You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Soomaaliya oo u murugoonayso geesi dimooqaraadiyadeed
- Author, C/dir Khalif Sh. Yusuf
- Role, Qoraa/Weriye
Waxa dhowaan ku geeriyooday dalka Sweden xubin ka tirsanaa golihii u dambeeyay ee baarlamaan Soomaaliya oo doorasho axsaab badan lagu soo doorto, taas oo ka dhigayso in aysan jiran xubno badan oo ka harsan oo si xushamad leh lagu xusuusto.
Xersi Bulxan Faarah ayaa geeriyooday 2dii Febraayo, da'diisana lagu qayaasayay 100 sano jir, isagoo ku soo dhex noolaa qaska Soomaaliya intiisa badan, kana badbaaday dhiilooyinkii dowladburburka.
Geerida Mudane Bulxan waxay la macno tahay in aanay jirin siyaasiyiin badan oo kuraas ka heley Golihii Baarlamaanka oo ku soo baxay doorasho qof-iyo-cod ah. Doorasho noocaas ah waxa ka soo wareegtay 52 sano.
Dad badan waxay ku yiqiineen in uu sanooyin badan ku lug lahaa siyaasadaha iyo maamulka ee dalkan Geeska Afrika ku yaal.
Doorkiisa siyaasadda wuxuu soo muuqday markii loo doortay Golihii Barlamaanka ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee berigaas oo ka koobnaa 123-xubnood.
Isla kursiga uu ku soo baxay (AUN) Bulxan, waxa hore loogu doortay Jaamac Aw Nuurcali (oo la doortay 1964) iyo Daahir Nuur (oo la doortay 1960). Seddaxdaba midba markiisa ayuu xisbi iska shaxaxay.
Markaas Soomaaliya waxay ahayd demoqraadiyad soo ifaysa, doorashadiisana waxay calaamad u ahayd isu dulqaadashada axsaabta kala duwan.
Doorashada bil kaddib, Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke wuxuu ra'iisulwasaare u magacaabay Maxamed Ibrahim Cigaal. Xukuumadiisa cusbayd, wuxuu Cigaal u magacaabay Bulxan Wariirka Beeraha.
Hase yeeshee, lix bilood gudahood waxa la dilay Madaxweeyne Sharmarke oo uu dilay mid ka mid ah ilaaladiisii isagoo booqanayo Magaalada Laas Canood, 1,030 km waqooyi galbeed ka xigta Muqdisho, 15-kii Oktoobar 1969. Maydka Sharmarke waxa loo soo duuliyay Mudisho, kaddibna lagu aasay 20-kii Oktoobar.
Madaxdii ajaaniibta ahaayeen oo aaska ka soo qaybgaleen waxa ka mid ahaayeen Madaxweeynihii Zambia Kenneth Kaunda iyo Madaweeyne-ku-xigeenkii Kenya Daniel Arap Moi oo kaddib noqday madaxweeynihii labaad ee dalkiisa.
Bulxan wuxuu ka mid ahaa Golihii Dhexe ee xisbigii talada hayay ee SYL (Somali Youth League) oo bilaabeen in ay ka shiraan sidii loo buuxin lahaa booskii bannaanaaday markii madaxweeynihii la dilay.
Hase yeeshee, siyaasiyiinta rayidka ahaa waxa aysan ogayn in isla markaa, koox saraakiil ciidan ah ay qorshaynayeen in ay talada afgembi-kula wareegaan.
21-kii Oktoobar 1969, shan iyo labaatan sarkaal oo isku magacaabay Goliha Sare ee Kacaanka (Supreme Revolutionary Council - SRC) oo uu hoggaaminayay Sareeye Gaas Maxamed Siyaad Barre ayaa baabuur ciidan ku daabulay xubnihii xukuumaddii Cigaal oo geeyeen xayndaab dhismo oo ku yiil Magaalada Afgooye, 30 km koofur-galbeed ka xigta Muqdisho.
Waxa halkaas lagu hayay muddo seddax sano ka badan, iyadoo la laalay dastuurkii sida heer qaran loo ansixiyay, dalkiina loo jiheeyay qaab hantiwadaag iyo kalitalisnimo mayaladag.
1973-kii, markii la soo daayay siyaasiyiintii xernaayeen, Bulxan waxa laga digay Agaasimaha Waaxda Badbaadada Dhirta iyo Ciribtirka Ayaxa ee Wasaaradda Beeraha, kaddidna wuxuu madax ka noqday Wakaaladdii Dowladda ee Muuska (mooska).
Inta uusan noqon xubin baarlamaan, Bulxan wuxuu ka soo shaqeeyay hay'ado doowladeed, xornimadii kahor iyo kaddiba, 1950-dii iyo 1960-dii, sidaasna wuxuu ku kasbaday waayo-aragnimo mug leh.
Sanooyinkii 1970-dii dhexdooda, kolkii uu S/Guuto Siyad Barre billaabay in uu dhidibada u sii aaso kalitalisnimadiisa isagoo sameeyay taliskii ku dhisnaa xisbigii kaligii ahaa iyo Golahii Shacabka ee uu gacantiisa ku sameeyay. Isla markaana uu ku dhaqaaqay doorasho uu ilaa heer qaran uu isagu maamushay oo uu ku noqday madaxweyne 1979-kii, Bulxan wuxuu ka tegay dalka, wuxuuna ku biiray ururkii mucaaradka ahaa ee Somali Salvation Democratic Front (SSDF), kooxdii ugu horraysay ee Siyad Barre dowladdiisa ka soo mucaaradda dibadda.
Bulxan wuxuu xubin ka noqday Golahii Dhexe ee SSDF, isagoo ku soo laabtay Soomaaliya markii jabhadahii ay ka adkaadeen kalitalisnimadii oo ku khasbay Siyaad Barre in uu ka cararo Muqdisho.
Hase yeeshee, markii milishiyaadkii kooxihii mucaaradka ay iyagii iskula jeesteen hubkii, Bulxan wuxuu dib ugu gurtay gobollada waqooyi bari halkaas uu ka soo jeeday. Ugu dambaystii, wuxuu gacan ka geeystay dhismaha Puntland, mid ka mid ah maamuladii u horreeyay oo iskood isu abaabulay.
Markii uu soo gebageboobay Shirkii Dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay Caasimadda Kenya ee Nairobi, Bulxan waxa loo xushay in uu guddoomiyo Baarlamaankii Federaalka Kumeel-Gaarka ahaa ilaa Afhayeen loo doorto Sharif Xassan Sheikh Adan bishii Sebtember 2004.
Wuxuu sii ahaa xubin baarlamaan ilaa Agoosto 2012 markaa oo uu howlgab ka noqday siyaasadaha, hase yeeshee wuxuu sii watay howlihiisii ganacsi iyo samafal.
Sadaq Axmed Biixi oo saaxiib la ah Reer Bulxan wuxuu inoo sheegay toddobaadkii hore in waloow xildhibankii-hore da'diisu sii badanaysay uu aad ugu farxay in magaaladii uu ka soo jeeday ee Eyl, iyo laba kale oo kala ah Qardho iyo Ufeyn, noqdeen seddaxdii degmo ee ugu horreeyeen ee Puntland oo dadku u dareereen in markii u horraysay Soomaaliya ay qof-iyo-cod wax ku doortaan, tan iyo Maarso 1969.
Siddeed urur siyaasadeed oo kala ah Kaah, Mideeye, Horseed, Caddaalad iyo Sinnaan, Runcad, Mustaqbal, Ifiye and Shaqaalaha ayaa isu diwaangeliyay in ay u tartamaan 87 kursi ee dowladaha hoose e seddaxdaas degmooyin.
Madaxweeynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo dhowaan booqasho ku marayay Kenya ayaa u tacsiyeeyay Reer Bulxan iyo Soomaali oo dhan meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
"Xersi Bulxan Faarah wuxuu ahaa halyeey sanooyin badan u soo adeegay dalka, isuna xilqaamay u saldhigidda dowladnimadeena," waxa yiri Deni.
C/dir Khalif Sh. Yusuf
Muqdisho