Koobka Adduunka sanadka 2022: Garoon gebi ahaantiisa laga sameeyay koonteenaro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Garoonkan ayaa lagu magacaabaa 974, waxaana lagu dhisay koonteenarada horey loo adeegsaday, kana dhigay garoonka kubadda cagta ee ugu quruxda badan caalamka, nambarka 974 ayaa sidoo kale ah tirsiga dalka uu isticmaalo wicitaanada caalamiga ah.
Garoonkan oo sidoo kale loo yaqaano Raas Abou Abood ayaa laga yaabaa inuusan u muuqan mid la yaab leh sida garoomada kale ee lagu qabanayo Koobka Adduunka 2022, laakiin marka la eego dadaallada adduunka ee lagu yareynayo wasakhowga hawada, dhismaha noocan oo kale ah ayaa ah tallaabo muhiim u ah ilaalinta deegaanka.
Garoonkan oo qaada 40,000 oo qof ayaa ku yaala meel 3 km u jirta magaalada caasimadda ee Dooxa, dhismihiisa waxa uu soo bilowday November 2018, waxaana la dhameystiray November 2021.
Koonteenarada dhismaha garoonkan lagu dhisay ayaa waxaa lagu farsameeyay dalka Shiinaha, waxaana sidoo kale qaar kamid ah konteenarada lagu qaadi jiray agabka lagu dhisayo garoonka, iyadoo biraha la isticmaalay laga keenay dalalka Vietnam iyo Turkiga.
Marka laga soo tago in loo isticmaalo gidaarada garoonka, konteenarada ayaa sidoo kale noqon doona qolal kala duwan oo loogu adeego garoonka, sida qolalka beddelka ciyaartoyda, qolalka garsoorka, musqulaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee garoonka dhexdiisa, oo ay ku jiraan xafiisyada maamulka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Garoonkan ayaa noqon doona garoonka kaliya ee lagu qabto tartankan wasakhowga hawada, wuxuu garoonka ka dhigi doona mid deegaan ahaan u wanaagsan isla markaana boqolkiiba 40 hoos u dhigi doona isticmaalka tamarta iyo biyaha.
Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada tartanka Yaasir Al Jamaal Siciid ayaa sheegay in garoonku uu astaan u yahay hal-abuurnimada iyo joogtaynta fikirka noocan ah.
Ka dib markii la soo gaba gabeeyay tartanka bishii December ee sanadkan, garoonkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee Qatar laga furo laguna deeqo isagoo ka mid ah wadamada soo koraya ee caalamka, taasoo qeyb ka ah balan qaad ay sameeyeen qabanqaabiyaasha tartankan sanadkii 2010-kii oo ay isku dayeen inay martigeliyaan Koobka Adduunka.
Guud ahaan 8 garoonka waxaa ku baxay kharash dhan 10 bilyan oo doolar oo ay dowladda bixisay kharashkaas oo ke qeyb ka ah $200 bilyan oo loogu talagalay diyaargarowga ku aadan dhismaha kaabayaasha muhiimka ah sida wadooyinka, khadadka tareenka cusub. korontada, xarumaha tareenada iyo adeegyada kale ee bulshada si loo daboolo baahida inta uu socdo tartanka.
Marka laga reebo garoonka 974 waxaa garoomadaas qaarkood lagu sameyn doonaa dib u habeyn iyadoo la dhimi doono baaxadda garoonka, si loo daboolo baahiyaha shacabka xilliga ay socdaan tartamada.
Waddamada lagu qabanayo Koobka Adduunka ayaa marar badan ku kharash gareeyay malaayiin doolar si ay u diyaariyaan garoomo.
Qadar si la mid ah dalalka bariga dhexe, kubadda cagta si si weyn diiradda uma saaraan, marka uu dhamaado tartankan, dadka deegaanka ayaa qorsheynaya inay garoommada raraan si ay u daboolaan baahiyaha kale ee dalkooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waa markii ugu horeysay oo dalka Bariga Dhexe ku yaalla uu martigeliyo tartanka kubadda cagta ee ugu weyn caalamka.
Dalka ay ku nool yihiin ilaa saddex milyan oo qof ayaa rajaynaya inay soo gaaraan taageerayaal badan oo kubadda cagta ah kuwaas oo jasiiradaha dalkaas buux dhaafin doono bilaha November ilaa December markaas oo lagu qabanayo Koobka Adduunka.
In kasta oo lagu ammaanay shaqada adag ee ay soo bandhigtay Qatar, haddana waxaa sidoo kale Qatar lagu eedeeyaa in ay ku xad-gudbidayso xuquuqul insaanka intii lagu jiray dhismaha garoomadan, eedaymo isugu jiro in shaqaalaha ay ku shaqeynayeen xaalad xun oo liidata, takoorid iyo caddaalad-darro oo ay la kulmeen kumannaan shaqaale ah oo aan u dhalan dalkaas.
Inkastoo ay beeninayaan eedeymahaas balse arrintan waa mid saameyn doonto dalkaas.
Garoonkan ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu noqdo garoonka kubadda cagat ee ugu gaaban adduunka tan iyo markii la dhameystiray bishii November 2021.











