Dadka haysta diinta Baha'i ee Masar: 'Waxaan doonaynaa inaan helno xabaalo aan ku aasanno dadka naga dhinta'

A man reads Baha'i scripture
Qoraalka sawirka, Diinta Baha'i waxaa la sameeyay 1863

Muddo sanado ah, ayaa dadka haysta diinta Baha'i ee waddanka Masar waxa ay ku baaqayeen inay helaan xaqooda ah in dadka ka dhinta ay ku aastaan magaaladooda Alexandria.

Diinta Baha'I, oo ka mid ah diimaha ugu da'da yar caalamka, ayaa waxaa lagu qiyaasaa inay haystaan illaa lix milyan oo qof, dunida ayeyna ku faafaysaa, oo ay ku jirto magaalada labaad ee ugu dadka badan waddanka Masar.

Hasayeeshee Alexandria ayaanan xabaalo u hayn dadka diintaas haysta.

Xabaalaha kaliya ee ay leeyihiin dadka haysta diinta Baha'i ee gudaha waddanka Masar ayaa waxa uu ku yaal afaafka hore ee magaalada caasimadda ah ee Qaahira, kaas oo fogaanta ka sokow aad loo buuxdhaafiyay.

"Kutubtayada, waxaa ku cad inaynaan mayd wadi karin in ka badan hal saac," ayuu Xaatim Al-Haadi, oo haysta diinta Baha'i u sheegay BBCda.

Gawaarida u kala gooshta Alexandria iyo Qaahira ayaa waxa ay qaataan muddo saddex saacadood ah. "Waxaannu jabinaynaa shuruucda diintayada haddaannu gaari ku qaadno maydka masaafada intaas la eg, iyadoo ay taasi sii dheer tahay in meesha kaliya ee noo furan aanan lagu aasi karin maydad kale." Ayuu yiri Xaatim Al-Haadi.

Mas'uuliyiinta Masar ayaa dhulka xabaalaha ah waxa ay ku bixiyaan qaab diimeed.

Rasmiyan, Masar waxa ay diimo jiro u aqoonsan tahay illaa saddex diimood uun; waa Islaamka, Yuhuudda iyo Masiixiga.

Kaararka aqoonsiga ee qaranka, ayuu sharcigu dhigayaa in muwaadinka loogu qoro diinta uu haysto, waxaana dadka haysta diinta Baha'i u furan oo kaliya (-).

Loollanka dhanka sharciga

Ka sokow inay helaan xabaalo ay maydadka ku aastaan, waxaa sidoo kale caqabad noqotay inay dadkaas diiwaangashadaan guurka.

Dhab ahaantii, qaar ka mid ah xubnaha bulshada ayaa waxaa lagu garanayaa inay adeegsadaan aqoonsiga diimo aanay aaminsanayn si ay uga weecdaan nidaamka dowladda.

Tirada bulshada haysata diinta Baha'i ee Masar ayaanay caddayn, maadaama aanay jirin diiwaan rasmi ah oo la galiyo.

City view of Alexandria

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Gawaarida u kala gooshta Alexandria iyo Qaahira ayaa waxa ay qaataan muddo saddex saacadood ah.

Hasayeeshee waxaa lagu qiyaasaa in kumannaan qof oo diintaas haysta ay ku kala yaacsan yihiin guud ahaan dalka. Tobannaan qoysaska Baha'i ah ayaa la ogyahay inay saldhig u tahay magaalada Alexandria.

Sanad ka hor, qaar ka mid ah xubnaha bulshadan ayaa waxa ay tageen maxkamadda si mas'uuliyiinta magaalada ay u siiyaan dhul ay ku aastaan dadka ka dhinta, hasayeeshee kuma aanay guulaysan kiiskooda.

Xukunkeeda ayey maxkamaddu ku sheegtay: "danta bulshada waa in ay ka saraysaa midda shakhsiyaadka, diinta Baha'i-na waxa ay xadgudub ku tahay kala dambaynta bulshada, taas oo ku salaysan shareecada Islaamka."

Saami iyo Layla, oo ah lamaane Baha'i ah oo deggan Alexandria, ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin go'aanka maxkamadda.

Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay

"Bal waxaad qiyaastaa safarka maalinta qaadanaya ee ka bilaabanaya Alexandria illaa Qaahira, waxa kharash ku baxaya, daalka, socdaalka… Hannaankaas waa uu fududaan lahaa haddaannu xabaalo ku haysanno halkan Alexandria. Anigu waxaan ahay muwaadin Masaari ah, xaqayga ma ahan miyaa inaan helo meel la igu aaso sida ay diintaydu qabto?" ayuu yiri Sami.

Layla ayaa iyana ra'yigaas oo kale qabta. Walaalkeed ayaa waxa uu dhintay dhammaadkii sanadkii 2020.

"Waxaannu ku baxnay kolonyo gawaari ah oo aannu ugu jihaysannay magaalada Qaahira si aan halkaas ugu soo aasno goobta kaliya ee diinteenna dadka haysta lagu aaso. Maalin adag ayey aheyd. Waa inaan safraa markasta oo aan doonayo inaan soo booqdo qabrigiisa."

BBCda ayaa waxa ay la xiriirtay mas'uuliyiinta si ay arrintan wax uga yiraahdaan, hasayeeshee wax bayaan ah nalama siin.

A cemetery in Alexandria
Qoraalka sawirka, Xabaalahan qadiimiga ah ee Alexandria ayaa lagu aasi jiray dadka haysta diinta Baha'i tobonnaan sanadood ka hor, haatanse waxaa la ogol yahay oo kaliya in lagu aaso Masiixiyiinta

Hasayeeshee qareenka reer Masar ee Ayman Mahfouz, oo difaaca go'aanka dowlada, ayaa sheegaya in mas'uuliyiinta ay tahay inay khad dhigaan.

"Haddii aynu albaabaha u furno diinkasta, qofkasta waxa uu dalban doonaa xabaalo u gaar ah. Taasi waxa ay horseedi doontaa in burbur uu ku yimaado iskuxirnaanteenna qaran iyo midnimada shacabka."

Xabaalaha kaliya ee ay Qaahira ku leeyihiin dadka haysta diinta Baha'i waxaa ku wareegsan darbi wayn, oo ku qoran tahay astaan oronaysa "ha abbaarin" albaabkeeda.

Sawirro laga soo qaaday gudaha xabaashan ku taal magaalada Qaahira oo la tusiyay BBCda ayaa muujinaya in quruubaha ay aad isu saaran yihiin meelaha bannaanna ay yar yihiin.

Diintan Baha'i ayaa 1983 waxaa magaalada Baqdaad ku sameeyay Baha'u'llah, oo ah qoraa sare oo Iiraani ah.

Qoraalladiisa ayuu Baha'u'llah ku sheegay "markii qofka la aasi markii uu dhintaba, waa ay ka habboon tahay mararka kale".

Shuruucda diinta Baha'i waxa ay dalbanaysaa in qofka dhinta aanan lagu aasin meel safarkeedu uu qaadanayo in ka badan saacad marka la eego goobta uu qofka ku dhintay.

line

Cagil Kasapoglu ayaa ka qeybqaatay warbixintan