You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Colaadda Ukraine: Sawirro muujinaya dadka ka qaxaya duqeymaha Ruushka ee magaalada Irpin
Waa sawir muujinaya ciidamada milatariga ee dalka Ukraine oo caawinaya dadka rayidka ah ee ka qaxaya magaalada Irpin oo 20km woqooyi galbeed ka xigta caasimadda Kyiv.
Waddadan ayaa ah mid aad u dhibbadan waayo dadku waxay ku khasban yihiin in ay ku lugeeyaan waddooyin ay duqeymo ku socdaan iyo buundooyin burburay.
Magaalada Irpin ayaa toddobaadkii la soo dhaafay waxaa ku dagaallamayay ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.
Hoobiyeyaal iyo duqeymo dhanka cirka ah ayaa magaaladani baabi'iyay, waxaana mid ka mid ah duqeymahaasi uu gebi ahaanba dhulka la simay dabaq ay dad rayid ah deggan yihiin.
Maalmihii ugu dambeeyay dadka ka qaxaya magaalada Irpin oo u badan carruur iyo haween ayaa lagu daadgureynayay tareenno, waxaana la geynayay caasimadda Kyiv.
Horraantii usbuucan, waxaa soo baxay muuqaal laga duubay duqeymo lala beegsaday guri dabaq ah oo ay deggan yihiin dad rayid ah oo ku yaal magaalada Irpin.