You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay halista caafimaad ee ka dhalan karta isticmaalka milixda?
Milixda waa isha ugu weyn ee maadada Sodium-ka ee ku jirta cuntadeena. Jirkeenu wuxuu u baahan yahay Sodium lasoo marsiyay habab badan. maaddada Sodium-ka waxay horseedaa in si sax ah ay u shaqeeyaan unugyada jirka, dareeraha iyo electrolytes-ka ku jira jirka ayuu ka dhigaa kuwo dheellitiran, cadaadiska dhiiggana wuu xakameynayaa, dhammaan shaqadan waxaa suurtageliyay Sodium.
Haddaba, Sodium-ka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah jirkeena laakiin waa maxay shaqada milixda?
Cusbada caadiga ah waxay buuxisaa boqolkiiba 90 Sodium-ka jirkeenu uu u baahan yahay. waxaa sidoo kale loo yaqaanaa sodium chloride.
Hay'adda Caafimaadka adduunka waxay dadka kula talineysaa in maalintii ay qaataan wax ka yar shan garaam oo oo milix ah.
Laakiin marka loo eego xogta dawladda ee Hindiya, dadka waxay cunaan ilaa 11 garaam oo milix ah maalin kasta, taas oo ka badan tan ay ku talisay WHO.
Dhibaatada ka imaan karto isticmaalka badan ee milixda
Isticmaalka milixda badan, waxay horseedaa in qofka uu kordho cadaadiska dhiiggiisa, sidoo kale isticmaalka badan ee milixda waxaa ka dhashaa cudurro halis ah.
Milixda badan ayaa saameyn daran ku yeelan kartaa dad qabo wadne xanuunka iyo kansarka caloosha iyadoo horseedi karto in dhiigga uu ku furmo maskaxda ama in dhiigga uu xinjir noqdo.
Laakiin waxaan sidoo kale ognahay in dhimista isticmaalka milixda ee cuntada ay hagaajin karto heerka cadaadiska dhiigga oo ay hoos u dhigto halista cudurradan.
Nooca milixda ay ku yar tahay maaddada Sodium-ka
Waxaa jira noocyo badan oo milix ah oo laga heli karo suuqa, kuwaas oo loo isticmaalo hagaajinta dhadhanka cuntada.
Dhammaan noocyadan milixda ah, milixda ugu caafimaadka badan ayaa ah midda ay ku jirto xaddiga ugu yar ee sodium-ka.
Waxaa jira noocyo badan oo milix ah oo ka jira meelo kala duwan oo adduunka ah iyadoo ku xiran tahay hababka kala duwan ee loo diyaariyay milixda, maaddooyinka ku jira, midabka iyo dhadhankaba.
Milixda la sifeeyey ama milixda caadiga ah waa midda loogu isticmaal badan yahay. Waxay ka kooban tahay 97 ilaa 99 boqolkiiba maaddada sodium chloride.
Milixdan waa mid la sifeeyey oo aan ku jirin wax wasakh ah.
Tusaale ahaan, mlixda badda waxaa lagu diyaariyaa uumiga biyha milixda ah ee badda, waxaana ku jiraa macdan badan.
Marka laga reebo tan, waxa kale oo ku jira waxyaabo badan oo maaddada Iodine ah, taas oo u fiican jirkeena. Cusbada badda waxay ka kooban tahay wax ka yar 10% sodium-ka, milixda caadiga ah.
Sidoo kale, cusbada casaanka ah ee laga soo saaro Himalayas ayaa sidoo kale ku yar Sodium-ka waxayna ka kooban tahay milix-macdan ah sida Magnesium iyo Potassium.
Cusbada Celtic ayaa sidoo kale ku yar Sodium-ka iyo macdan kale iyo milixdu aad bay u badan yihiin. Cusbadani waa mid dabiici ah oo wax kalena laguma darin.
Milixda ay Sodium-ka ku yar tahay
Waxa kale oo jira milix suuqa lagu iibiyo oo ay ku yar tahay Sodium-ka, milixda noocaan ah waa mid dareera ah, waxaana inta badan qaataa dadka sida aadka u jecel isticmaalka milixda, si kastba ha ahaate, milixdan waa in qofka uu la talin ka heystaa dhakhtarka.
Wuxuu qofka qaataa milixdan marka uu qabo cudurro halis ah sababta oo ah waxay kordhin kartaa maaddada Potassium-ka ee jirkaaga.
Kawaran haddii aan iska dhaafo isticmaalka milixda?
Cunista milix badan caafimaadka uma fiicno. Xaaladdan oo kale, waxaa muhiimsan inaad naftaada u doorato nooca milixda isla markaana aad isticmaasho xaddi go'an.
Waxa jira badeecooyin badan oo ay ku jiraan xaddi badan oo milix ah, haddii cuntooyinkan aad badsato waxay kuu horseedi karaan caafimaad darro haddii cuntada ku yareyso milixda.
Sida laga soo xigtay Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka, cuntooyinka gasacadeysan waxaa ku jirtaa in ka badan 70 boqolkiiba maddada sodium-ka, sida kalluunka, hilibka iyo digirta gasacadeysan.
Waa inaan sidoo kale iska ilaalinaa maaddada monosodium glutamate oo la isticmaalo si kor loogu qaado dhadhanka.