Doorashada: Washamsigii lagu qaaday musharrixii Farmaajo iyo seddax arrin oo kale oo la yeeb leh

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay.

Madoobe ayaa wareeggii labaad doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod.

Guuldarrada Xasan Cabdinuur

Xasan Cabdinuur oo ah xildhibaan dhallinayaro ah ayaa waxaa gadaal ka riixayay kooxda ololaha ee madaxweyne Farmaajo. Wareegii koobaad waxa uu helay codadka ugu badan -98 cod iyadoo musharixii ku soo dhawaa oo ahaa Aadan Madoobe u helay 74 cod.

Balse wareegii labaad ee codbixinta ayaa waxaa la yaab noqotay inuu Xasan Cabdnuur uu xitaa dhumiyay ku dhawaad 10 ka mid ah codadkii uu helay wareegii koobaad baddelkii uu heli lahaa codad dheeraad ah iyadoo ay musharixiin dhowr ah isaga hareen wareega labaad.

Musharixiinta haray ayaa ku baaqay isbaddel, waxaana dad badan ay la yaab ku noqotay in Xasan Cabdinuur uu helay 89 cod iyadoo Aadan Madoobe uu helay 163 cod oo ah ku dhawaad laba jibbaar codadka Cabdinuur. Dadka qaar ayaa arrintaasi ku tilmaamay washamsi lagu qaaday musharrixii Farmaajo.

Mursal oo iska haray

Guddoomiyihii hore baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh ayaa si lama filaan ah isaga haray tartanka baarlamaanka. Mursal wuxuu aad ugu dhowaa madaxweyne Farmaajo. Waxyaabihii uu ku caan baxay waxaa ka mid ahaaa iskudaygii u ku donayay inuu muddo xileedka ugu kordhiyo xukuumadda madaxweyne Farmaajo sanadkii la so dhaafay, taasi oo socon weyday.

Doorashada habeenkii.

Waxaa lagu ballansanaa in codeyntu ay billaabato 9:00 subaxnimo, balse waxay billaabatay 09:00 fiidnimo kadib caqabado dhowr ah oo soo baxay. Doorashada ayaa waxaa la soo gabagabeeyay wixii ka dmabeeyay 02:00 habeennimo, iyadoo fadhigaasi lagu tilmaami kara mid ka mid ah fadhiyadii ugu dheeraa ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dib u dhaca doorashada ayaa waxaa la sheegay inay sabab u ahaayeen muran ku aadan sugidda amniga madasha doorashada oo ay isku khilaafeen madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisal wasaare Rooble.

Farmaajo ayaa ku adkeysanayay in ciidammada booliska ay sugaan ammaanka goobta halka Rooble-na uu ku baaqay in ciidamada ATMIS loo igmado amniga isagoo tuhunsanaa in xoogga booliska aysan dhexdhexaad ahayn. Arrinta kale ee dib u dhaca keentay ayaa ahayd waxa laga yeelaya xildhibaannada lagu soo kala doortay Garbahaarey iyo CeelWaaq oo markii dambe laga reebay codeynta.

Arrimahaasi ayaa sabab u ahaa dib udhaca, balse dadka qaar ayaa tilmaamay inaysan la yaab ahayn doorashada habeenkii yadoo marar badan la arkayay in dorashooyinka Soomaaliya sidii tii u dambeysay ee uu Farmaajo ku guuleystay shan sano ka hor ay gaartay habeen barkii.

Afur la'aan

Xildhibaannada oo qaarkood gudaha u galay teendhada Afisiyoone subixii ayaa loo sheegay in madashada doorashada loogu diyaarin doono afur haddii ay noqoto in codeynta ay gaarto ilaa iyo fiidkii.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in guddigiisu uu afur u diyaariyay xildhibaannada.

"Dib u dhac ayaa jira waxa aan rabna oo inaga go'an in doorashada ay maanta dhacdo. Xildhibaanada waxay afurka ku leeyihiin halkan. Si dib u dhac kale uusan noogu imaan waa in aan galabta illaa caawa aan ugu dambeyn kusoo gaba-gabeyno doorashada oo Golaha uu yeesho Guddoonkii," ayuu yiri.

Balse xildhibaannada ayaa sheegay in aan la siinin afur. Waxaa la arkayay qaar ka mid ah xildhibaannada oo u suuragashay inay afur helaan, balse inta badan ayaa ku guda jiray howshooda inkastoo aysan afurin.