Khatarta uu dagaalka Ukraine u horseedayo Yurub iyo waxa uu damacsanyahay Putin

.

Xigashada Sawirka, EPA

Muddo bilooyin ah, madaxweyne Vladimir Putin waxa uu inkirayay in uu damacsan yahay qabsashada waddanka deriska la ah, balse kaddib waxa uu ka tallaabsaday heshiis nabadeed, halka dagaalka ka socda Ukraine uu gaaray magaalada caasimadda dadka shacabka ahna ay isku dayayaan inay ka baxsadaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Ukraine.

Khatar intee le'eg ayuu ku yeelanayaa duulaankan Yurub?

Ruushku waxa uu muddo dheer ka soo horjeeday in Ukraine ay ku biirto Midowga Yurub iyo in ay xubin ka noqoto isbahaysiga difaaca reer Galbeedka ee Nato.

Marka uu weerarka ku dhawaaqayay waxa uu Nato ku eedeeyay in ay halis ku tahay "qarannimadooda taariikhiga ah".

Duullaanka ayaa saameyn ku yeeshay dalal kale oo badan oo xuduud la leh Ruushka iyo Ukraine. Shan waddan ayaa wajahaya soo galootiga ka soo cararaya colaaddan. Hay'adda carruurta ee Qaramada Midoobay ay sheegtay in xaaladda la saadaaliyay ay tahay in illaa shan milyan oo qaxooti ay galeen shan waddan oo Yurub ah. Poland, Moldova, Romania, Slovakia iyo Hungary ayaa dhamaantood ku dhiiran soo galootiga.

Tobanaan qof ayaa horey ugu dhintay wax uu Jarmalku ugu yeeray "dagaalka Putin", oo isugu jira rayid iyo askar. Hogaamiyayaasha Yurubna ayaa duulaankan ku tilmaamay saacadihii ugu madoobaa tan iyo 1940-kii.

Emmanuel Macron, madaxweynaha Faransiiska, ayaa xilli uu dib u xasuusanayay waayihii dagaalkii qaboobaa ee Midowgii Soofiyeeti waxa uu yiri: " Waxay ahayd xilli isbadel cusub u horseeday taariikhda Yurub."

Rag u dhashay dalka Ukraine ayaa lagu soo waramayaa in laga soocay qoysaskooda xilli ay isku dayayeen in ay dalka ka baxsadaan.

Ragga da'doodu u dhaxayso 18-60, islamarkana dagaalami kara , ayaa laga mamnuucay inay ka gudbaan xadka.

.

Qoysaska labada ciidan ee hubaysan ayaa la sheegay inay ku soo wajahantahay maalmo argagax leh xilli dagaalka uu ku sii ballaaranayo guud ahaan dalka Ukraine.

Sarkaal sare oo ka tirsan militariga Mareykanka Mark Milley ayaa sheegay in baaxadda ciidamada Ruushka ay la macno tahay xaalad "argagixiso", xilli uu dagaalka gaaray magaalooyinka waaweyn.

Kani maaha dagaal ay dadka Ruushku u diyaar garoobeen, sidoo kale, maadaama duulaanka uu ahaa mid ay ku shaambadeeyeen aqalka sare ee baarlamaanka oo aan cidina matalin.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qorsha uu Ruushku ka leeyahay Ukraine, balse waxa ay Moscow iska caabin xoog leh kala kulmeysaa shacabka colaadda yaqaana.

Bishii Januray, UK waxa ay Moscow ku eedeysay in ujeeddadeedu ay tahay sidii ay dowlad Ruushka u hoggaansan uga dhisi lahayd Ukraine - sheegashadaas oo Ruushku uu si kulul u beeniyay.

Dabayaaqadii 2021-kii, Ruushku waxa uu billaabay in uu tiro badan oo ciidamo ah geeyo meel u dhow xadka Ukraine, isagoo ku celcelinayay beeninta inuu weerar qaadi rabo.

Kaddibna Mr Putin waxa uu baabi'iyay heshiis nabadeed oo la kala saxiixday 2015-kii, waxa uuna dowlado xor ah u aqoonsaday gobollo ay fallaago maamulayeen.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Muxuu damacsanyahay madaxweyne Putin?

Madaxweyne Putin waxa uu qayb ahaan eedda ku saabsan go'aankiisa weerarka u sababeeyay isku ballaarinta Nato ee dhanka bariga.

Waxa uu goor sii horreysay ka cawday in Ruushka "aysan heli doonin meel ay dib u gurasho ku sameeyaan - ma waxay u maleynayaan in aan iska fadhin doonno?"

Ukraine waxay raadineysaa in loo caddeeyo waqtiga ay ku biireyso Nato, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Ryabkov uu yidhi: "Annaga waxaa waajib nagu ah inaan xaqiijinno in aysan Ukraine waligeed xubin ka noqonin Nato."

Balse Ruushku diiradda ma saarayo oo kaliya Ukraine. Waxa uu dalbanayaa in Nato ay ku noqoto xuduudihii ay taagneyd wixii ka horreeyay 1997-kii.

Mr Putin waxa uu rabaa in Nato ay iska bixiso dalalka ku biiray wixii ka dambeeyay 1997-kii iyo in aysan hub geynin xuduudaha u dhow Ruushka.

Taas waxa ay ka dhigan tahay in Nato aysan wax dhaqdhaqaaq ah iyo awood militeri ku yeelanin waddamada ku yaalla Bartamaha, Bariga Yurub iyo Baltics.

Mr Putin wuxuu sheegay in Reer Galbeedku ay 1990-kii ballan qaadeen in Nato "aan lagu fidin doonin hal taako oo ka mid ah bariga", balse ay sidaas dhacday.

Xilligaas waxay ahayd ka hor inta uusan burburin Midowgii Soviet-ka, ballanta laga qaaday madaxweynihii Soviet-ka, Mikhail Gorbachev, waxay ahayd mid ku saabsan Bariga Jarmalka ka hor inta aysan Jarmalka dib u midoobin.

Bishii Febraayo, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky waxa uu cunaqabatayn ku soo rogay Viktor Medvedchuk, oo ah nin awood badan oo u dhashay waddanka Ukraine, oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Putin. Ukraine ayaa sidoo kale mamnuucday baahinta wararka saddex taleefishin oo u janjeera dhinaca Ruushka.

Mareykanka ayaa ku baaqay in wadahadal la galo, kaas oo ku saabsan xakameynta gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dhexe, iyo sidoo kale in la galo heshiis ku saabsan gantaallada qaaradaha isaga kala gudba.

Ruushkuna wuxuu rabay in dhammaan hubka nuclear-ka ee Mareykanka aan laga soo gudbinin xuduudaha Mareykanka.