You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sucuudiga: Boqorka uu toogtay wiilka uu adeerka u ahaa ee dilkiisa daroogo lala xiriiriyay
Wakhtigan oo kale sannadkii 1975-kii, Boqorkii Sucuudiga Faysal Bin Cabdulcasiis ayaa waxa toogtay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Amiir Faysal bin Musaed, dhacdadaas oo aan ilaa hadda ah mid qarsoon. Haddaba maxaa dhacay?
Waa kuma Boqor Faysal bin Cabdulcasiis?
Faisal Aal Cabdiasis Aal Cabdul Raxman Al Sucuud, waxa uu ku dhashay magaalada Riyaad 1906dii, wuxuuna geeriyooday bishii Maarso 25, 1975-kii. Waxa uuna boqorkii saddexaad ee dalkaas, wuxuu talinayay intii u dhexeysay 1964 - 1975-kii.
Waxaa dhalay Boqor Cabdicasiis Aal Sucuud, oo ahaa aasaasihii dawladda Sucuudiga oo uu dhismaheeda bilaabay 1902 ilaa kama dambaystii uu ku dhawaaqay dhismaha boqortooyada Sucuudi Carabiya 1932.
Waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wali ee Xijaas 1926-kii, ka dib markii aabihiis uu ku daray gobolkaas. Sannadkii 1934-kii waxa uu hoggaaminayey olole ka dhan ah Yaman oo lagu guulaystay.
Waxa uu Sucuudiga u matalay Shirweynihii Qaramada Midoobay ee 1945-kii, ka dibna waxa uu noqday safiirkeeda Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Yaa ka dambeeyay dilka boqorka?
Waxaa ka dambeeyay Amiir Faysal bin Musaed oo uu adeer u ahaa Boqor Faysal, kaas oo dhashay sanadkii 1944-kii, wuxuuna dhintay 1975-kii markii lagu helay dambiga oo lagu fuliyay xukun dil ah oo qoorta looga gooyay.
Faysal Aabbihii, oo ay walaalo ahaayeen boqorka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Amiir Musaed al Cabdulcasiis.
Bishii Maarso 25, 1975, Amiir Faysal waxa uu aaday qasriga boqortooyada ee Riyaad, halkaas oo boqorku ku kulmayay golihiisa.
Amiirku waxa uu ku biiray wefti Kuwaiti ka socday, waxaanu saf u galay inuu la kulmo boqorka.
Boqorkii markii uu gartay wiilka uu adeerka u yahay ayuu u yimid si uu u salaamo, markaas ayuu amiirkii bastoolad ka soo saaray khamiiskii uu watay oo uu boqorka ka toogtay madaxa ka dibna wuxuu tuuray baastooladdii, halka boqor Faysal uu dhulka ku dhacay askartii ilaalinaysay oo argagaxsan ayaa xiray Amiirka.
Mid ka mid ah ilaalada boqorka ayaa seeftiisa ku dhuftay amiirkii toogtay boqorka. Wasiirka Shidaalka Sheekh Axmed Zaki Yamani ayaa la sheegay in uu amray Ilaalada in aysan dilin Amiirka.
Boqorka ayaa isla markiiba loola cararay isbitaalka, balse dhaqaatiirta ayaa ku guuldareystay inay badbaadiyaan. Booliska Sacuudiga ayaa xiray amiirka oo su'aalo ka weydiiyay dilka.
Warbixinadii ugu horreeyay ayaa Faysal bin Musaed ku tilmaamay mid maskaxiyan u xanuunsan waxaana la geeyay xabsi ku yaala Riyadh.
Dhacdada ka dib, waxaa gabi ahaanba la xiray Riyadh muddo 3 maalmood ah oo baroor diiq ah.
Faysal waxa uu wax ku bartay dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka galay Jaamacadaha Colorado iyo Jaamacadda California ee Berkeley. Ardadii uu wax la baran jiray Waxay ku sifeeyeen arday "aamusan badan".
Dilka ka dib, Bare-sare Edward Rosick oo ka tirsan Jaamacadda Colorado ayaa ku tilmaamay in uu ahaa "arday iska caadi ah" wuxuuna sidoo kale sheegay iyo in sababtii uu u dilay adeerkiis "ay ahayd in fal ay daroogada uu isticmaalayay sababtay."
Ka dib markii uu ka tagay Maraykanka, waxa uu aaday Beirut, halkaas oo la sheegay inuu si xun u isticmaali jiray daroogada, iyada oo aanan la shaacinin sababta ka dambaysay isticmaalkiisa daroogada, sidoo kale wuxuu tagay dalka Jarmalka.
Markii uu ku laabtay Sacuudiga, mas'uuliyiintu waxay kala wareegeen baasabooradii uu ku lahaa dalka dibaddiisa.
Ujeedkiisu muxuu ahaa?
Aragtiyo kala duwan ayaa ka dhashay sababta uu Amiir Faysal bin Musaed u dilay adeerkii oo ahaa boqorka xilligaas, iyadoo dadka qaar u arkayeen inuu adeerkii ku eedeeyay dilka walaalkii oo diin ahaan u janjeera oo ay dileen rag nabadsugid ah, halka qaar kalena ay u arkayeen inay sabab u tahay dilka marxuumka.
Warbaahinta Carabta ayaa sidoo kale xiligaasi tilmaameysay in amiirku uu ahaa aalad gacanta ugu jirta sirdoon shisheeye, halka qaar kalena ay ka hadlayeen deganaanshiyo la'aan iyo niyad jab uu ka qaaday baasaboorka lagala baxay. Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga soo horjeedaan qiimaha mushaarka sanadlaha ah ee maamulku u qoondeeyo.
Wargeyska New York Times waxa uu warbixin uu soo saaray bishii June 19, 1975 ku sheegay in 16-kii toddobaad ee la xiray Amiir Faysal ka dib, ay hay'adaha ammaanka Sucuudigu baaris dheer ku sameeyeen sababta dilka, oo aanay wax caddayn ah u helin shirqoolka.
Wargeysku waxa uu sheegay in baaristaasi ay ka mid ahaayeen dadkii ay yaqaanay Amiir Faysal markii uu wax ka baranayey dalka Maraykanka oo ay ugu horreeyso Jaamacadda Colorado ka dibna Jaamacadda California ee Berkeley sannadihii 1969 ilaa 1973kii.
Sidoo kale intii uu amiirku xirnaa ayaa guddi khubaro ah oo dhinaca caafimaadka ah waxay go'aan ku gaareen in maskaxdiisu aad u fiican tahay, markii uu ka gudbay ilaalada, isla markaana uu dhawr xabbadood oo bistoolad ah ku dhuftay Boqor Faysal.
Waxaa la maxkamadeeyay oo lagu xukumay dil, saacado kadib markii xukunka la riday ayaa lagu toogtay meel fagaare ah oo ku taal Riyadh.
Boqorkii aasaasay Sucuudiga
Boqor Cabdicasiis Aal Sucuud, oo ah aabaha boqorka la toogtay ayaa aasaasay dawladda Sucuudiga oo uu dhismaheeda bilaabay 1902.
Sannadkii 1902 ayuu isaga oo ciidan 60 nin ah wata ka baxay Kuwait waxaanay raggaasi isugu jireen taageerayaashiisa iyo qaraabadiisa. Wuxuu weerar ku qaaday magaalada Riyaad oo uu ku guulaystay in uu qabsado oo dadkii deganaana kula mubaayacoodeen in uu Amiirkooda noqdo.
Bishii Sibtember 1904 ayuu dagaal ka dhacay Alshanaana kaga guulaystay ciidankii Aal Rashiid, waxaanu gacanta ku dhigay magaalada Qasiim ka dibna waxa uu maamulkiisa ku fidiyey gobolka Najd badidiisa.
Sannadkii 1912 waxa la aasaasay dhaqdhaqaaqa Ikhwaan-ka oo caqiiqadiisu tahay Wahaabi, kaas oo degdeg u fiday, waxaana taageero weyn siiyey Cabdicasiis qudhiisa.
Sannadkii 1913 ayaa Cabdicasiis oo wata ciidamadiisu u ruqaansaday dhanka Al-Ixsaa waxaanu ku guulaystay in uu Cismaaniyiintii ka qabsado.
Sannadkii 1921 ayaa ciidan uu wato Amiir Faysal Bin Cabdicasiis waxay qabsadeen gobolka Casiir.