Jahwareerka ka dhashay tahriibayaasha UK ay dib ugu soo celineyso Rwanda

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha UK ayaa ka digay in aan la helin caddeymo ku filan oo ku saabsan saameynta taban ee ka dhalan karta qorshaha dowladda UK ay dadka magangelyo doonka ah ku geyneyso dalka Rwanda.

Xoghayaha joogtada ee waasaradda arrimaha UK, Matthew Rycroft wuxuu sheegay in siyaasadda ku saabsan qiimaha lacagta ku baxeyso qorshahan ay ku tiirsan tahay sidii loo yareyn lahaa kuwa sida sharci darrada ah uga soo gudbayo kanaallada Ingiriiska.

Waxa uu sheegay in kasta oo aanay jirin "caddayn ku filan" oo ku saabsan faa'iidooyinka mashruucan isla markaana aysan ka dhigneyn in aanu shaqaynayn.

Xoghayaha arrimaha gudaha ayaa ku jawaabtay "in aanay macquul aheyn in la ogaado in dib loo dhigo mashruuca iyadoo aan wax isku dabarid ah la sameyn"

Hadalkan sarkaalka ayaa imaanaya xilli xoghayaha arrimaha gudaha ay sheegtay inay soo saartay dadaallo wasaaradeed oo lagu riixayo qorshaha taas oo ka dhigan inay dusha saaraneyso mas'uuliyadda.

Sida ku cad qorshaha ku kacayo £120 malyan oo lacagta giniga ah - kaas oo lagu dhawaaqay Khamiistii - dadka loo arko inay si sharci darro ah ku soo galeen UK waxaa loo qaadi doonaa waddanka Rwanda.

'Noloshooda ayay halis gelinayaan'

Qorshahan ayaa dhaleeceyn xooggan la kulmay, waxaana dadka dhaleeceeyay qorshahan ka mid ah mucaaradka, in ka badan 160 hay'adood iyo kooxaha u ololeeyo xuquuqul insaanka ayaa warqad u qoray Ra'iisul Wasaaraha UK iyo xoghayaha arrimaha gudaha oo ay ugu baaqeen inay ka laabtaan waxa ay ku tilmaameen siyaasadda 'mid ceeb ah oo naxariis daran'

Xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka Andrew Griffiths, oo ah agaasimaha waaxda maamulka siyaasadda ee Downing Street, ayaa sheegay in qorshuhu aanu u baahnayn sharci cusub oo lagu fulin karo "heshiisyada jira".

Steve Valdez Symonds oo ka tirsan Amnesty International UK ayaa ku tilmaamay in dadka loo diro dalka ku yaal bariga Afrika inay tahay "mas'uuliyad-darrada sare".

Wadaadka ugu sareeya Canterbury Anglican, Justin Welby, ayaa si kulul u naqdiyay qorshaha ay dowladda Britain ku dooneyso inay magangalyo doon badan dib ugu dirto Rwanda.

Khudbadiisii Easter-ka, ayuu baaddiriga kaniisadda Centubery ku sheegay in qorshuhu uu dhaliyay su'aalo anshaxeed oo culus.

Wuxuu sheegay in qorshahaas uusan u waafaqsanayn xukunka Alle. Sida ku cad qorshihii lagu dhawaaqay Khamiistii, magan-gelyo-doonka si sharci-darro ah ku soo gala UK, waxaa loo diri doonaa Rwanda.

Haddii codsiyadoodu guulaystaan waxaa la dejin doonaa halkaas halkii ay UK degi lahaayeen.

Qorshahan ayaa waxaa cambaareeyay kooxaha ololaha iyo xisbiyada mucaaradka. Balse dowladda Britain ayaa ku adkeysaneysa in loo baahan yahay isbedel si looga hortago dadka wax tahriibiya ee naftooda iyo kuwo kaleba halis geliya.

Raii'sal wasaare Boris Johnson ayaa dhawaan sheegay in qorshuhu uu "badbaadin doono dad aan tiro lahayn" isla markaana uu wax u dhimi doono habka ay u shaqeeyaan dadka wax tahriibiya, balse dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa qorshahan ku tilmaamay mid ka baxsan bini'aadantinimada.

Weriyaha BBC-da Simon Jones ayaa sheegay in laba kale oo muhaajiriin ah la arkay subaxnimadii Jimcaha inkastoo ceeryaamo badan ay jirtay.

Xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka Andrew Griffiths, oo ah agaasimaha waaxda maamulka siyaasadda ee Downing Street, ayaa sheegay in qorshuhu aanu u baahnayn sharci cusub oo lagu fulin karo "heshiisyada jira".

Wuxuu BBC Newsnight u sheegay in qorshahan la bilaabi karo "toddobaadyo ama dhawr bilood gudahood".

Waxa uu intaa ku daray in haddii qulqulka socdaalka sharci darrada ah la joojin karo, ayna abuuri doonto "awood badan oo deeqsinimo, ammaan ah iyo waddooyin sharci ah" ee UK.

Ciidanka Badda ee Boqortooyada ayaa la wareegay taliska hawlgelinta Kanaalka Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ee Ingiriiska, iyaga oo isku dayaya in ay ogaadaan doon kasta oo ku socota UK.

Sannadkii hore, 28,526 qof ayaa ka tallaabay kanaalka Ingiriiska oo galay Britain, marka la barbar dhigo 8,404 oo qof sanadkii 2020.

Tony Smith, oo hore u ahaa agaasimaha guud ee ilaalada xuduudaha ee Ingiriiska, ayaa sheegay in ay qaadan karto toddobaadyo ka hor inta aan la caddayn in qorshahan cusub ee "adag" uu suurtogal yahay iyo in kale.

Wuxuu BBC-da u sheegay in ay u badan tahay in dowladdu ay la kulmi doonto caqabad dhanka sharciga ah marka dadka la saaro diyaaradda u socota Rwanda.

Boris Johnson ayaa khudbad uu jeediyay Khamiistii ku sheegay in heshiiska Rwanda uu bixin doono "dariiqo ammaan ah oo sharci ah oo lagu helo magangelyo".

Wuxuu intaa ku daray: "Muhaajiriinta dhaqaalaha ee ka faa'iidaysta nidaamka magangalyada ma awoodi doonaan inay sii joogaan UK, halka kuwa dhabta ah u baahan la siin doono ilaalin ku filan."

Wuxuu sheegay in qorshahan ay ku jiraan cid kasta oo si sharci darro ah ku soo gashay dalka Ingiriiska tan iyo bilowgii sanadkan.

In ka badan 160 hay'adood oo samafal iyo ololeeyayaal ayaa ugu baaqay dowladda inay meesha ka saarto qorshahan, iyagoo warqad furan ku tilmaamay mid "wax laga xishoodo ah oo naxariis darro ah".

Madaxa fulinta ee golaha qaxootiga Enver Solomon ayaa sheegay in ay wax yar ka tari doonto sidii dadka quusta ah looga joojin lahaa oo ay "kaliya u horseedi doonto dhibaato badan oo biniaadmi ah."

Hogaamiyaha xisbiga Labour-ka Sir Keir Starmer ayaa tilmaamay in Johnson uu isku dayayay in uu dalka ka weeciyo fadeexadii ka soo baxday ka qeyb galka isu soo bax loogu dabaal dagayay dhalashadiisa xili dowladiisa ay soo rogtay xiritaan guud oo dalka ah, iyada oo wadata qorshe "wax aan macquul aheyn, anshax xumo iyo aflagaado" .

Xisbiga Liberal Democrats ayaa sheegay in dowladdu ay "albaabka ka soo xireyso" qaxootiga, halka Ian Blackford oo ka tirsan xisbiga qaranka Scotland uu qorshahan ku tilmaamay mid laga naxo.

Balse wasiirka cadaalada iyo socdaalka Tom Berglove ayaa beeniyay in qarashku uu gaari doono tiradaas, isagoo BBC-da u sheegay inay ku xirnaan doonto dhowr arrimood.

Waxa uu sheegay in UK ay ku bixinayso ku dhawaad 5 milyan ginni maalintii huteelada ay degan yihiin dadka qaxootiga ah, halka qorshaha cusub uu marka hore ku kacayo 120 milyan ginni, iyadoo lacag badan ay soo gali doonto hadhow.

Qaabka uu u shaqeyn doono qorshaha dadka magangelyo doonka ah loogu soo celinayo Rwanda

Khamistii dowladaha UK iyo Rwanda ayaa soo bandhigay heshiis cusub oo dadka sida tahriibka ah ku galay UK loogu soo celinayo Rwanda.

Ilaa hadda maxaan ka ognahay:

  • Nidaamkan wuxuu inta badan diiradda saari doonaa ragga aan guursan ee si sharci-darro ah ku imaanaya UK iyagoo raacaya doomo yar yar ama baabuur xamuul ah.
  • Dadka sidan oo kale ku tegay UK laga bilaabo 1 January waxaa la geyn doonaan Rwanda halkaas oo dacwadooda ku saabsan codsiga magangelyo doonka ay kasii ambaqaadi doonaan.
  • Iyadoo la tixgelinayo dacwaddooda, waxaa la siin doonaa hoy iyo taageero waxayna xor u noqon doonaan inay ka soo baxaan hoygooda mar kasta.
  • Kuwa la aqbalo codsigooda magangalyada waxaa laga caawin doonaa in ​​"nolol cusub" ay ka heli doonaan Rwanda, iyada oo ilaa shan sano ay heli karaan waxbarasho iyo taageero, sida ay sheegtay dawladda UK.
  • Kuwa la diido codsigooda waxaa la siin doonaa fursad ay ku codsan karaan inay ku sii sugnaadaan Rwanda ama loo kaxeeyo waddankii ay ka yimaadeen ama waddan kale oo ay xaq u leeyihiin inay degaan.
  • Dowladda Britain ayaa sheegtay in qeybtii ugu horreysay ee magan-galyo-doon laga yaabo in toddobaadyo gudahood laga duuliyo UK oo la geeyo Rwanda.