Maxay shimbiruhu kasoo doonaan magaalooyinka?

Qaar kamid ah noocyada shimibiraha kala duwan ayaa si xowli ah ugu sii qulqulayaa magaalooyinka waaweyn-laakiin deegaankan wuxuu halis ku noqon karaa badqabkooda.

Ana Morales waxa ay soo martay meel kayn ah, waxay la socotay dhaqdhaqaaqa shimbiraha iyada oo adeegsanaysa qalab raadiye.

Aaladan waxay farriin ka heshay qalab kale ay ku xireen shimbiro yar oo madow oo ku nooleyd dalka Mareykanka.

Qalabkii teleefoonka ugu xirnaa Ana Morales ayaa ku wargeliyay in shimbirtii lagu arkay gobolka Montreal ee Canada.

Morales oo ka qalin jebisay jaamacadda McGill waxay daraasad ku sameynaysay dhaqdhaqaaqa shimibiraha ee u haya dhinaca magaalooyinka.

Waxay daraasaddan diiradda ku saareysay shimbirta Swainson oo meelo badan martay, shimbirtan waxay sandkii iskala gooshtaa waqooyiga, bartamaha ilaa koonfurta Ameerika.

Qaarkood waxay buul ka sameysteen agagaarka gobolka Montreal ee Canada.

Sida ku xusan daraasad bishii hore lasoo saaray, Ana Morales iyo saaxibadeed waxay daraasad ku sameynayeen xawaaraha ay ku duusho shimbirtan, markii da,be wey qabteen waxayna ku rakibeen qalab.

Tiro badan oo shimbiraha ayaa u hayaama magaalooyinka caalamka halka qaarkood ay si qarsoodi ah ku galaan halkaas, kuwaas inta badan jara masaafo kumanaan meyl ah.

Lama ogo sababta ku khasbeyso in shimbiraha ay u hayaan magaaloyin kale, qaarkood waxay u muuqdaan inay cunto u raadsanayaan halkaas si shimbirta nooca la yiraahdo Swainson.

Waxaa sare u kacayay shimbiraha ku dhinta halkaas, aaar ka mid ah shimbiraha hayaamo, tusaale ahaan, waxaa dila bisadaha guriga jooga ah.

Kumanaan shimbiro ah ayaa sanad walba ku dhinta magaalada New York oo kaliya marka ay ku dhacaan daaqadaha dhaadheer ee guryaha, waana dhibaatada si weyn looga yaqaano magaalooyinka waaweyn. Dhowaan ayay ahayd markii koox shimbiro leh midib madow ah oo u hayaamay dhinaca Mexico ayaa la arkayay iyagoo dhulka kusoo dhacayo kadib markii la baahiyay muuqaal laga soo duubay, shimbiro badan ayaa halkaa ku dhintay.

Seynisyahanad waxay sheegeen in shimbiraha ay nolol wanaagsan ka helaan magaalooyinka inkasta oo ay halis yihiin, haddaba, sidee lagu hubin karaa badqabka shimbiraha?

Intii ay ku gudo jireen cilmi baarista ay sameynayeen Ana Morales iyo saaxibadeed waxay ogaadeen in Shimbirta ay nolosheeda wax ka baddashay markii ay daadisay qaar kamid ah baalasheeda si ay usoo bixiso baalal cusub, waana arrin u sahleyso inay isku diyaariso safar dheer, shimbirta waxay xilliggaas joogtay Montreal, Canada.

"Waa wax lala yaabo in aaggan yar ee cagaarka ah uu awoodi karo in shimbirta ay ku nooaato muddo 40 maalmood ah," ayay tiri Morales.

Shimbirahani waxay u guuri karaan dhulkan cagaarka ah, sababtoo ah wuxuu leeyahay kheyraad badan sida midhaha iyo biyaha.

Qofna ma garanayo sababta shimbiruhu u soo jiitaan iftiinka macmalka ah habeenkii laakiin waxaa jira caddayn ku filan oo saameyn leh, Mid ka mid ah suurtogalnimada, ayuu yiri Frei, Shimbiraha safraya waxay adeegsadaan iftiinka xiddigaha.

Boqol sano ka hor seynisyahan u dhashay dalka Ireland oo lagu magacaabo Charles Patten wuxuu ku sugnaa guri iftiin lahaa oo ku yaallay xeebaha Ireland, wuxuu arkay raxan raxan shimbiro ah oo usoo duulaya dhinaca guriga, qaarkooda waxay ku dhaceen daaqadda guriga, inta badan shimbirahaas wey dhinteen, markaa wuxuu uruuriyay qaar kamid ah shimbirihii bakhtiyay si uu daraasad ugu sameeyo.

Baalaayiin shimbiro ah ayaa sanad kasta qaabkaas ku dhintaa, Dhismayaasha dhaadheer ee ku teedsan dariiqyada ay maraan shimbiraha ee caanka ah ayaa ah kuwa ugu khatarta badan.

Daraasadu waxay soo jeedinaysaa in McCormack xaruntiisa shirarka ee ugu weyn Chicago, tusaale ahaan, ay sababtay ilaa dhimashada 11,567 shimbiro ah intii u dhaxaysay 2000 iyo 2020.

Simon Gillings oo daraasad ku sameeya nolosha shimbiraha kuna nool magaalada Cambridge ee dalka UK ayaa daraasad ku sameeyay sida iftiinka uu u saameeyo nolosha shimbiraha hayaamayo, isaga iyo qof dhowr oo mutadawiciin ah ayaa cajalado dhigay beerahooda xilligii dayrta ee 2019, waxayna si wadajir ahu duubeen shanqarta shimbiraha habeenkii.

Si uu u falanqeeyo xogta, waxa uu adeegsaday hab basaasnimo been abuur ah oo si toos ah u xisaabiyay tirada shanqarta shimbirahaay sameeyeen kuwaas uu ku sameeyay saddex nooc oo kamid ah shimbiraha guurguura.

Tani waxay daaha ka qaaday dheelitirnaan cad. Tiradii ugu badneyd ee shanqarat shimbiraha ayaa laga helay jardiinooyin ku yaal meelo dadku ku badan yihiin, oo iftiin fiican leh.

Gillings ayaa ka digay in ay suurtogal tahay in tirada shimbiraha dul buubaya beerta ay ka buuq badan yihiin marka u duulayaan dhinaca iftiinka, sida ku xusan daraasaddooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira ugu yaraan xoogaa caddayn ah oo ku saabsan in ay jirto kororka dhaqdhaqaaqa shimbiraha ee ku sugan meelaha iftiinka leh.

Sababtoo ah shimbiruhu waxay u muuqdeen kuwo aad ugu noolaan kara geedaha magaalada, cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in helidda geedo ku filan ay ka caawin karto shimbiraha gurguura inay go'aansadaan inay galaan magaalooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, beeruhu waxay noqon karaan dabinno, ayuu uga digay Frances Bonier oo ka tirsan Jaamacadda Queen's ee Ontario. Meelaha cagaaran ee magaalooyinka waxay soo jiidan karaan shimbiraha laakiin kama heli karaan waxa ay ka heli karaan keymaha gaar inta ay tarmayaan.