Aadan Madoobe: Muxuu musharixii Farmaajo u guul dareystay, maxayse guusha Madoobe uga dhigan tahay Shariif?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Cabdiraxmaan Dhimbil
- Role, BBC Somali
Tan iyo markii uu soo baxay warka ku aaddan in Aadan Madoobe uu ku guulaystay guddoominta Golaha Shacabka ee Soomaaliya, waxaa isasoo tarayey wararka ku saabsan xidhiidhka gaar ahaaneed ee ka dhexeeya isaga iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sariif Sheek Axmed. Halka dhanka kale musharraxii hadhay ee Xasan Cabdinuur, dadka qaar saadaaliyeen in ay niyad jab ku tahay madaxweynaha xilka haya, Farmaajo.
Xasan Cabdinuur oo ahaa musharrixii helay codka ugu badan wareeggii koowaad, waxa ka codeeyey dhammaan intii kale wareeggii labaad, halka uu sida oo kale lumiyey qaar ka mid ah codadkiisii hore.
Siddeed musharrax ayaa ku tartamayey doorashadan ka hor intii aanu harin guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xilidhibaan Mursal. Dad ayaa aamminsan in doorashada guddoonku ay hordhac u tahay sida loo kala heli doono doorashada madaxtooyada.
Maxay ka dhigan tahay guusha Aadan Madoobe?
Aadan Maxamed Nuur, Madoobe, hore ayuu u soo noqday guddoomiye baarlamaan, sida oo kalena waxa uu ahaa siyaasi waayo arag iyo oday da' ah oo ku dhaw toddobaatameeyada, kaas oo ay badanka si fiican u wada yaqaannaan siyaasiinta Soomaaliya.
Aadan waxaa uu ku tirsanaa xisbiga Himilo Qaran, isaga oo Golaha Shacabka ka soo galay Koonfur Galbeed waan saaxiib dheer oo Sheekh Shariif ah. Soo noqoshadiisa hore ee guddoonka iyo khibraddiisa siyaasadeed marka laga tago, musharrixiinta kale ee mucaaradka ah ayaa iyaguna qayb ka ah guushiisa, kuwaas oo aan u arkayn in uu ku noqonayo caqabad siyaasadeed.
Isku xidhnaanshaha Sheekh Shariif iyo Aadan Madoobe, waxa rejo u yeelaysaa tartanka uu ku jiro Sheekh Shariif, se sida ay falanqeeyayaal siyaasadeed qabaan marnaba dammaanad uma aha in Shariif madaxweyne noqonayo oo taas waxa uu ula siman yahay musharrixinta kale. Codka uu ku soo baxayna waxa uu ahaa cod ku yimi tanaasulaad ka timi dhinacyo fara badan. Badanaana doorashada Soomaaliya guddoonka labada aqal ma jaangooyaan waxa ka dhici kara tan madaxtooyada, laakiin ififaalo ayay bixin kartaa.
Farmaajo se maxay uga dhigan tahay guuldarrada Xasan Cabdinuur?
66Da'da Aadan Madoobe
3sano ayuu hayay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka intii u dhexeysay 2007-2010
163codadka uu helay wareega labaad.
252Tirada xildhibaannada codeysay
Xasan Cabdinuur, oo isaguna ah musharraxiintii cuslaa ee loo saadaalinayey kursigan waxa uu golaha Shacabka ka soo galaa Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo arkayey in ay ahaayeen ciddii taageeraysay. Xasan wareeggii koowaad wacdaro ayaa uu sameeyey waxaana uu helay codkii ugu badnaa oo ahaa ku dhawaad boqol.
Xasan, waa xildhibaannada ku cusub aqalka halka dhammaan xubnihii la tartamayey da'ahaan ka weynaayeen, dhanka siyaasaddana ay uga soo horreeyeen.
Guuldarrada Xasan Cabdinuur ayaa loo arkaa in ay farriin dhiillo ah u tahay halgankii dib u doorashada ee Madaxweyne Farmaajo.
Xildhibaannadii tanaasulayey wareeggii labaad ayaa dhammaantood ka sinnaa in ay ku soo celiyeen weedha ah 'isbeddel ha la codeeyo', taas oo la arkayey in ay ka wadaan in musharrax Xasan Cabdinuur uusan isbeddel keenayn ee cidda isbeddelka waddaa uu ahaa Aadan Madoobe. Waxaana suuragal ah in sidaas oo kale ay ka dhacdo ta madaxtooyada.
Soomaaliya sida lagu yaqaan siyaasaddeeda labajeer oo xigta looma codayn madaxweyne xilka fadhiya, waana sababta ereyga 'isbeddel' aadka looga maqlayey baarlamaankan cusub.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaa laga fili karaa doorashada madaxtooyada?
Doorashadan ayaa so jiitamaysay muddo badan, waxaana ay soo martay heerar kala duwan iyada oo heshiisyo siyaasadeed oo dhawr jeer la isku murgay kaddib waxa ay u muuqataa in madaxweyne iyo xukuumadi sharci ahi Soomaaliya ka dhalan doonto muddooyinka soo aaddan. Muddo bil gudaheed ah ayaana la filaya in lagu qaban doono doorashada madaxtooyada.
Musharrixiiin tiro badan ayaa u ordaya xilkan, madaxweynayaal hore, madaxweyne maamul goboleed, siyaasiyiin iyo dad ku cusub siyaasadda ayaa la tartami doona Madaxweyne Farmaajo sida ay u badan tahay.
Doorashada guddoonka aqalka sare waxa ay caddaysay sida codku u filiqsan yahay ee musharrax kastaa uu cod u heli karo. Waxaa xusid mudan in hoggaanka labada golaba ay ka yimideen dhinaca mucaaradka.
Xildhibaannadan cusub oo u badan dhallinyaro iyo xildhibaanno ku cusub siyaasadda ayaa iyagana ay adag tahay in wax lagaga tashto, taas oo keeni karta in markasta codka kuu tirsani is dhimi karo sidii ku dhacday musharrax Xasan Cabdinuur oo wareeggii koowaad helay 98 wareegii labaadna 89, taas oo ka dhigan in uu lumiyey xubno gaadhay 9 xubnood.
Isla sida oo kale doorashadii Aqalka Sare ayay sidan oo kale dhacday musharrixiintii u taagnaa guddoomiye ku xigeenka koowaad mid ka mid codkiisa wareegii labaad waxa uu lumiyey laba cod.











