuhuuda ah ee xikmadda leh waxay yidhaahdaan, Yuhuudda ugu cadcad Yuhuudda.
Hadalka wasiirku waxa uu la kulmay cadgo ka dhan ah siyaasadda Israa'iil oo saluugtay weedhaas.
Raysalwasaaraha Isarel, Naftali Bennet ayaa isna sheegay; "In beenaha noocan looga dan leeyahay in lagu caayo yuhuudda iyaga, danbigii ugu xumaa ee taariikhda iyada la rabo in ciddii geysatay masuulliyadda laga qaado"
"Maanta ma jiro dagaal u dhigmo kii xasuuqa yuhuudda iyo ama si uun ula halmaala"
Wasiirka Arrimaha Dibadda Yair Labid ayaa uga falceliyey si cadho leh weedhaha Lavrov isaga oo ku tilmaamay "wax aan la cafiyi karin".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Mr Lavrov ayaa sidoo kale waxa cambaareeyay madaxa xuska lagu magacaabo Yad Vashem ee xasuuqii Yuhuudda ee Israa'iil, Dani Dayan.
"Inta badan hadalkiisa waa wax aan macquul ahayn, dhalanteed ah, khatar ah oo mudan in la cambaareeyo," ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray. "Lavrov wuxuu wax ka qabtaa dib u noqoshada Holocaust: u rogida dhibbanayaasha dambiilayaal, iyada oo ku saleysan kor u qaadida sheegasho gebi ahaanba aan sal lahayn oo ah in Hitler uu ka soo jeedo Yuhuudda."
Weriyaha BBC-da ee Jerusalem Jon Donnison ayaa sheegay in xoogga falcelintu ay ka tarjumayso sida qoto dheer ee aflagaadada iyo ka fiirsiga la'aanta ah ee hadalada Mr Lavrov ay uga dhigan yihiin Yuhuudda, labadaba Israa'iil iyo adduunka oo dhan.
Bilihii la soo dhaafay, Israa'iil, oo ay ku nool yihiin dad badan oo Ruush ah, waxay isku dayday mararka qaarkood inay dhexdhexaadiyaan Ruushka iyo Ukraine.
Laakiin, dhanka kale dawladda Israa'iil waxa ay la kulantay dhaleecayn ah in aanay si adag ula safan madaxweyne Vladimir Putin. Hadalka Mr Lavrov ayaa tijaabin doona xidhiidhka Israa'iil ay la leedahay Ruushka, in kasta oo dad badan ay weerar ku yihiin, haddana waxay ka tarjumayaan sheeko ay wadaagaan taageerayaasha Kremlin-ka, ayuu ku daray wariyaheenna.










