Maxaa loo hadal hayaa salaaddii uu xalay Muslimiinta la tukaday madaxweyne ku xigeenka Kenya?

Xigashada Sawirka, WILLIAM RUTO
Sawir muujinaya madaxwene ku xigeenka Kenya iyo xubno kale oo ka tirsan xisbigiisa UDA oo salaad la xirtay Muslimiin ay Soomaali ka mid tahay ayaa dood ka dhaliyay baraha bulshada. Waxaa sawirka kula jira hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo masuuliyiin kale oo ay ku jiraan uwa aan Muslimiin ahayn.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa xalay kulan afur ah gurigiisa ku yaalla xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ugu sameeyay Muslimiinta ku nool halkaas. Inkastoo ay wax caadi ah tahay oo sanad walba bisha Ramadaan la arko siyaasiyiinta Kenya oo kulan afur ah u sameynaya Muslimiinta dalka, haddana waxay dood ka dhalatay in dad aan Muslimiin ahayn ay salaadda la tukadaan Muslimiin.
Muuqaal uu soo dhigay barta Facebook ayaa waxaa laga dheehan karay Ruto iyo siyaasiyiin kale oo Kenyan ah oo safka hore ku jira salaaddana la tukanayan boqollaal Muslimiin ah oo ka soo qeyb galay kulanka afurka.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan
Sidee looga falceliyay?

Xigashada Sawirka, WILLIAM RUTO
Dadka faallada uga dhiibtay baraha bulshada ayaa ku dooday in diinta Islaamku aysan banneyn in qof aan Muslim ahayn uu salaad tukado. Sheekha salaadda tujinayay oo lagu magacaabo Jamaaludiin Cusmaan ayay dadka qaar weydiinayeen su'aashaas.
"Sheekheyga. Sheekh Jamaaludiin Cusmaan. Waxaan doonayay inaan ku weydiiyo in sidan la oggol yahay haddana waxaanba arkay inaad tahay qofka salaadda tujinaya. Anigoo xushmad kuu haya. Waan ogahay in la oggol yahay in dadka aan Muslimiinta ahayn ay galaan masaajidda, ay dhegeystaan khudbadaha ayna la sheekeystaan Muslimiinta siyaabo kala duwan. I fahansii in sidoo kale la oggol yahay inay ku biiraan safafka oo ay Muslimiinta la tukadaan. Adigoo niyadda ku haya shuruucda salaadda,"ayuu yiri qof ka jawaabayay muuqaalkaas.
Qof kale ayaa yiri, "Salaaddaadu lama aqbalayo ilaa aad Islaamka soo gasho - diinta keliya ee dhabta ah ee Allah."
Dadka qaar ayaa ku baaqay in lagu ekaado siyaasadda, afurka iyo howlaha kale oo salaadda meesha laga bixiyo. Waxaa sidoo kale jiray dadka qaar oo madaxweyne ku xigeenka ugu hambalyeeya arrintaas.
"Kaddib marar badan oo lagaa faafiyay warar been abuur ah oo ku saabsan inaad Islaamka neceb tahay. Hambalyo mudane."
Maxay arrintaas culimadu uga jawaabtay?
Sheekh salaadda tujinayay, Sheekh Jamaaludiin iyaa isagana qoraal uu so dhigay bartiisa Twitter-ka uga jawaabay su'aalaha ay arrintaas dadka ka soo weydiiyeen.

Xigashada Sawirka, SHEEKH JAMAALUDIIN
Qoraalka ayaa Sheekha wuxuu ku yiri, "Mala oggol yahay in qof aan Muslim ahayn uu la tukado Muslimiinta? Lama oggola in qof aan Muslim ahayn uu la tukado amaba uu iskiis u tukado. Waxa laga doonayo inuu sameeyo waa inuu qaato diinta Islaamka kahor inta uusan tukan, kaddib uu is daahiriyo, kaddibna uu oofiyo shuruudaha salaadda."
Sidoo kale Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ahaa culimadii xalay ka qeyb gashay kulanka afurka ah oo BBC-da la hadlay ayaa Sheekh Jamaaludiin ku raacay inaysan bannaaneyn in qof aan Muslim ahayn uu salaad tukado.
"Qofka inta uusan tukan waxaa ka horreysa inuu soo Islaamo. Marka Towxiidka loo qabto ee ashahaadada uu qiro kaddib, waliba uu haddana is daahiriyo oo uu weyseysto, markaas un bey salaadda ansax ka noqoneysaa, inta ka horreysa waxba lagama aqbalayo qof un iska jimicsanaya ayay la mid noqoneysaa," ayuu yiri Sheekh Shakuul.
Hase yeeshee, Sheekha Shakuul ayaa sheegay in ujeeddada laga lahaa salaaddii xalay ay ahayd in lagu soo jiito Muslimiinta oo taageero looga raadsado, ee aysan ahayn mid dadka aan Muslimiinta ahayn ee ka qeyb galay ay uga dan lahaayeen salaad rasmi ah.
Sheekh Shakuul ayaa dhanka kale sheegay in qofka Muslimka ah aysan wax dhibaato ah ka soo gaareyn inay salaad isla tukadaan qof aan Muslim ahayn. "Waxba dhibaato malaha, sababtoo ah qofka inuu diinta ka soo ag dhowaado, oo Qur'aanka dhegeysto oo Nabiga NNKH ayaaba loo sheegay oo lagu yiri dadkii uu Ilaah Qur'aanka ku sheegay in haddii ay kuu yimaadaan oo ay Qur'aanka dhegeystaan ha dhegeystaan. Marka ku dhex jirka Muslimiinta ama dhegeysiga Qur'aanka ama haddii uu iska tukado, waxaa laga yaabaa inuu Ilaah qalbigiisa geliyo Islaamnimo iyo iimaan. Sidoo kalena waa in la soo dhoweeyo kuwa yiraahda waan soomeynaa," ayuu yiri Sheekh Shakuul.

Xigashada Sawirka, WILLIAM RUTO
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa u taagan jagada madaxtinnimada dalka, iyadoo lagu wado in doorashada guud ee Kenya la qabto bisha August ee sanadkan.
Xisbiga uu wakiilka ka yahay ee United Democratic Alliance (UDA) ayaa arrimaha uu ololaha ku galo waxaa kamid ah wax u qabashada bulshada xoolo-dhaqatada ah.
Soomaalida Kenya ee intooda badan dega gobolka Waqooyi-bari ayaa iyaguna u badan dad xoolo-dhaqato ah, wuuxuna gobolku ka mid yahay meelaha ugu ba'an Kenya ee ay abaartu saameysay.










