Venus iyo Jupiter: Meerayaal waaweyn oo is taabanaya maalmaha soo aaddan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kor u eeg samada wakhtiga saxda ah usbuucan, waxaadna arki kartaa laba ka mid ah meerayaasha nidaamka qoraxda ee ugu iftiinka badan oo ku dhow inay is taabtaan.Venus iyo Jupiter waxay isu jiri doonaan malaayiin mayl, laakiin xagga dhulka waxay u muuqan doonaan inay ku dhow yihiin sidii inay isku dhacaan oo kale.
Isku xidhka meerahan wuxuu dhacaa sanad walba laakiin sanadkan waxay u muuqan doonaa kuwo aad uga dhow sidii caadiga ahayd.
Muuqaal la mid ah kan oo kale dib uma dhici doono ilaa laga gaadhayo 2039.
Kaliya indhahaaga caadiga ama muraayadaha indhaha ayaa ku filan in aad toos u aragto, umana baahnid qalab kale oo dheeraad ah.
Sabtida ka dib, labada meere ayaa si gooni gooni ah u tagi doona si ay u kala fogaanayaan maalmaha soo socda.
"Aad bay ugy xiiso badan tahay cirbixiyayaasha, runtiina waxay dadka u tahay fursad weyn inay soo baxaan oo ay eegaan," ayuu yidhi saynisyahanka hawada sare iyo madaxa stargazer ee caanka ah ee xiddigiska Prof Lucie Green.
Sidee meereyaashu isu gooyaan?
isgoyntoodu waa marka ay laba meerayaal u muuqdaan inay isku dhow yihiin ama xitaa taabteen kolka la eego cirka habeenkii xilli la joogo dhulka.
Maalmaha soo socda ilaa Sabtida, Venus iyo Jupiter ayaa si tartiib tartiib ah isugu soo dhawaanaya.

Xigashada Sawirka, Alan Crossland

Wareegga dhabta ah ee meereyaashu waxa ay isu jiraan ilaa 430 milyan oo mayl laakiin sida muuqata ee ay isku toosan yihiin ee laga arkay dhulka ayaa bixinaysa hab dhalanteed ah oo u ah sidii in ay taabanayaan.
Sideen u arki karaa?
Wakhtiga ugu badan ee la arki karo waxay noqonaysaa Sabtida abbaaraha 05:00 BST. Laakiin waxa ay wali sii muuqan doonaa Axadda iyo maalmaha soo socda iyada oo meerayaashu si tartiib tartiib ah u kala fogaanayaan.
Waaberiga ka hor ayaa ugu wanaagsan, in la eego bari ka hor intaanay qorraxdu soo bixin.
"Meerayaashu waxay ku kala duwanaan doonaan dhalaalkooda. Venus way ka iftiin badan tahay Jupiter, marka aad aragto waxa uu u ekaan doontaa mid dhalaalaya."Waxay ku talinaysaa isticmaalka abka si uu kaaga caawiyo inaad u dhex marto hawada sare.

Haddii aad leedahay telescope, waxaa laga yaabaa inaad awood u yeelatid inaad aragtid qaab dhismeedka jawiga Jupiter ama qaar ka mid ah dayaxyada ugu waaweyn.
Isku xirka waxaa laga arki karaa labada geesood ee dhulka waqtiyo kala duwan oo maalin iyo habeen ah.
Prof Green waxay sheegtay inay qorsheynayso inay kacdo oo hurdada uga soo kacdo si ay uga daawato UK.
"Laakiin haddii aan seego subaxnimada Sabtida, kama welweli doono," ayay sharraxday.
"Maalmaha soo socda labada meere waxay bilaabaan inay sii kala fogaadaan - Markaa weli waan awoodi doonaa inaan arko."











