Dagaalka Ukraine: Mareykanka oo shaaciyay go'aankiisa ku aaddan haddii Shiinaha uu garab siiyo Ruushka

National Security Adviser Jake Sullivan responds to questions from the news media during the daily press briefing at the White House in Washington, DC, USA, 11 February 2022.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Mr Sullivan ayaa ka digay in Mareykanku aysan aqbali doonin in Shiinaha uu badbaadiyo Ruushka

Shiinaha waxa uu wajihi doonaa cawaaqib haddii uu Ruushka ku caawiyo sidii uu uga badbaadi lahaa cunaqabateynta loogu soo rogay weerarka uu ku qaaday Ukraine awgiis, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka.

Saraakiil Mareykan ah oo aan magacooda la shaacinin ayaa warbaahin kala duwan u sheegay in Shiinaha uu muujiyay inuu diyaar u yahay sidii uu garab militeri u siin lahaa Ruushka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu fidinayo warar marin habaabin ah. Ruushka ayaa isagana dhankiisa beeniyay in uu kaalmo militeri ka codsaday Shiinaha.

Hadalladan la isdhaafsaday ayaa yimid ka hor inta aysan kulan yeelanin saraakiil ka kala socday Mareykanka iyo Shiinaha, oo isku arkay magaalada Rome.

Warbaahinta qaar, oo soo xiganayay saraakiil ka tirsan xukuumadda Washington, ayaa tabiyay in Ruushka uu maalmihii lasoo dhaafay gudahooda ka codsaday Shiinaha in uu usoo diro qalab militeri, oo ay ka mid yihiin diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee loo yaqaanno drones-ka.

Maalintii Isniinta Mareykanku waxa uu xulafadiisa u sheegay digniin ah in Shiinaha ay muujiyeen inay u furan yihiin tallaabo kasta oo ay garab militeri iyo mid dhaqaale ku bixinayaan, sida ay warbaahintu shaaciyeen.

Warkan ayaa yimid xilli uu La-taliyaha dhinaca amniga qaranka ee madaxweynaha Mareykanka, Jake Sullivan, kulan la yeelanayay diblomaasiga ugu sarreeya dowladda Shiinaha, Yang Jiechi, kaasoo ay wadahadal ku yeesheen magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

"Mr Sullivan waxa uu soo bandhigay arrimo dhowr ah oo ku sabasan xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha, waxa uuna si adag uga hadlay dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine," ayuu lagu yidhi qoraal kasoo baxay shirka.

"Waxa ay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in mar kasta ay waddada u furnaato wada hadallo furan oo dhex mara Mareykanka iyo Shiinaha."

Wareysi uu goor sii horreysay Mr Sullivan siiyay telefishinka CNN-ka ayuu ku sheegay in "Mareykanku uu xiriir toos ah oo qarsoon la sameynayay xukuumadda Beijing, isagoo u sheegayay in cawaaqib aad u xun oo cunaqabateyn baaxad weyn ah ka dhalan doono haddii ay Shiinaha isku dyaaan in ay Ruushka ku caawiyaan xaaladda".

"Ma oggolaan doonno in hal waddan xitaa, meel kasta oo uu dunida uga yaallo, uu sameeyo wax Ruushka ka badbaadinaya cunaqabateynnada dhaqaale," ayuu yidhi.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanku uu aaminsan yahay in Shiinaha uu ka war qabay in hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin "uu qorsheynayay wax" ka hor inta uusan dhicin dagaalka, balse Beijing "aysan si buuxda u fahmin heerka uu gaarsiisan yahay waxaas".

A service member of pro-Russian troops in uniform without insignia jumps off a tank with the letters "Z" painted on it outside a residential building which was damaged during Ukraine-Russia conflict in the separatist-controlled town of Volnovakha in the Donetsk region, Ukraine March 11, 2022.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Weerarka militeri ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine ayaa hadda ku jira isbuucii saddexaad

"Sababtoo ah waxaa aad macquul u ah in [Mr] Putin uu been u sheegay iyaga si la mid ah sida uu beenta ugu sheegay Yurub iyo kuwa kaleba", ayuu yidhi Mr Sullivan.

Shiinaha oo taas ka jawaabaya, af hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Beijing, Zhao Lijian, ayaa sheegay in Mareykanku "uu faafinayay warar marin habaabin ah oo uu ku bartilmaameedsanayo Shiinaha oo ku saabsan arrinta Ukraine, isagoo ujeeddo gurracan ka leh".

Mar la weydiiyay inuu kala caddeeyo in Shiinaha uu codsi caawinaad militeri ah ka helay Ruushka, ayuu Mr Zhao sheegay in waxaas uu ahaa "war been abuur ah" balse si toos ah uma uusan beeninin.

Waxa uu intaas ku daray in mowqifka Shiinaha uu mar walba cad yahay, ayna door ka ciyaarayaan sidii loo xoojin lahaa wadahadallada nabadeed.

Afhayeenka madaxweyne Putin, Dmitry Peskov ayaa sheegay in wararka ku saabsan inuu Ruushka codsi kaalmo militeri ah u dirsaday Shiinaha uusan run ahayn.

"Ruushku wuxuu heystaa awooddiisa madaxa bannaan oo ku filan inuu sii wado howlgalka. Sida aan horay u sheegnay, wuxuu ku socdaa sidii qorshuhu ahaa, waana lagu dhammeystiri doonaa waqtiga loogu talo galay," ayuu yidhi.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa isku fiican

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ruushka iyo Shiinaha ayaa isku fiican

Shiinaha ayaa ilaa hadda ka biyo diidsan inuu cambaareeyo weerarka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, waxaana uu sheegay in "Walaacyada saxda ah ee Moacow ay ka qabto amnigeeda" ay khasab tahay in si dhab ah loo aamino.

Markii uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u codeynayay in la cambaareeyo Weerarka Ruushka, horaantii bishan, Shiinaha waxa uu ka mid ahaa 35 waddan oo ka aamusay codeynta.

Balse Beijing ayaa isla waqtigaas "taageero aan la dafiri karin" u muujisay madaxbannaanida Ukraine. Waxa ay sidoo kale ku baaqday in nabad la qaato, dhankeedana ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato in xalka lagu raadiyo qaab diblomaasiyadeed.

Dalal badan ayaase Shiinaha ku boorriyay inuu dadaal intaas ka badan ku bixiyo sidii uu Ruushka u joojin lahaa dagaalka.

Falanqeyn - Robin Brant, wariyaha BBC ee Shanghai

Midowga Yurub iyo Mareykanka waxay garab taagan yihiin Ukraine, Shiinahana wuxuu caawinayaa Ruushka; haddii ay arrintu sidaas noqoto, markaas waxaa hubaal ah in dagaalka Ukraine ay ka dhalan doonaan cawaaqib ka xun inta uu hadda yahay.

Aqalka Cad waxa uu go'aansaday inuu bannanaka soo dhigo sheegashadiisa ku aaddan arrintan isla waqtigii uu La'taliyaha sare ee dhinaca amniga u qaabilsan Madaxweyne Biden la kulmayay diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha. Waxay u muuqataa in tallaabadaas ay ahayd mid looga gol leeyahay in Shiinaha cadaadis loogu saaro inuu warka soo baxay xaqiijiyo ama beeniyo.

Ujeeddada taas kasii weyn waxay noqon kartaa isku day lagu cabirayo heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka ka dhaxeeya Xi Jinping iyo Moscow, oo isbuucii lasoo dhaafay lagu tilmaamay "mid sida dhagaxa u adag".

Waxaa xusid mudan in hal isbuuc uun ka hor ay ahayd markii ay furmeen ciyaarihii Xagaaga ee Beijing, markaasoo madaxweyne Xi iyo Putin ay ku dhawaaqeen in isbahaysigooda uu yahay "mid aan xad lahayn". Waxaa iska cad in caawinaad militerina ay qayb ka noqon karto taas.

Balse maalmihii uu billowday dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, Shiinaha waxa uu ku cambaareeyay UK, Mareykanka iyo waddamo kalena inay hub siinayaan militeriga Ukraine, isagoo sheegay in ay "baasiin ku darayaan dabka holcaya".

Haddii malaha sirdoonka Mareykanka uu dhab yahay oo Beijing ay fulineyso codsiga uga yimid Ruushka, markaas taas xitaa waxay noqon doontaa "in dabka lagu daro baasiin".

line

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah

line