Laxamiiste Cabdikariin Jiir: Tiir Culus oo ka Baxay Fanka Soomaalida

    • Author, Hussein Sabrie
    • Role, Qoraa Madaxbannaan

Laxamiiste Cabdikariin Faarax Qaarey oo ku magacdheer Cabdikariin Jiir waxa uu ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1943dii. Hobyo ayuu ku soo barbaaray, kuna soo qaatay dugsi hoose iyo dhexe. Barbaarkiisa iyo waxbarashadiisa waxaa u garab-socday hibo faneed, wuxuuna yaraantiisii heellada ka qaadi jiray xafladaha iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Sanadkii 1960kii oo ay Soomaaliya xurriyadda qaadatay ayuu Muqdisho soo galay. "Aniga oo yar ayaan Hobyo ka heesi jiray. Qof iga cod fiican in uu jiro uma maleyn jirin. Muqdisho ayaan imid aniga oo jaceyl xooggan u qaba fanka. Idaacaddii Radio Muqdisho ayaa tartan faneed laga iclaamiyay sanadkii 1963dii. In aan ka qeybgalo ayaan go'aansaday. Faadumo Daleys ayaa i gaysay Radio Muqdisho. Heello Layaab la yiraahdo ayaan soo duubay. Subixii ayaa heesaha la duubi jiray, galabkiina waa la soo deyn jiray. Galabtii ayaan timajare u tegay. 05:00pm ayaa waxaa Radio Muqdisho ka soo gashay heelladeydii. Anigu markaas waan faraxsanahay oo waxaan is leeyahay ku raaxeyso codkaada. Markii heestii billaabatay ayaa waxaa caay igu billaabay ninkii timaha ii jarayay. Ninku ma oga in aan aniga ahay, ee qofkaas heesaya ayuu caayay. Waan yaabay oo waxaan is iri oo meel kasta ma sidaas ayaa lagaaga caynayaa?

Markaas ayaan go'aan ku gaaray in aanan dib dambe ha u heesin. Waxaana ku fikiray in aan codkeygii xumaa cod macaan ku sameeyo, oo aan laxamiiste noqdo. 6 sano ayayna igu qaadatay in aan laxan sameeyo." Cabdikariin Jiir

Barashada codka iyo laxanka ayuu baadigoobay. Sanakii 1968dii ayuu laxameeyay heeskii ugu horreeyay. Waa heesta Sabab kake ee loo yaqaanno Hiba Nuura, balse uu markii ugu horreysay qaaday Maxamed Mooge.

Heestan waxay ka dhalatay sheeko isla Cabdikariin Jiir ku dhacday. Gabar Sahro la yiraahdo ayuu jaceyl u qaaday. Kaddibna wuxuu u tegay abwaan Maxamed Cali Kaariye oo uu uga sheekeeyay jaceylka haya, wuxuuna ka codsaday in uu hees u sameeyo. Isaga ayaana heestaas laxameeyay.

"Maxamed Mooge ayaan heestii xafidsiiyay. Inta kabankii qaatay ayuu ku heesay. Dareen gaar ah ayaa i galay, waxaana xusuustay maalinkii uu ninku i caayayay. Heestii ayaa kacday. Magaaladii oo socoto ayaa i soo raadsatay. Waxaana ku dhiirraday in aan mar labaad sameeyo. Hadraawi ayaa markii uu heestaas dhegeystay igu yiri 'Is beddel ayaad codadkii ku sameysay.'

Waa heestii ku billaabanaysay:

"Siday tahay nafteydiyo

Lama socotid hawlaha

Sanadahaan i haystee

Sasabiyo waxsheegiyo

Samir waan ka quustoo

Waa in aan salgaaree."

Heestaas iyo heesta Rako ee uu Jiir laxameeyay, Maxamed Cali Kaariyena uu ka allifay jaceylkii Jiir ayaa u furay badweynta fanka oo uu ka laxameeyay in ka badan 120 hees, oo ay ka mid yihiin heesta Sabab kale, Cabaaryaha, Laaley, Dhoof Caashaq, Beledweyn, Naftu doqonsanaa, Siraadey, Daallo aragtideedaay iyo Jacayl dhiig ma lagu qoray? Sida uu ii xaqiijiyay Abwaan Barre Fiidow, Cabdi Kariin Jiir waa qofka ugu badan ee laxameeyay heesaha Hadraawi oo ay saaxiib gaar ah ahaayeen.

Cabdikariin Jiir wuxuu sidoo kale laxameeyay heesaha ku jira silsiladdii Siinley oo si dadban loogu weerarayay xukunkii askarta ee uu hoggaanka u hayay Maxamed Siyaad Barre, kana koobneyd 29 maanso oo ay allifeen 15 Abwaan oo ay ka mid ahaayeen Hadraawi, Cabdiqeys, Gaarriye, Xaaji Aadan Axmed Afqallooc iyo Siciid Saalax. Sanadkii 1970kiina Cabdikariin Jiir wuxuu gacan libaax leh ka qaatay aasaaskii kooxdii Iftin ee ay laheyd Wasaaraddii Waxbarashada oo uu tiirarkeeda ka mid ahaa. Balse kuma koobneyn kooxda Iftin ee uu ka tirsanaa ee wuxuu laxameyn jiray heesaha kooxaha kale sida kooxda Waaberi oo uu raad xooggan ku yeeshay.

Cumar Seerbiya oo ah wariye ku fooggan fanka Soomaalida ayaan wax ka waydiinnay Cabdikariin Jiir, wuxuuna ku jawaabay "Cabdikariim Faarax Jiir in uu ahaa cabqari ku caanbaxay laxamaynta heesaha oo uu aad farshaxan ugu ahaa ka sokow, wuxuu ahaa hagarlaawe u banbaxay in uu weeleeyo taariikhda fanka oo uu mar kasta ka warramo. Anigu shakhsi ahaan weli xog aan Cabdikariim weydiiyay igama hagran, tirana ma laha inta jeer ee xogtiisa marka laga tago uu cid kale sida fannaan ama abwaan uu macluumaadkooda in uu dadka baro uu waqti ku bixiyey."

Abwaan Cabdirisaaq Axmed Geeddi (Aakhiro) oo bare sare ka ah Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxay saaxiib ahaayeen in ka badan 40 sano Cabdijariin Jiir oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Iftin. Isaga oo BBC uga warramaya shakhsiyaddiisii ayuu wuxuu yiri "Cabdikariin Jiir wuxuu ahaa nin bulshaawi ah oo dadku iskugu mid yahay. Nin sadaqa ku sarreeyo oo mucjiso ku ah ayuu ahaa. Ramadaan kasta gurigiisa annaga oo dhawr iyo toban qof ah ayaan ka afuri jirnay."

Waxaa dadnimadiisa iyo duntiisa wanaagsan ka maragkacay wariye Bashiir Maxamuud oo ku xeeldheer arrimaha fanka, ayna guri ku soo wada noolaadeen Cabdikariin Jiir. Isaga oo ka faalloonayada shakhsiyaddii Jiir ayuu yiri "Mullaxan Jiir waxaan isbarannay 2009kii oo ay Muqdisho xaalad adag ku jirtay. Guri aan ka degganaa degmada Waaberi ayuu qeyb ka soo degay. Wuxuu ahaa nin deeqsi ah oo sadaqo badan, safka hore ee salaaddana mar kasta u degdega. Ma dhici jirin in qof uu Jiir agtiisa ku baahdo. Marka uu casirkii magaalada ka soo laabto waxaa gurigiisa soo booqan jiray dad sabool ah oo uu gacanta ku hayay."

Kaddib xanuun maalmahaan wadnaha ka hayay oo uu koomo u galay, maanta oo Axad ah, February 13, 2022 ayuu Cabdikariin Jiir ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wuxuu ifka uga tegay siddeed carruur ah, afar wiil iyo afar gabdhood. Eebbe ha u naxariisto.